Sign in to follow this  
General Duke

Kismayu: Heavy clashes between Hiiraale Clan Al Shabaab : many dead

Recommended Posts

Muqdisho: Wararkii ugu dambeeyey Kismaayo.

21. august 2008

 

 

Muqdisho(AllPuntland)- Xaalada Magaalada Dekeda kutaala ee Kismaayo ayaa kacsan ,waxaana Magaalada laga dareemayaa dagaalkii maanta dhacay oo caawa iskii u istaagay.

 

Dadkii maanta ku dhintey dagaalkii cuslaa ayaa gaaraya 15 qof ,ayadoo tiradaasi si rasmi ah ay AllPuntland ugu xaqiijiyeen Madaxda caafimaadka ee Magaalada Kismaayo ,waxa ayna sheegayaan in sidoo kale ay dhaawacmeen dad gaaraya 20 lana filan karo xili kasta korar kuyimaada Dhimashada & dhaawaca dadka.

 

Maleeshiyaadka Magaalada gacanta ku haya ayaa wali ka arimanaya meelo ka mid ah Magaalada Kismaayo ,ayadoo maanta dagaalkaasi uu ahaa kii ugu cuslaa ee dhawaanahan ka dhacay Magaalada Kismaayo.

 

Warar ka Madax banaan dhinacyada Siyaasada ee Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Maleeshiyada Magaalada horey ujoogey & Ururka Al-Shabaab ay labaduba magaalada ku soo galeen hub xoog leh ayna doonayaan mar walba in ay dagaalka sii wadaan.

 

Afhayeen uhadlay Al-Shabaab ayaa sheegay in ay magaalada ka saarayaan Maleeshiyada heysata ,ayna sii wadayaan dagaalada ilaa ay magaalada ka saari doonaan Kooxahan ,wuxuuna warkan caro galiyey Kooxaha Magaalada Kismaayo maamulaya.

 

Hadii aysan dhinacyada isku haya Magaalada Kismaayo guuleysan waxaana sii socon doona dagaalada ,waxaana aanba jirin wax wada hadal oo la wado ,waxaana socda Hub aruursi xoog leh.

 

Dad badan oo Shacab ah ayaa ku dhimanaya dagaalada ka socda Magaalada Kismaayo ,waxaana loo baahan yahay badbaadinta dadkaasi.

 

Wararkii ugu dambeeyey ee Kismaayo ayaa sheegaya in ay socdaan abaabul dagaal ,waxaana Magaalada maanta lasheegay in ay ka baxeen Saraakiil mudo badan saldhigtey.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this