General Duke Posted May 9, 2009 Barakac saaka ka socda qeybo ka mid ah Degmada Yaaqshiid, kadib markii lagu guuldareystay in la kala qaado dhinacyada is hor fadhiya Qax iyo barakac xoogan ayaa ka soconaya qeybo ka mid ah Degmada Yaaqshiid oo ay saaka ka oogan tahay xiisad u muuqata in aan dagaal la hureyn, kadib markii lagu guuldareystay in la kala qaado dhinacyada Islaamiyiinta ee isku hor fadhiya halkaas. Xaafadaha u dhow Garoonka Cayaaraha Stadium Muqdisho ayaa ah goobaha laga barakacayo iyo Deegaanka Towfiiq kadib markii shalay dagaal faraha looga gubtay uu ka dhacay halkaas, kaasoo u dhaxeeya Alshabaab iyo Maxkamadaha. Xaafadaha barakaca ka socdo ayaa ah kuwo dhowaan dadkii horay ugu qaxay ay dib ugu soo laabteen, waxaana dadka yihiin kuwo wal wal iyo walaac ka muujinaya inay dib mar kale u barakacaan, xilli ay naawilayeen Nabad iyo degenaansho mar hadii ay baxeen Ciidamadii Ethiopianka. Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in sababta ay u qaxayaan ay tahay in dhinac ka mid ah dhinacyada dagaalamaya ay saaka diideen in la kala qaado Ciidamada, iyagoona wacad ku maray buu yiri inay dagaalka sii wadayaan. Xoogaga Alshabaab iyo kuwa Maxkamadaha ayaa isku hor fadhiyay nawaaxiga Garoonka Cayaaraha Stadium Muqdisho, halkaasoo ay labo dhinac ka kala joogaan, waxaana mararka qaar la maqlayaa rasaas macnaheedu yahay WAA JOOGAA. Daqiiqad kasta ama saacad kasta ayaa la filan karaa dagaal ka dhex qarxa labada dhinac oo ah kuwo aad isugu muuqda, waxaana la yaab ah in meelaha ay ku dagaalamayaan labadan dhinac ay yihiin meelihii ay shalay si isku mid ah ay kula dagaalamayeen Ciidamadii Ethiopianka ee dalka joogay. Hooyga wararka Somaliyed www.Jowhar.com Jowharcom@hotmail.co m Jowharcom@gmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted May 10, 2009 Muqdisho oo looga qaxayo si lamida markii ay joogeen ciidamadii ethiopia. Posted to the MOL May 10, 2009, 12:02 am magaaladaasi ayaa ugu baaqay labadaasi dhinac inay si dhakhsaa ujoojiyaan dagaalka islamarkaana ay eegaan maslaxada guud ee dadka shacabkaa ayadoo maanta dadka muqdisho ay bilaabeen qax lamida markii ay magaaladaasi joogeen ciidamadii ethiopia oo ay wada jir ula dagaalamayeen dhinacyadaan haatan ayagu mindiyaha deelaystay islamarkaana barakicinaya dadkii masaakiintaahaa ee si teelteela ugu soo laabanayey guryahoodii ay markii hore uga barakaceen dagaaladii udhaxeeyey iyaga iyo kuwii ethiopiankaahaa dhamaan deegaanadii ay ka dhaceen dagaaladaasi ayaa lasheegay inay haawanayaan oo dadkii isaga carareen waxaana qaar kamida dadkaasi usheegeen warhaabinta in kooxaha dagaalamaya ay soo gaarsiiyeen digniino faraya inay isaga cararaan guryahooda si aanan qoloba qolada kalle ugu soo dhuuman taasoo ay ku salaynayaan xeelado dagaal balse dhib iyo tacadi ku ah dadkaasi waxaana lagu arkay goobaha qaar dadbadan oo alaabahoodii wata oo garanwaayey meel ay aadaan maadaama ay horay usoo arkeen nolosha ceelasha biyaha oo ay horay ugu qaxeen Rabiile Cabdikariin Gabanow Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted May 10, 2009 Qaxa Farabadan oo saakay ka taagan xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho oo xalay oo dhan ay ku dagaalameen dhinacyada iska soo horjeeda. Posted: 5/10/2009 3:06:00 PM Shabelle: MUQDISHO Barakac xoogan ayaa saakay laga dareemayaa qaar ka mid ah xaafadaha Magaalada Muqdisho iyadoo meelaha qaarna ay gabaabsi yihiin dhaq dhaqaaqii gaadiidka BL-ka. Aroornimadii hore ee saakay ayaa waxaa uu barakac xoogan ka bilowday degmooyinka Yaaqshiid,Wardhiigle ey iyo qeybo ka mid ah wadada warshadaha halkaasi oo dagaalo xoogan maalintii 4-aad ay ku dhexmaryaan xoogaga muqaawamada. Wadooyinka waaweyn ee ka soo baxa degmooyinkaasi ayaa waxaa saakay lagu arkayay dad farabadan oo barakac ah oo ka cararayay hoygooda kuwaasi oo isugu jira Caruur,dad da’ah iyo haween madaxyada ku sida alaabo kala duwan iyo sidoo kale gawaari sidda dad barkac ah oo ka cararaya dagaalada iyo madaafiicda ay is weydaarsanayaan labada dhinac. Barkacayaani ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee ka dhashay magaalada Muqdisho tan iyo markii gudaha Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka Soomaaliya ay isaga baxeen ciidamadii Ethiopia ee mudada labada sano aheeyd ku sugnaa. Qaar ka mid ah dadka barakacaya ayaa Shabelle u sheegay in ay la anfariirsanyihiin dagaalada dadka barakiciyay ee dhexmaraya xoogaga Hubayan ee shalay halka meel ka wada dagaalamayay. Gaadiidkii isticmaalayay wadada warshadaha ayaa ah ku si teel teel ah halkaasi u isticmaalaya waxaana gawaaradaasi qaarkood gaar ahaan kuwa loo yaqaan hoomayda ay dhexmarayaan xaafadaha qarda jeexa ah ee ay mari jireen xiligii ay joogeen ciidamada Ethiopia. Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya Quote Share this post Link to post Share on other sites