Sign in to follow this  
Kamaavi

FEBARAAYO: Bil Xasuus Mudan !!!

Recommended Posts

Kamaavi   

Bisha Febaraayo waxay kulmisaa maalmo xusuus iyo qadarin ka mudan shacbiga Soomalida Ogadeenya. Bishan gudaheeda waxaa dhacay dhacdooyin waawayn oo taariikhda dalka Ogadeenya baal muhiim ah ka galay. Maalmahaas qaar waxay leeyihiin murugo, qaara farxad, qaara labadaba way isku darsadeen.

 

Qormadan waxaan si kooban ugu soo qaadanaynnaa qaar ka mid ah maalmahaas.

 

01 Febraayo, 1994 Waxay Ciidamada Gumaysiga Itoobiya si waxashnimo ah ugu dileen magaalada Qalaafe Marxuum Duulane Xasan Gaabane oo ahaa gudoomiyihii dagmada Qalaafe iyo Laba ruux oo shacab ah lana kala odhan jiray Cabdi Cali Aadan iyo Diiriye Dhaqane.

 

06 Febraayo, 1994 Waxay sidoo kale waxay Ciidamada Gumaysiga Itoobiya magaalada Wardheer ku dileen gudoomiye ku xigeenkii magaalada Wardheer Marxuum Cabdulaahi Ibraahim Yuusuf (Abdullahi Ganay). Marxuum Cabdullahi Ganey wuxuu horistaagay qorshayaal ay Itoobiya ku doonaysay inay ku khayaamayso shacbiga. Mid ka mid ah qorshayaashaas wuxuu ahaa shir ay dawladdu doonaysay inay isugu yeedho odayaasha iyo cuqaasha dadwaynaha laguna qasbo inay taageraan mawqifka dawladda ah in shacbigu ku sii hoos jiro dawladda Itoobiya.

 

07 Febraayo, 1994 Waxay Odoyaasha iyo Ugaasyaduba u gudbiyeen Meles Zenawi isagoo kula shiraya Goday in Afti laga qaado dadkooda.

 

12 Febraayo, 1994 Waxay Ciidamada Itoobiya si waxshinimo ah magaalada Qabridaharre ugu dileen guddoomiyihii iyo k/xigeenkii, Marxuum Maxamed Cumar Tube iyo Marxuum Deeq Maxamud Carab. Waxaa dilka labada mas’uul ka sii fool xumaa silcintii maydkooda oo ay ciidamadu ehelkii iyo dadwaynihii kalaba u diideen inay xabaalaan. Arrintan waxay noqotay wax ku cusub taariikhda, kana soo horjeedda xeerarka caalamiga ah iyo garashada caqliga fayow.

 

12 Febraayo, 1994 Waxay Ciidamada Itoobiya Magaalada Dhagaxbuur ku dileen Marxuum Mahad Muuse Ibrahim iyo Marxuum Deeq Yuusuf Kaariye oo Deeq ahaa qoraagii Joornaalkii la odhan jiray Sheeko & Shaahid.

 

15 Febraayo, 1994 Waxaa la qabtay kalfadhigii baarlamaanka dalka Ogadeenya. Baarlamaanku waxay ka doodeen mustaqbalka siyaasadeed ee dalka Ogadeenya, waxayna aqlabiyad badan ku go’aamiyeen in dadwaynaha Soomalida Ogadeenya laga qaado afti lagu waydiinayo waxa ay aayahooda ka damacsan yihiin. Go’aanka baarlamaanku wuxuu lahaa muhimad iyo tixgalin gooni ah maadaamada uu baarlamaanku ahaa kii ugu horreeyey taariikhda Ogadeenya ee shacbigu si dimoqraadi ah u soo doorteen, kalsoonina ka haystay dadwaynaha. Sidoo kale, go’aanku wuxuu waafaqsanaa dastuurkii ku meel gaadhka ahaa ee Itoobiya oo sheegayey in ummad walba ay dooran karto aayahooda marka ay dhamaato waqtiga ku meel gaadhka ah ee dawladdii Itoobiya. Maalintii go’aankan la qaatay waxaa loo aqoonsaday inay noqoto “Maalinta aayo-ka-talinta” ee dalka Ogadeenya.

 

17 Febraayo, 1994 Waxay Cuqaasha Ogadeenya Zenawi hortiisa ka taageereen go,aankii Barlamanbka. isagoo shir Albaabada loo xidhay kula jira magaalada Harar

 

Isla Badhtamihii Febraayo, 1994, ururkii ONLF, Golihiisii dhexe ayaa go’aan aqlabiyad buuxda ah ku taageeray go’aankii Baarlamaanka, kuna baaqay in si nabadgalyo ah oo waafaqsan datuurkii ku meel gaadhka ahaa ee Itoobiya lagu dhameeyo dhibaatada u dhaxaysa Ogadeenya iyo Itoobiya.

 

Febraayo 22, 1994, Waxaa magaalada Wardheer laga qabanqaabiyey bannaanbax lagu taageerayo go’aankii baarlamaanka iyo kii ka dambeeyey ee JWXO ee lagu codasaday in dadwaynaha afti la waydiiyo. Sidoo kale, waxaa xilligaas ku sugnaa magaalada Wardheer Guddoomiyihii JWXO Marxuum Sheikh Ibraahim Abdalla oo isna hadal ka jeedin lahaa bannaanbaxa.

 

Ciidamada Itoobiya waxaa amar lagu siiyey inay joojiyaan bannaanbaxa isla markaana soo qabtaan Madaxwaynaha JWXO geeri ama nololba. Ciidamada Itoobiya oo ku hubaysan hub culus ayaa soo weeraray wafdigii JWXO oo uu ku jiro Guddoomiyihii. waxayna shacbigii ree Wardheer waxay maalintaas si geesinimo iyo wadaninimo ah u difaaceen magacii umadda iyaga oo qab jabiyey ciidamadii xoogga badnaa ee Itoobiya kana horistaagay inay gacanta ku dhigaan Madaxwaynihii JWXO iyo inay joojiyaan bannaanbixii. Ciidmaada Itoobiya oo adeegsanaya hubka cul-culus, waxay xasuuq u gaysteen dadwaynihii iyagoo si aan aabo-yeel lahayn u gumaaday shacbigii magaalada. Waxaa maalintaas goobtaas ku geeriyooday 85 ruux oo u badan dad rayid ah.

 

Dhacdooyinkaas waxay leeyihiin Xusuus Farxadeed iyo Murugo labadaba. Waxay huwan yihiin murugo, marka laga eego xasuuqii loo gaystay dadwaynaha ree Wardheer iyo madaxdii lagu laayey Qabridaharre iyo waliba burburkii dhismayaashii magaalada. Dhinaca kalana waxay mudan yihiin xusuus huwan farxad iyo faan, marka laga eego sida dadwaynuhu ugu istaageen xaqooda, u qab jabiyeen ciidamdii xoogga badnaa ee Itoobiya, u difaaceen madaxdii iyo magacii umadda. Waxay noqotay arrin lagu faani karo, taariikhdana gashay sidii dadwaynaha ree Wardheer oo aan haysan hun u dhigma kuwii ay wateen Ciidamada Itoobiya ay u difaaceen magaalada iyo madaxdii shacbiga. Inkastoo dad rayid ah oo aan waxba galabsan ay ku dhinteen halkaas, ayna mudan yihiin in loo murugoodo, haddana, waxaa dhinca kale, garab taagan, geesinimada iyo sharaftii lagu qab jabiyey ciidmada kibirku waday ee Itoobiya.

 

Bisha Febraayo taariikhaas ayay kulmisaa, waxayna shacbiga Ogadeenya ku xusaan bishaan hab Murugo iyo Farxad labadaba leh, waxayna u taagan tahay xasuuq iyo xad gudubka loo gaysto dadwaynaha, dhinaca kalana waxay u taagan tahay halganka xaq u dirika ah ee dadwaynaha Ogadeenya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this