General Duke Posted January 25, 2008 Wafdi Sare oo ka Socda Midowga Africa oo Muqdisho Gaaray By Nasra Ali Aruus Muqdisho, Soomaaliya 23-January-2008 Warbixinta booqashada Djinnit - Download - Soo rogo (MP3) Warbixinta booqashada Djinnit - Download - Dhegayso (MP3) Wafdi heersare ah oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha Golaha Ammaanka iyo Nabadda u qaabilsan Midowga Africa, Saciid Djinnit ayaa gaaray Muqdisho, si eey ula hadlaan r/wasaare Nuur Cadde. Inkastoo ammaanka aad loo adkeeyey, haddana madaafiic ayaa lagu garaacay madaxtooyada iyo gegida dayuuradaha. Wafdigan ayaa qiimeyn ku sameynaya xaaladda ammaanka ee Muqdisho, iyo sida loo xoojin karo ciidamada Midowga Africa ee dalka Soomaaliya ku sugan. Wariye Nasra Caruus oo VOA uga soo warranta Muqdisho ayaa dhambaalkan ku eegeysa booqashada wafdigan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted January 25, 2008 Muqdisho: " Soomaaliya waxaan dooneynaa in aan ka soo qaadno meesha ay joogto kuna soo laabto Africa & Beesha Caalamka dhexdeeda" Gudoomiyaha Nabadgalyada iyo Midnimada Africa. 24. januar 2008 Muqdisho(AllPuntland)- Gudoomiyaha nabadgalyada iyo Midnimada Qaarada Africa Siciid Djinit oo shalay tagey Magaalada Muqdisho ee Caasumada Soomaaliya ayaa cagta soo marayay inta badan wadooyinka Magaalada iyo Faras magaalaha isagoo kormeerayay goobaha ay joogaan ciidamada dowlada Soomaaliya & Kuwa Itoobiya. Gudoomiyaha ayaa si gaar ah wuxuu ula kulmay Ciidamada AMISOM ee ka socda dowladaha Africa ,isagoo sheegay in ay Magaalada Muqdisho ka hayaan shaqo wanaagsan ,loogana baahan yahay in howshaasi sare loo qaado ,markaasna ay sii laba jibaaraan howlaha nabad sugida ah ee ay Magaalada Muqdisho ka wadaan. Siciid wuxuu salaan ka qaatey Cutubyo ka mid ah ciidamada dowladaha Ugandha & Burundi oo hada jooga Magaalada Muqdisho ,wuxuuna usheegay in ay dhawaan soo gaarayaan ciidamo kale oo ka mid ah kuwa Africa si ay xaalada wax uga qabtaan amaankana usoo celiyaan. Gudoomiyaha Nabada iyo Midnimada Africa ayaa tibaaxay in ay Soomaaliya maanta joogto meesha ugu hooseysa Aduunka ,ayna dowladaha Africa & Beesha Caalamku dadaal ugu jiraan sidii looga soo saari lahaa godka ay ku jirto ee ay galiyeen dagaalada Sokeeye. Siciid wuxuu sheegay in dagaalada iyo Rabshadaha ka dhacaya Magaalada Muqdisho ay yihiin kuwa la doonayo in lugu fashiliyo dadaalada Midowga Africa iyo dowlada Faderaalka ee Soomaaliya ,wuxuuse sheegay in ay siiwadayaan talaabooyinka looga soo horjeedo nabadgalyo darida baahsan. Gudoomiyuhu wuxuu tibaaxay in aysan nabadgalyo ka jirin Magaalada Muqdisho ,isagoo sheegay in Shalay intii uu Magaalada joogey la weeraray Garoonka diyaaradaha iyo Madaxtooyada oo uu joogey ,isagoo taasna sheegay in ay daliil cad utahay in ay Soomaaliya joogaan nabad diidayaal caalami ah. Wuxuu tilmaamay in looga baahan yahay Shacabka Soomaaliyeed in ay taageeraan dowlada faderaalka ee Soomaaliya ,maadaama ay dalka nabadgalyadiisa soo celinayaan ciidamada Itoobiya ee jooga iyo kuwa Midowga Africa. Mar masuulkan la weydiiyey suurtagal ma tahay in ciidamo ka socda UN-ka la keeno Soomaaliya ,ayuu kaga jawaabay in ay taasi tahay hubaal isla markaana ay dhawaan Golaha amaanka ee Qaramada Midowbay ku dhawaaqayaan tirada ciidamada iyo waqtiga ay Soomaaliya galayaan. Kulamo qaatey saacado ayuu Gudoomiyaha Nabada iyo Midnimada Qaarada Africa Siciid Djinir la qaatey Golaha wasiirada ee dowlada Faderaalka ee Soomaaliya ,isagoo ay ka wada hadleen xaalada Soomaaliya iyo sidii wax looga qaban dagaalada iyo rabshadaha ka dhacaya Magaalada Muqdisho ee Caasumada Soomaaliya. Faarax Cabdulqaadir Geylan AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites