Sign in to follow this  
General Duke

Garowe: Puntland President opens Welfare Agency

Recommended Posts

IMG_0345.jpg

 

Garowe: Madaxweynaha Puntland oo maanta furay Hay'ada Daryeelka Bulshada Puntland...Warbixin Kooban...

21. maj 2009

 

Garowe(AllPuntland)- Madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland Dr. C/rixmaan Maxamed Faroole ayaa maanta markii ugu horeysay furay oo ka qeybgalay caleema saarka Hay'ada Samafalka ama Daryeelka Bulshada Puntland oo looga dhawaaqay magaalada Garowe.

 

Munaasadan oo ka dhacday magaalada Garowe, waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha, Gudoomiyaha baarlamaanka, Wasiirada Puntland iyo Aqoonyahanada deegaanada Puntland oo hadalo ka jeediyey.

 

Agaasimaha Hay'adan cusub ee Daryeelka Bulshada Puntland C/shakuur Maxamuud Cilmi (Gureey) ayaa sheegay in ay hay'adan wax-qabad muuqda ka sameyn doonto deegaanada Puntland, isagoo ka codsaday dadweynaha Puntland in ay la shaqeeyaan si loo gaaro horumar wanaagsan.

 

Mr. C/shakuur wuxuu ka soo shaqeeyey Wasiirka Arimaha gudaha, Dowladdaha Hoose & Horumarinta Reer Miyiga ee Puntland Jen. C/laahi Axmed Jaamac oo madasha maanta ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in la taakuleeyo Hay'adan si wax loogu qabto shacabka Puntland, wuxuuna sheegay in ay hay'adan noqon doonto mid bulshada Puntland meel-sare gaarsiisa.

 

Wasiirka Caafimaadka ee Puntland Dr. Bashiir Cali Biixi ayaa hadal uu ka jeediyey Xafladii caleema saarka Hay'ada wuxuu shaaca ka qaaday in Hay'adan lugu soo beegay waqti muhiim ah, wuxuuna tilmaamay in ay howlo badan dhowrayaan, isagoo ku booriyey madaxda dowladda in gacan lasiiyo hay'adan si ay ugudato waajibaadka saaran ee ay uqaaday deegaanada Puntland.

 

Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland Md, C/rishiid Maxamed Xirsi ayaa ku sheegay dhismaha Hay'adan mid horumar weyn u ah deegaanada Puntland, wuxuuna intaasi ku daray in uu uarko dhismaha hay'adan Isbadal weyn oo uu la timdi Xukuumada cusub ee Puntland, isagoo sheegay in uusan Maamuladii hore ka arag hay'adan oo kale.

 

Gudoomiyaha ayaa kula dar-daarmay Madaxda Hay'adan in ay waxqabad muuqda sameeyaan kana faa'iidaystaan fursadaha qaaliga ah ee ay heysteen, si loo gaarsiiyo deegaanada Puntland horumar la taaban karo, isagoo sheegay in ay waliba Bulshada ubaahan tahay waxqabad deg deg ah oo dhinac walba ah, isagoo tilmaamay in ay dowlad ahaan garab istaagayaan hay'ada.

 

Madaxweynaha Puntland Dr. C/rixmaan Maxamed Maxamuud oo xaflada soo xiray ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay dhismaha Hay'adan oo uu sheegay in ay wax weyn ka qaban doonto xaaladaha deegaanada Puntland ee dhinaca Bulshada, isagoo sheegay in Miisaaniyadii dhawaan ay meelmariyeen baarlamaanka Puntland ay howlaha bulshada dowladdu ugu talagalay lacagta ugu badan.

 

" Dowladdu waxa ay dooneysaa in ay dadkeeda Puntland gaarsiiso horumar wanaagsan oo la taaban karo, waayo waxaad arkaysaan in ay dadkeenu ubaahan yihiin Horumar lama huraana waa in aan gaarno guulo la taaban karo, si dadkeenu unoqdaan kuwa dhinac walba horumar ka gaara" Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

 

Dhismaha Hay'ada Daryeelka Bulshada Puntland waa markii ugu horeysay oo la asaaso waxaa jiray isku dayo badan oo ay horay usameeyeen Aqoonyahano badan oo udhashay deegaanada Puntland, balse ay ku guuldareysteen, inkastoo ay waqtigan Xukuumada Madaxweyne Faroole dhistay hay'adaasi oo la rumeysan yahay in ay wax ka qaban doonto xaaladaha deegaanada Puntland.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hay'ada daryeelka Bulshada oo lagaga dhawaaqey PL

21 May 21, 2009 - 4:15:01 AM

 

Waxaa maanta 21 May, 2009 magaalo madaxda DGPL ee Garowe xaruntiisa PDRC lagu qabtey xaflad si heer sare ah loo soo agaasimey oo lagaga dhawaaqey hayáda daryeelka Bulshada Puntland [ PASWE].

 

Xafladan ayaa waxa kasoo qayb galey Madaxweynaha DGPL Cabdiraxman Maxamad Farole, Gudomiyaha Barlamanka Puntland Cabdirashid Maxamad Xirsi, Wasiirka Aarrimaha gudaha MGPL Cabdulahi Axmad Jamac [ Ilkajiir], Wasiirka Maaliyada Farax Cali Jamac, Wasiirka caafimaad Cabdirashid Cali Biixi, culmaa'udiin Puntland oo uu hogaaminayo Sheekh Cabdulqaadir Nuur Farax, Wasiir ku-xigeeno, madaxda hay'daha samafalka caalimiga ah oo xafiisyada ku leh magaalo madaxda Puntland, madaxda hay'daha samafalka maxaliga ah iyo marti sharaf kale.

 

Ugu horeyn waxaa ka hadalka oo furey xafaladaan Agasimaha guud ee Madaxtooyada Puntland Cali Barre Jamac Gibin isagoo kusoo dhoweeyey Sheekh Maxamud Xaaji Yusuf oo aayado quraan ah akhriyey iyada oo intaas kadib lagu soo dhoweeyey Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland oo sheegey in ku dhawaqista hay'adan tahay mid ana horey loo arkin, wuxuna Madaxweynaha Puntland ku amaaney inuu u talabsadey horumarinta dhanka maamul goboleedka Puntland.

 

Waxaa sidoo kale halkaas hadal dheer ka jeediyey Wasiirka Cafimaadka Puntland Dr. Biixi oo sheegey in bulsho walba ay leedahay qorshe hurumar taaso ah iney waxey haystaan wax ka siiyaan kuwa tabarta daran.

 

Dr.Biixi waxaa uu sheegey in ku dhowaad Labaatan sano Somalia dagaal ka socdey wuxuuna su'aaley inta qof naafo noqotey, inta qof agoon noqotey iyo inta hantitooda ku waydey isaga oo xusey in Puntland ku yaalaan Todobaatan xero qaxooti kuwaasoo ay ku nool yihiin ku dhowaad 200,000 oo qof, wuxu kaloo xusey in gobolka Karkaar lagu hayo xero ay ku xereysan yihiin 300 oo Agoon, gobolka Nugaal 215 Agoon iyo gobolka Mudug oo ay ku xereysan yihiin 245 qof.

 

Intaas kadib waxaa hadlay Xaawo Aadan Qaylo Weyne oo ah madaxa xarun lagu hayo dadka Dhimirka ka jiran, waxey sheegtey in hay'adooda ay isu xilqaantey in dadkaan taageero u fidiyaan, Xaawo waxey sheegtey in dadka xanuun maskaxeedka qaba la ilaawey balse sheegtey 5 sano ay hay'adooda shaqeyneysay 10 qof ku caafimadeen xaruntooda.

 

Sheekh Dalmar Guureye Kaarshe oo madax ka ah iskuulka Indhoolayaasha Al-basar oo ku yaala Garowe oo la furey 2008 ayaa sheegey iney ardada dhigata laga keeno gobolada Somalia sida magalooyinka Puntland ku yaala, Baladweyne, Dhuuse Mareb iyo Cabuudwaaq isaga oo xusey in 20 ardey sanadkaan qaadanayaan da'doodana u dhexeyso 7-16 jir.

 

Wuxuu ugu mahad celiyey Madaxweynaha Puntland inuu misaaniyada 2009 ugu darey tageero dhaqaale ee Iskuulkaan.

 

Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax oo ah Wadaad aad looga qadariyo Puntland iyo guud ahaan Somalia ayaa dadkii meesha joogey xusuusiyey in Ilaahey laga cabsado lana tageero dadka danyarta ah taasoo uu ku tilmaamey Waajib diini ah, isaga oo xusey inuu aad ugu faraxsan yahay shirka iyo mowduuca maanta.

 

Sheekha ayaa ugu baaqey bulshada iney iskaalmeystaan isaga oo xusuusiyey in dad badan Puntland ku yimaadeen qax intii uu joogeyna aysan soo marin kulan noocaan oo kale ah.

 

Sh. Cabdulaqaadir ayaa sheegey inuu tageersan yahay mowduucaan sababtoo ah ilaahey ayaa raali ka aha wuxuuna dowlada iyo shacabkaba ugu baaqey in leyska kaashado arrimaha oo dhan sida amniga iyo tarbiyada awlaada.

 

Waxaa kaloo hadley Cabdulahi Salaad Ilyare oo ah madaxa Xawilaada Dahabshiil Garowe isaga oo sheegey in shirkada ay tahay tii ugu horeysay oo tageero dhaqaale u fidasa hay'ada PSWE taasoo gaareysa 20,000 USD oo lagu bilaabayo dhisamaha Isbitaal lagu daryeelo dadka dhimirka La''a.

 

Dhinaca kale waxaa hadley hadley Maxamad Xasan Barre oo u hadley magaca Jaaliyada dibada reer Puntland balanqaadeyna inuu ka caawinayo hay'adaan sidii ay u heli laheyd tageero caalami ah iyo mid dadka qurba joogta ah ee Soomalida.

 

Intas Kaidb Waxaa Microphon-ka lagu soo dhoweeyey Agaasimaha Guud ee dhowaan loo magacaabey hay' ada PASWE Eng. Cabdishakuur Maxamud Gurey isaga oo hadal kooban ka bixiyey madasha oo sheegey in hay'ada hadda mashquul ku tahay waqtigaan ururinta macluumaadka iyo qiimeynta dadka u baahan caawinaada.

 

Mr.Cabdishakur ayaa qirey in hay'ada cusub e PASWE ay hortaalo howl adag wuxuna shacabka ugu baaqey in garbaha leys qabsado lana tageero sidii uu kor ugu kici lahaa waxqabadkeeda.

 

Gudoomiyaha Barlamanka Puntland Cabdirashiid Maxamad Xirsi ayaa sheegey inuu ku faraxsan yahay dhismaha hay'adaan oo uu ku tilmaamey guul u soo hoyatey shacabka Puntland, wuxuu xusey in dadka dhibateysan ay ku daadsan yihiin guud ahaan gobolada Puntland, wuxuuna si guud ugu baaqey in sidii maanta leysugu yimid howsha loo sii wado kulanka dambana la keeno waxqabad la taaban karo.

 

Gudoomiyaha Barlamanka ayaa hadalka kusoo dhoweeyey Madaxweynaha DGPL Cabdiraxman Farole.

 

Madaxweynaha ayaa u mahad celeiyey dhamaan kasoo qayb galayaashii xaflada, wuxuna sheegey in shacabka looga baahan yahay in loo naxariisto danyarta, isaga oo xusey sagaashameeyadii Garowe laga dhisey xaruntii ugu horeysay ee lagu daryeelo Agoonta isaga oo ka hadlaya fahan yarida shacabka ee xiligaas ayuu xusey Madaxweynahu in xaruntaas Bam lagu tuurey inkastoo aysan cidi wax ku noqon.

 

Mr.Farole ayaa tilmaamey in dhisamaha hay'adaan uu balan qaadey xiligii ololaha doorashooyinka lagu jirey isaga oo xusey in misaaniyada Puntland 2009 loogu qoondeeyey wax u qabshada dadka tabaaleysan 960 Milyan Sh.So taasoo lagu wareejin doono hayádaan cusub isaga oo sheegey in PASWE laga sugayo barnaamij baahsan oo ka kooban qorshe wax tar leh, Daawo, Waxbarsho iyo jiheyn isaga oo sheegey in barnaamijkaas uu ku tiirsanaan doono cadaalad iyo xilkasnimo.

 

Wuxuu u mahad celiyey Shirkada Dahabshiil isaga oo xaawilaadaha iyo shirkadaha kale ugu baaqey iney ku waxqabadkaan.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegey in dowlada leedahay u tilmaamid halka shacabka looga fadhiyo ka qayb qaadasho wuxuuna amaaney shacabkii kalainta ka qaatey soo qabashada gacan ku-dhiigle dhowaan fakadey isaga oo sii maraya degmada Mataban ee gobolka Galgaduud.

 

Faroole oo fariin u diraya jaaliyadaha dibada ayaa sheegey iney waxtarkooda usoo weeciyaan dadka danyarta ah gaar ahaan agoonta, naafada kuwaasoo wax ku noqdey dagaaladii sokeeye.

 

Mudane Farole oo ka hadlaya qaab dhismeedka hay'ada PASWE ayaa sheegey iney yelan doonto guddi sare [ Board of directors] oo ka koobnaan doona Culama'udiin, ganacsato, aqoonyahan iyo Odeyaal dhaqameed.

 

Madax Puntland ayaa intii uu hadalka ku jirey amaaney haweenka Somaliyed isaga oo ku kaftamey in maanta Ilmihii Hoyadiis dhimatey loo yaqaan Agoon madaama Hooyadu tahay udub dhexeedka Qoyska Somalida ah.

 

Gabagabadii Madaxweynaha ayaa sheegey in dadka la taageerayo aan lagu xuli doonin qaab qabiil lakiin lagu xuli doono keebaa Liita?

 

Waxaa soo galin doonaa sawiro iyo Video Clips saacdaha soo socda.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Faroole seems more liked than Cadde Muuse. See that is why change of leadership is always good. you never know who you may get. you might get corrupt one, than toss him out and land better leader.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cade Muse was a Puntland leader and such is a historic figure. Faroole is a current leader and as such we respect those before him as well as him.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this