Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted March 22, 2008 Ceelna uma u qodno, cidna ma u maqno maqli jiree. Masaakiinta Soomaaliyeed wax u naxariisato la waaye. Masaakiin, Eebba kaliya u maqan. Soomaalidii kale naxariista ka dhamaatay, caalamkiina iska indhatiray, kuwii yaraana wax u qabto u imaado dalka la afduubto, mucaawinadii la keenana la isbaareysto. Dad ayaa meesha magac dowlad aan jirin huwan, wax ee qabtaana jirin ka ahayn inay wax laayaan ama dad dhacaan ama iyagii isqabqabsadaan. -------------- Sicir bararkii ugu ba’naa ee ku yimaada Raashinka iyo Shidaalka oo ka taagan Magaalada Muqdisho Qiimaha lagu kala iibsado raashinka quutul daruuriga ah iyo shidaalka ayaa waxaa ku yimid sare u kac aad u weyn, kaasi oo si weyn u saameeyay dadka aan dhaqaalaha buuran lahayn ee nolol maalmeedka la dagaalama. Sicir bararka ku yimid Raashinka Quutul-Daruuriga ah iyo Shidaalka ayaa waxaa si weyn looga dareemayaa magaalada Muqdisho, waxaana lagu hadal hayaa meelaha ay dadka isugu yimaadaan, iyadoo ay xusid mudan tahay in sicir bararkan uu ku soo beegmayo iyadoo aysan dadka Muqdisho intooda badan shaqeynin, isla markaana kuwo yar oo shaqeyn jiray ay goobahooda ganacsiga sida Suuqa Bakaaraha ay u tegi la’ yihiin nabadgelyo darro ka jirta aawadeed. Haddaba aanu eegno halka uu marayo qiimaha raashinka, shidaalka iyo weliba sarifka lacagta Doollarka oo ay inta badan ganacsatada Soomaaliyeed ay ku jaan-gooyaan ganacsigooda. Weli ma dhcin taariikhda sicir bararka Suuqyada Muqdisho in uu heerkan oo kale gaaro, weliba xili ay dadka ku dhaqan muqdisho la soo dersadeen xaalado shaqo iyo nabadgelyo la’aan ah. Marka laga soo tago Qiimo kororka ku yimid raashinka Quutul daruuriga ah ayaa waxaa si weyn loo dareemayaa sare u kaca qiimaha Shidaalka, waxaana laga dareemayaa Waddooyinka Muqdisho oo ay ka yaraadeen gaadiidkii isticmaali jiray, gaar ahaan kuwa dadweynaha oo haddiiba la helo haatan magaalada gudaheeda looga raaco qiimo dhan 5000 Sh. So. Aqoonyahanno ka faalooda arrimaha Dhaqaalaha ayaa waxay sheegeen in sicir bararka jira ay mas’uul ka yihiin ganacsatada Soomaaliyeed oo aaney jirin cid kula xisaabtanta qaabka ay u ganacsadaan, waxayna qaarkood sheegeen in ay jiraan ganacsato raashinka iyo waxyaabaha kale ee ay dadka u baahan yihiin keydiya xiliyada ay dadka u baahan yihiin, isla markaana kaga faa’iideysta waqtiyadan oo kale oo ay dadku qabaan baahida ugu badan. Dr. Cumar Colaad oo ka mid ah Aqoonyahannada ka faalooda arrimaha Dhaqaalaha ayaa wuxuu sheegay in nolosha dadka Muqdisho ay khatar ku jirto, wuxuuna taasina ku sababeeyay in iyadoo sicir barar jiro ay Dadka Muqdisho hadana gelayaa Xiligii Bad xiranka oo bilaabanaya bartamaha Bisha May ee soo socota, xiligaasi oo ay yaraan doonaan Gaadiidka Badda ee Badeecooyinka Ganacsi ka keena Seyladaha ay ku xiran yihiin ganacsatada Soomaaliyeed sida Imaaraadka Carabta iyo Kenya. Si kastaba arrintu ha ahaatee, sicir bararka ka taagan Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dad badan oo ku noolaa hooska guryahooda xitaa haddii aysan helin wax ay cunaan ay haatan daadsan yihiin inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye iyagoo weliba ku nool heer ka sii hooseeya saboolnimo, iyadoo ay xusid mudan tahay in dadkaasi ay u badan yihiin Dumar, Caruur iyo Dad Waayeello ah oo la ogyahay in ay yihiin kuwa bulshada ugu nugul oo aan duruufaha ah u adkeysan karin. Xigasho Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted March 22, 2008 Dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho oo maalintii oo dhan quuta hal mar kadib markii sicir barar aad u weyn ka dilaacay magaalada Qiyaas hordhac ah oo laga helay Ururada Bulshada Magaalada Muqdisho ayaa lagu ogaaday in cunista Raashinka hoos u dhacday 48 saac aynu soo dhaafnay iyadoo goobaha lagu iibiyo Raashinka ay yar tahay dadka cuntada u doonta. Qiimaha Saliida, Bariiska, Baastada, Hilibka iyo Biyaha ayaa kor u sii kacayay Labadii Maalmood ee laga soo gudbay, dhibaatadaas jirta waxaa intaas u sii dheer lacagta Shillin Soomaaliga oo meelaha qaar laga diiday. Marka aad eegto Sarafka Lacagaha qalaad, Boqolkii Dollar ayaa Magaalada Muqdisho saaka waxaa uu ka marayaa Labo Milyaan afar Boqol iyo Toban kun oo Shilin Soomaali ah. Marka aad rabto inaad aado Degmada Madiina waxaad ku tagaysaa Lacag dhan 8000 kun meeshii markii hore aad ka bixin jirtay 3000,sidaas darteed waxaa khatar badan soo wajahday nolosha kumanaan kun oo Soomaaliyed. Dhibaatada waxa u sabab ah Ganacsatada keenta Raashinka, Sida Sokorta, Shidaalka iyo waxyaabaha kale ee ku xiran nolosha dadka. Labada Suuq ee hadda dhaqaaqa cagaha badan lahayn ka socda waa Bakaaraha iyo suuq Bacaad labadaas goobood ayaa ah halka ay dhibaatada ka socota oo aysan jirin cid Maamusha waxay doonaan ayay subaxdii ku furan Ganacsiga. Dadka soomaaliyed oo inta badan ku nool Lacago dibadda biil ahaan loogu soo dhiibo ayaa waxaa haysta dhib aad u weyn. Dhibkaas oo ah haddii qoyska markii hore loo soo dhiibi jiray 100 Dollar maanta kuma filana waxay u baahan yihiin qoyskaas ku dhawaad 300 oo Dollar maxaa yeelay wax kasta waa qaali waxaana saameeyay sicir barar aad u weyn. Waxaa jirta in guriyaha maalintii oo dhan hal mar oo kaliya dabka la shito, waana halistii ugu weyned ee soo wajahda dadka Soomaaliyed ee ku dhaqan Soomaaliya, iyadoo taa u dheer tahay dagaalada aan dhamaadka lahayn ee ka socda Xamar iyo Gobolada dalka. Xigasho Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xoogsade Posted March 22, 2008 Nolosha waa ku adkaatay reer Muqdisho saxib. Ilaahay ha u yasiro, Culeeska saaran ilaahay haka qaado. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted March 22, 2008 Isticmaalka 1000-Shilin [kunka Shilin] ee duuqa ah oo xaalada adag ay ka soo wajahday dadka reer Muqdisho ka dib markii ganacsatada qaarkood ay diideen in wax looga iibsado Iyadoo lacagta 1000ka Shilin ah ay haatan tahay lacagta kaliya ee imika laga isticmaalo magaalada Muqdisho iyo inta badan koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa imika isticmaalka lacagaasi gaar ahaan kuwa duuqa ah soo wajahay xaalad adag ka dib markii qaar ka mid ah ganacsatada yar yar iyo kuwa waaweyn ay bilabeen iney diidaan in waxl ooga iibsado. Waxaa sii kordhay muranka iyo isqabqabsiga u dhexeeya ganacsatada iyo ddaweynaha oo ku aadan qaadasahada lacagtan oo illaa hadda la fahmi la yahay cida mas’uuliyadeda leh, waxaana arintan dadweynuhu ay ku eedeynayaan iney ka dambeeyaan ganacsatada, halka ganacsatadana ay dhabarka u saariyaan sariflayaasha oo ay sheegeen iney ka diidaan, iyadoo sariflkayaashana ay ku andacodeen in dadka ay lacagaha u sarifaan ay ku soo celiyaan oo ay diidaan iney qaataan lacagtan duuqa ah. Arintan ayaa si weyn u saameysay dadka dabnyarta ah ee ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo kuwa muruqmaalka oo waxoogaaga ay soo helaan marka ay goobaha ganacsiga la tagaan loo kala sooco oo la leeyay taa iga bedel iyo tan ma qaadanayo xili ay horeyba ula daalaa dhacayeen oo noloshodaana uu ula degay sicir bararkii ugu xumaa ee abid soo mara taariikhda inta la ogayahay oo ku dhacay badeecadaha gaar ahaan kuwa quutul daruuriga ah. Qaar ka mid ah sariflayaasha yar yar ee xaafaadaha ayaa sheegay iney joojiyeen lacagihii ay dadka u sarifi jireen, ka dib markii sida ay sheegeen ay dadku bilaabeen iney u soo celliyaan lacago aad u fara badan oo duug ah, taasoo ay sheegeen ineysan garaneynin meel ay ula noqdaan oo looga soo bedelo, waxayna ku eeedeeyeen ganacsatada soo sameysata lacagaha faalsada ah iney arinkan ka dambeeyaan ay si ay socodsiiyaan lacagaha ay keenaan ee sharci darada ah, iyadoo dhinaca kale illaa hadda aysan jirin wax talaabo ah oo aritan ay ka qaaday dowladda federaalka Soomaaliya oo u muuqata in aysan wax miyir ahba u heynin. Xigasho Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted March 22, 2008 Lacagaha Shilin Soomaaliga waa la diidaye Maxaa wax lagu kala iibsan doonaa? Lacagaha Shilin Soomaaliga ayaa soo marey maraaxiil kala duwan tan iyo intii ay burburtey Xukuumaddii hore ee Soomaaliya,iyadoo markii ay xukuumaddu burubrutey ay shaqeeynaayeen lacagaha oo dhan,sida 10 Sh,20 Sh,50 Sh,100 Sh,500 Sh iyo 1000 Sh,hase yeeshee horrraantii Sagaashameeyadii waxa gebi ahaan suuqa ka baxey oo la diidey Lacagaha 10,20,iyo 50 ka. Hase yeeshee lacagahaas ayaa u wareegey Gobollada W/Bari,iyo W/Galbeed,iyadoo ilaa haddda ay ka shaqeyso lacagta Kontonka Shilinka Soomaaliga ah,hase ahaatee lacagaha Boqolka Shilin iyo Shanta Boqol ee Shilin ayaa gebi ahaan laga diidey Caasimadda iyo Koonfurta Soomaaliya oo dhan,taas oo markii dambe loo daadgureeyey Gobolladda Dhaxe iyo Gobollada Waqooyi. Haddaba waxa isweyddiin Mudan sababaha ka dambeeysa diidmada lacagaha ee Koonfurta Soomaaliya.Diidmada lacagaha Tobonka ilaa Boqolka shilin ee Soomaaliga ah ayaa timid markii dhaca iyo Boobka foosha Xumaa uu ka socdey Gobollada Koonfureed,iyadoo lacagahaasna ay ahaayeen lacagyow Xoosh ah oo qaadisteedu ay aad u dhib badneyd,iyadoo ay Burcaddu soo beegsan jirtey tira badnideeda,taasina waxay kalliftey inay diidaan Ganacsatada waaweyn iyo kuwa yaryar ayna sidaas suuqa uga baxdey. Waxaa lacagta laga isticmaalo Caasimadda iyo Gobollada Koonfureed ku soo hartey 500 sh iyo 1000 Sh,waxaana Markii dambe soo ifbaxdey in la diido lacagta Shanta Boqol taas oo ay billaabeen Ganacsatada waaweyn,taasina waxay salka ku haysey siyaasad dhaqaale doon ah oo ay ku doonayeen inay soo sameystaan Lacago been abuur ah oo xaaraan ah,si ay taas meel ugu helaan ayay diideen lacagtii Shanta Bqol ahayd,waxana Shanta Boqol Koonfurta iyo Caasimadda laga diidey sanadkii 1999lii,waxana loo daadgureeyey Gobolladii lacagihii hore ay ka shaqeeyaan. Waxana Lacagta Koonfurta Bartamaha Soomaaliya laga isticmaalo ku soo aruurtey Kunka Shilin oo keliya taas oo Muddo 7 sano ah ka dambeysa Shanta Boqol,waxana inta uu kunku shaqeeynaayey la soo dabaacey lacago fara badan oo Ganacsato aan xaaraan iyo Xalaal u kala soocneyn ay soo daabaceen;taasina waxay qiimo dhac u keentey lacagta Soomaaliga oo uu ka nool yahay Kunka shilin oo kaliya. Haddaba dhowaan ayaa waxa soo ifbaxey in la diido lacagaha duugga ah ee Kunka Shilin,waxana arrintaas ka soo shaqeeyey Ganacsato leh ujeeddo Siyaasad Dhaqaale doon ah,iyagoo ka soo billaabey Tuulooyinka oo dadka reer Miyiga ah dhegaha ugu shubey inay diidaan Lacagaha Jeexan iyo Midda duuqgta ah si ay mar kale Fursad ugu helaan inay soo daabaacaan lacagaha Kunka ah. Arrintaas ayaa laga soo billaabey Gobolka Shabeellada hoose,iyadoo iminka dhibaato badan lagu qabo dhamaan Degmooyinka iyo Tuulooyinka kala duwan ee Gobolka,iyadoo meel kasta marka aad istiraahdo wax ka gado lacagta la kala saarayo oo tan jeexan iyo tan duugoowdey lagugu soo celinaayo,waxayna arrintani keentey dhibaato badan oo dadka danyarta ah soo foodsaartey. Magaalada Muqdisho ayaa Markii ay Dowladdu soo gashey waxaa ku soo batey Lacagaha cusub ee Kunka Shilin,taas oo la sheegey inay Dowlladdu keensatey oo ay siineysey Ciidamadeeda,hase yeeshee Kooxaha ku kacsan Dowlladda ayaa Ganacsatda Suuqa Bakaarha uga digey inay keeni Karin Suuqa Lacagaha cusub,taas oo ay amar ku bxiyeen shaqsigii lagu arko in la toogaanayo,taasina waxay cabsi weyn ku abuurtey Ganacsatda lacagaha cusub keeni jirey. Arrintaas oo wax weyn u tartey reer Muqdisho,ka dib markii ay ka badbaadeen Duufantii lacagaha Faalsada ah ee saameyn ku yeelatey Gobollada Bartamaha iyo W/Bari;Haddaba Ganacsatada ku naaxey lacagaha ku yimid Ganacsiga Xaaraanta ah ayaa raadiyey Siyaasad kale oo ay kaga badbaadaan diimada Lacagaha cusub ee ay Kooxaha Mucaaridku hor joogsadeen,taasina haatan sabab u tahay diidmada Lacagaha Jexmey iyo tan duugoowdey oo ay ka soo ansaxiyeen reer Miyiga iyo Dadka Tuulo joogga ah. Haddaba haddii Lacagta cusub ee la keensanaayo ay Kooxaha Muqaawimadu diideen tan duugoowdeyna ay Shacabka iyo Ganacsatadu diideen,waa tee lacagta ka shaqeyn doonta Caasimadda iyo Koonfurta Soomaaliya?waa so’aalo taagan oo ay dadku Bishan ku qaxweeeyaan. Si kastba ha ahaatee lacagta Soomaaliya waa dhimatey ee maxaa wax lagu kala garaa? Jawaabta Su’aashani waxa weeye waxay noqon doontaa laba Arimood Middood: 1-Inay Kooxaha Mucaaridka ah ee hor joogsadey isricmaalka Lacagaha cusub ay faraha ka qaadaan oo Ganacsatada Xaaraan ku naaxa ahi ay Fursad helaan oo ay soo daabacaan Lacag cusub oo kunka Shilin ah,oo sidaas ku sii shaqeysta,mar kale,sicir barbarkuna uu halkiisa ka sii socdo. 2- Iyo in gebi ahaan Lacagta Kunka ah gebi ahaan la diido oo lacagta Soomaaliya laga Isticmaalo ay ahaato lacagaha Qalaad ee Suuqyada yaalla taas oo lagu kala gadan doono badeecooyinka Jumlada iyo Tafaariiqda ah, taasina waxay dhibaato weyn u keeni doontaa Shacabka oo aan wada heli Karin lacagaha qalaad. Mana jirto Fursad kale oo ay heli karaan Shacabka dhibaateysan oo dhibaatada inta badan ay iyagu masuul ka yihiin,sababtoo ah si aan toos ahayn ayaa laga fuliyaa wax kasta oo la doonayo in la meelmariyo. Xigasho Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted March 22, 2008 1000ka Shilin oo sababtey mudaharaad ka dib markii la diidey in la qaato Waxaa maanta banaabax si iskiis ah uga bilodey xaafada Madiina ee magaalada Muqdisho kaas oo dadka dhigayaa ay u badnaayeen kuwa dan yarta ah ee nonol malmeedkooda uu ku xiran yahey wixii malintaas ay soo helaan kaas oo ka dhashey caro ay ka qaadeen markii la diidey lacagta 1000-ka shilin ah ee ml yar xitaa ka dilaacasan. Dadka mudaaharadaya oo ka soo bilaabey socdkooda deegaanka suuq boocle ee degamada dharkeyn ley,ayna si aada wax uga iibsadaan dadkii ka soo qaxey magaalada muqdisho xaafadeheeda ay duqeynta u geyseen ciidamada Ethiopia ayaa waxaa ay saakey mar qura si lama filaana uga bilodey mudaharaadakan oo markii danbe ku soo fidey ilaa laamiga isla markaasna dadku ay qaadayeen laamiga aykoo markii danabena gaarey ilaa suuqa weyn ee xaafada Madiina ee laamiga. “Waxaan diideynaa in la diido 1000 kunka SH.So, doolar qaate doonimeyno kunka diidide doonimeyno” ayey si qeylo dhaan ah ugu muujinayeen dadkaas mudahaaradayey oo qaarkood ay ka muuqatey diif iyo in ay ku adagtahey noloshu. Dadka Ganacsatadaa qeybahooda kala gedisan ayaa bilaabey in ay kala saaraan lacagta kunka shilin ah oo aydu ah mida kaliya ee Sh. So. ka nool waxaan ugu daran dadka kuwa iibiya caanaha, Raashinka, Gaadiidleyda iyo xitaa kuwa dhuxuhs iibiya dhamaantood . Amuurtaan ayaa waxaa dadka muqdisho ku nool waxaa ay la yaabanyihiin wax xigi doona ee wax lagu iibasan doono 1000ka Shilin hadiiba la diidey iyo waliba walaac kale oo ay ka qabaan in loo sahlayo kuwa soo sameysta lacagta been abuurkaa ee kunkaa hadii midi duuga aheyd la diidey xiligan oo dagaalo ay la degeen dadkii Muqdisho. Xigasho Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted March 22, 2008 Dad ka careysan Sicir barar ka taagan Magaalada Muqdisho oo boobay Raashin Ganacsato u rarnaa Dad ka careysan sicir barar maalmahan ka taagan magaalada Mqudisho ayaa waxay maanta boobeen Raashin u rarnaa Ganacsato Reer Muqdisho ah, kadib markii gaari uu Raashinkaas saarnaa ay Dadkaas ku qamaameen. Falkani lagu boobay Raashinka ayaa wuxuu ka dhacay Isgoyska Sanca ee ee kala qeybiya Degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan ee Gobolka Banaadir, iyadoo Gaariga Raashinka raasnaa ee la boobay uu ku soo dhex dhacay dad ka banaanbaxayay Sicir Bararka ka jira magaalada Muqdisho, inkastoo markii dambe ay ciidamo ka amar qaata dowladda Federaalka ay dadkaas kala ceyriyeen. Sidoo kalena, Dad kale oo iyana Sicir bararka ka banaanbaxayay ayaa waxay boobeen Goobo ganacsi oo ku yaala Suuqa Kaaraan, iyadoo dadkaasi oo dhagaxyo tuurayay ay ku dhawaaqayeen ereyo ka dhan ah Ganacsatada oo ay ku sheegayeen in ay yihiin dhiig-miirato ka dambeeya sicir bararka ka taagan magaalada Muqdisho. Habeenkii xalay ahaa ayaa xaafado dhowr ah oo ka tirsan Degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan waxaa ka dhacay Banaanbaxyo ay dhigeen Dad ka careysan Sicir bararka ku yimid Raashinka Quutul daruuriga ah iyo weliba Shidaalka, inkastoo dadkaasi ay si gaar ah uga cabanayeen koronto la’aan la soo deristay kadib markii shidaalka oo qaaliyoobay aawgii loo demiyay Matoorro ay Koronto ka heli jireen. Waxaa jirto cabsi ku saabsan in uu Suuqyada Muqdisho ka dhaco kacdoon Shacbi oo ka dhan ah Sicir bararka ku yimid Raashinka iyo Shidaalka, kaasi oo la rumeysan yahay in ay ka dambeeyaan Ganacsatada Muqdisho oo qaarkood keydiya Raashinka iyo Shidaalka, isla markaana la soo baxa marka la waayo oo uu qiimahooda sare u kaco. Shalay ayay ahayd markii Dadweyne aad u faro badan oo ku dhaqan Degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley ay ka banaanbaxeen ganacsato Degmooyinkaas ku dhaqan oo diiday in ay qaataan Lacagta Kunka Shillin Soomaaliga ah ee duugowday, iyagoo sidoo kalena banaanbaxooda uga cabanayay Sicir Bararka ku yimid Raashinka iyo Shidaalka. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted March 22, 2008 Sicir barar mise siyaasad barar? Bilihii u dambeeyay waxa ay dadweynaha soomaaliyeed ay dareemeen muducyo afaf dhaadheer leh oo mud mudaaya, waxay taabteen xaqiiqo dhibaato oo ku noqotay mid soo jireen ah, guri kasta waxaa u muuqday in ay wax sii baa’abayaan markii ay ka waayeen iftiin lagu soo hirto iyo biyo lagu oon baxo waa daruur nabadeede. Samanku waa mid colaadeed, dhankaad u baxso tiraahdana waxaa ku hortaagan kooxo qatayaan laga joogo oo dadka diirta, waxay sitaan mindiyo afaf wax xiira leh, cabsi iyo argagax ayay dadka ku ridaan cadaawad fool xun ayaa ka muuqda ma jiraan wax xariir ah oo idiinka dhaxeeya, laakiin waxa kaliya oo muuqda waa inuu ku dhaco, waa qeyb ka mid ah Sicir bararka oo hala yaabin oo Safar Barar ku darso erey bixintaada sanadka. Labo sano ka hor inkastoo uusan amaan jirin uusan amaan la isku haleeyo hadana qelo kama soo yeerin maciishada quutal daruuriga ah, laakiin maanta sicirkii waa loo dhawaan waayay oo waxaa dhashay Sicir barar aan caadi ahayn, ma laha sida wararka lagu hayo waxaa buufiyay sicirkii makiinado dhowr ah oo yaala Gobolada Punland malkiiyaasha makiinadahaasi ayaa runtii ka fikirin dhibtaada ka imaan kara mashinadoodaas, nasiib daro kama aysan fikirin xitaa inay saamayn karayso suntan ay buufinayaan xigtadooda hoose, hadaba sicir barar + siyaasad barar = caga barar . Intaasoo kaliya ma aha xaruntii dhexe ee ganacsiga oo Soomaaliya waa Suuqa Bakaarahee waxaa ka socda bilhii u dambeeyay dagaalo kuwaasoo xitaa bararkiciyay ganacsatadii suuqaas, waxay sababeen qeyb ka mid ah sicir bararkaas ee maanta lala daalaa dhacayo, in badan oo ka mid ah shacbiga soomaaliyeed waxay ku riday jahawareer iyo maskax daal waxayna ka fikiriyaan inay waxoo dhan ay sabab u yihiin siyaasad bararka ku dhacay soomaaliya oo ka dhigay arlada Soomaaliya qarax iyo hur badan oo ay colaadaha iyo abaaraha isu dhiidhiibeen, noolasha waa mid qaraar, wayna sii qaraarowaysaa maalinba maalinta ka dambaysa, sababatoo madaxdu maciin ma leh, kuugyaashu naxariis ma leh, fadlan waa inay Madaxdu iyo kuugyaasha waa inay noqdaan kuwo naxariis saxiib u ah. Hadaan taa la helin dadku waxay ku dhaw yihiin in sagxada hoose ee tareenka waalida qanqaniinaan ayna la dagaalamaan xowliga xanaaqa ee hareeyay haduuba yaraanayo. Weli dadweynahu waxa uu raad raadiyaan oo uu isku qancinayaan wax aan la isku qancin Karin, maxaa yeelay qof kastoo naga mid ah waxa qorshaynayaa si uu naftiisa u qayaanayn lahaa, nin badda isku rida isagoo lacag ku bixinaya si uu u dhinto, qof ilmihiisa ula carara xaduudo dalal kale laakiin uusan ka fikirin aakhirka waxa ugu imaan doono iyo waxa ay ku dambayn doonaan caruurtiisa. Magaalo kasta iyadaa isku murugsan oo murug kale uma baahna tusaale ahaan soo qaado Beladweyne waxa ka dhacay!!! Puntland waxa ka soo karayaa oo uu qiray madaxweyne ku xigeenkeeda!!! Qaraxyada hawada isku salaamaya ee magaalada muqdisho oo qofkii ku dhex jirana isagiiba is weysan waa meel aan aadanaha loogu turin, Xayiwaan warkiisaba daa!!! Dalkoo dhan waa wada qabyo, maanka iyo dareenka gudaha daweynaha dagaal ayaa ka socda oo qof kasta waxa isu sheegayaa Ereyadan MA BAXDAA .. MA JOOGTAA...MAKA DHUUMATAA CARUURTAADA MISE GURIGA AYAA U IIBISAA iyo ereyo kale oo ku jiro hayi kac baahsan. Sidaa darteed ficil iyo falaad siyaasadeed waxa sababeen in mar kale inay soomaaliya kala guurto, ka dib markii wixii la doono lagu dul fuliyay dadka korkooda wixii la doono xitaa in Hubab lagu tijaabiyay dadka korkooda inay ciidamo tababar ku qaataan dagaal magaalo, goormay muqdisho noqotay xero carbis lagu sameeyo, sidee hadaba aduun arag u noqdaa mid ilbax ah, hadiiba uu xaalka sidaa maraayo waxaa la gudboon soomaaliga ku toosan Islaamnimadiisa ku dhego xariga Alle ku suuxo wado kale oo furan ma jirto sicir ha bararo ama yuu bararin, hala buufiyo ama yaan la buufin BM ha guuxo ama yuusan guuxin, Hoobiye ha hoobto ama yuusan hooban, qoob iyo qeylo ha yeerto ama yeyasan yeerin habar haweenkeeda ha is waayaan ama yaysan is weynin waxaasoo dhan waa fakir aduun laakiin waxa muhiim in shacabiga soomaaliyeed ka fikiro waxa ku dul dhacaaya waxa sababta u ah. Xigasho Quote Share this post Link to post Share on other sites