Garyaqaan2 Posted January 4, 2005 Xiisad ka taagan Hargeysa, kadib markii la dilay laba nin oo ay isku heyb yihiin wasiirka arrimaha gudaha maamulka Somaliland Hargeysa Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee xarunta u ah maamulka la baxay Somaliland, ayaa waxey sheegayaan in halkaasi lagu dilay laba nin oo ay isku heyb yihiin wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Ismaaciil Aadan Cusmaan, waxaana la sheegay in dilkaasi uu geystay askari ka tirsan booliska Somaliland kaasoo lagu xiray xabsiga dhexe. Dad careysan oo reer Hargeysa ah ayaa ku xoomay isbitalka Hargeysa halkaasoo la dhigay meydadka labadii Marxuum, kuwaasoo shalay lagu aasay magaaladaasi. Sababta keentay dilka nimankaasi ayaa la sheegay in ay la xiriirto kadib markii ay isku dayeen in ay dhistaan dhul sharci darro ah oo ay ku baaqday wasaarada howlaha guud ee maamulkaasi in aan la dhisan karin, iyadoo dhinaca kalena wararku sheegayaan in dilka nimankaasi uu ka dambeeyey mid ka mid ah ilaalada wasiirka howlaha guud & guriyeynta maamulka Somaliland Siciid Shirwac wararka qaar ayaa waxeey sheegayaan in xaalada hargeeysa ee hada faraku jirin. wixii faah faahin oo dheerad ah waan idinla soo socod siin doonaa Cabdishakuur Cilmi Xasan ,Dayniile Muqdisho cabdishakuur@dayniile.com webmaster@dayniile. Quote Share this post Link to post Share on other sites