Sign in to follow this  
General Duke

Peace talks start in Mogadishu....

Recommended Posts

Heshiis lagu dhameynayo khilaafaadkii soo kala dhex galay Labadii ganacsade ee Xamar ku dagaalamay oo socda

Posted to the Web Mar 24, 19:40

 

 

Muqdisho (PP) - Iyadoo saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ay maagaalada Muqdisho ka socdeen dagaallo gu dhexeeya Ganacsadayaasha kala ah Sheekh Abuukar Cumar Caddaan iyo Bashiir Raage Shiiraar geystayna khasaarooyin naf iyo maalba leh ayaa waxaa ka billowda Muqdisho waan lagu dhexdhexaadinayo.

 

Kulan maanta ka dhacay xarunta Sheekh Muxyadiin Celi ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu go'aamiyay in la dhiso laba guddi oo ka kooban min 7-xubnood oo ay kala hoggaaminayaan Ugaas Maxamuud Cali Ugaas Cabadulle iyo Yaasiin Maxamuud Jilacow ayaa waxay kulammo la yeesheen Sheekh Abuukar Cumar Caddaan iyo Ganacsade Bashiir Raage Shiiraar, waxayna xubnahaas sheegeen inay ka ogolaadeen waawaanta ay dhex dhigeen.

 

Xubnahaan oo dib ugu soo laabtay maqribnimadii maanta ayaa sheegay inay labada dhinacba ka ogolaadeen inay xabbadda joojiyaan isla markaana ay isku yimaadaan si ay wada xaajood uga gaaraan waxa ay isku hayaan oo aan illaa iyo hadda caddeyn loo hayn.

 

Dagaal xoog badan oo salaaddii jimcaha kaddib ka billowday aaggagii ay horay ay ugu dagaalameen kooxihii labada maalmood uu dagaalka u dhexeeyay ayaa ahaa mid culus, waxaana dagaalkaas uu ahaa mid xooggan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

 

Gallinkii dambe ee maanta ayuu dagaalkaasi iskii isku taagay, mana jiraan cid kala dhex gashay marka laga reebo waawaanta ay billaabeen odayaasha ka socda beesha mudullood, waxaana lagu wadaa in odayaashaan ay berri u howlgalaan inay xabbadda joojiyaan isla markaana dhexdhexaadin dhex dhigaan labada Ganacsade ee uu dagaalku dhex maray.

 

Maxamed Xuseen Jimcaale (Jantiile)

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu - Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

DADAAL NABADEED OO LAGA WADO MUQDISHO

 

C/qaadir M Cusmaan

 

Shinbir Nabdeeed

 

Waxaa Maanta dhacay dagaal aan ka yareyn kii hore, Dagaalkuna wuxuu xooganaaday duhurkii ka dib iyadoo la moodayay inuu yaraaday, warar hoose oo goobjoog.com u suura gashay ayaa sheegay in arinka labada dhinac uu ahaa guul ama guul daro, khasaaraha uu dagaalkan sababayo ayaan yareyn Cusbitaalada waxaa buux dhaafiyay Dhaawacii.

Dadaal Nabadeed ayaa waxaa Bilaabay Sheekh Shariif sheekh Muxidiin isagoo ugu baaqay qeybaha iskula hardamaya magaalada muqdisho iney joojiyaan Xabada , Balse ilaa iminka ma jiraan war ka soo baxa labada dhinac oo muujinaya ogolaansho, gudiga Nabada u ololeeynayo oo uu sheekhu Hormuud u yahay ayaa u muujiyay Goobjoog.com in ay Berito ku rajo weyn yihiin in kooxaha dagaalamaya ay u dheg raariciyaan Baaqa sheekhu u soo jeediyay.

 

Waxaa iska soo daba dhacaya Baaqyo loo jeedinayo in ay joojiyaan dagaalka, iyadoo ay ugu badneyd hogaamiyayaasha bulshada rayidka ee ku sugan Muqdisho, Xildhibaano, wasiiro ku sugan baydhaba, iyadoo Gud. Baarlamaanku ku Biiriyay codkiisa in la joojiyo dagaalka

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garab ka mid ha garabyadii Mudisho ku diriray oo ka ogolaaday Ergo u timid xabbad joojin maanta billaabatay

Posted to the Web Mar 26, 14:47

 

 

Muqdisho (PP) - Guddi isugu jira cuqaal iyo culummo kana soo jeeda beelaha Mudullood isla markaana dhexdhexaadinayay labada garab ee dagaallada culus ay maalmihii la soo dhaafay ku dhex mareen Muqdisho ayaa sheegay inay la kulmeen garabka Bashiir Raage Shiiraar ayna is afgarteen.

 

Xubnahaan ayaa sheegay inay la kulmeen odayaal ka socda dhanka Ganacsade Bashiir Raage Shiiraar uuna ka mid ahaa Madaxda Dekedda Ceel-cadde Cali Muxyadiin iyo xubno kale, waxayna sheegeen guddigaan inay ka ogolaadeen in xabadda la joojiyo isla markaana ay ogol yihiin in heshiis ay la garaan garabka ka soo horjeeda ee Ganacsade Abuukar Cumar Caddaan.

 

Guddiyada loo kala diray labadan dhinac oo ka koobnaa min 7-xubnood ayaa la sheegay in dhinicii Sheekh Abuukar Cumar Caddaan inaysan weli ka helin wax hadallo ah oo ku saabsan inay gaarayaan heshiis, welina waxaa la sheegay inay ku maqan yihiin dhanka ganacsade Abuukar Cumar Caddaan.

 

Dagaalladii ka dhacay Muqdisho ee u dhexeeyay labada ganacsade Sheekh Abuukar Cumar Caddaan iyo Ganacsade Bashiir Raage Shiiraar ayaa ahaa mid socday muddo 4-casho ah isla markaana geystay dhibaato dhimasho iyo dhaawac leh oo gaaraya in ku dhow 350-ruux sida qiyaasyadii la sameeyay ay caddeynayaan.

 

 

Dagaalkaan ayaa waxaa ka qaybgalay xubno aan ahayn labada dhinac iyadoo dhinac walba uu gacan ballaaran ka helayay xubno ay isku fikir yihiin sida Maxamadaha Islaamiga ah iyo Isbahaysiga la dagaalanka Argagaxisada, waxaana labadan garab ay isku adeegsadeen markii ay dagaalamayeen rasaasta noocyadeeda kala duwan iyagoo ku kala qabsaday dagaalka gawaarida dagaalka oo aad u fara badan.

 

Kulanka xubnaha isku dayaya inay heshiisiiyaan labada garab ee dagaalku u dhexeeyo ayaa la sheegay inay ku kulansan yihiin weli xarunta Sheekh Muxyadiin Celi ee magaalada Muqdisho, iyadoo kulammo ku saabsan heshiisiinta labada dhinacna ay ka socoto xarunta Sheekh Muxyadiin Celi.

 

Maxamed Xuseen Jimcaale (Jantiile)

Wakiilka Puntlnadpost - Mogadishu - Somalia

puntlandpostmog@hotmail.com

 

Saaxiibkaa u ***

Daabaco Qormadan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowladda Federaalka oo guddi nabadeed u mgacowday dhinacyada ku dagaalamaya Muqdisho

 

Golaha Baarlamaanka Xukuumada Federaalka Soomaaliya ee fadhigiisu yahay magaalada Baydhaba ee gobolka Bay ayaa shalay fadhi uu yeeshay ka soo saaray baaq uu ku dalbanayo in dagaalada ka socda Muqdisho la joojiyo, isagoo dhinacyada isku hayana ku booriyay inay nabadda adkeeyaan una turaan shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateysan.

 

Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Md. Shariif Xasan Sh. Aadan ayaa sheegay in dhinacyada dagaalamaya ay xabbad joojin ogolaadaan, si ergada nabadeed ay fursad ugu hesho sidii ay damin lahayd xiisada ka dhalatay dagaaladaasi socday mudada afarta maalmood ah, waxaana halkaasi lagu magacaabay guddi nabadeed oo isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Xukuumada Federaalka, kuwaasoo intooda badan ku sugan magaalada Baydhaba.

 

Xubnaha guddiga uu Baarlamaanku u magacaabay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dadaalada nabadeed ee loogu jiro sidii uu u istaagi dagaalka Muqdisho, ayaa waxay magacyadooda kala yihiin: Axmed Diiriye Maxamed, Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi, Xasan Dhimbil Warsame, Cali Baashi Cumar Rooraaye, C/Casiis Ibraahim Cusmaan, Maxamed Xuseen Raage, Ibraahim ***** Ceymooy, Bashiir Maxamed Aadan, Caamir Axmed Shakeeti, C/weli Ibraahim Muudey iyo Feysal Cumar Guuleed.

 

Dhinaca kale ilaa iyo iminka lama oga wakhtiga ay ku soo beegan yihiin Guddiga uu Baarlamaanku u magacaabay nabadeynta dhinacyada ku dagaalamaya Muqdisho, inkastoo tallaabada Baarlamaanka uu qaaday tahay mid yididiilo gelineysa shacabka Muqdisho oo iyagu si weyn uga niyad jabay in mar uun dagaaladi soo afjarmayaan, waxaana ilaa iyo iminka socda dhaqdhaqaaq laga abaabulay Mowlaca Sheekh Muxyaddiin oo ay wadaan Culumaa’udiin, Ganacsato, Siyaasiyiin iyo waxgarad ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this