Sign in to follow this  
Gabbal

The ICU leaves Kismaayo after TFG advances and Barre loyalist attacks in the city.

Recommended Posts

Gabbal   

Around 5 p.m., the fighting started, with the Ethiopian-backed forces unleashing an artillery barrage against Islamist troops dug in near Jilib, a town about 30 miles north of Kismayo. As the shells began to rain down, residents said,
clan militias within Kismayo turned on the Islamists. That set off running gunbattles across the city, with several people reportedly killed.
It also accelerated the exodus out of Kismayo, with thousands of residents hastily tossing a few things over their shoulders and joining the stream of people fleeing the fighting in southern Somalia.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Kismaayo: Ciidamada Maxkamaddaha oo isaga baxay Kismaayo isla markaana ciidamada Dowladda ay ka gudbeen Jilib

Isniin, January 01, 2007

 

APL

 

Muqdisho(Allpuntland)-Ciidamada maxkamaddaha Islaamiga ee ku sugnaa magaalada Kismaayo ayaa xalay isaga baxay degmadaasi iyadoo aan wax dagaal ah ka dhicin, kadib markii gelinkii danbe ee shalay dagaal qaraar degmada Jilib uu ku dhex maray ciidamada Dowladda KMG ah oo ay wehliyaan ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuwa Maxkamaddaha Islaamiga.

 

Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa gacan ku heynta Jilib ay si rasmi ah ula wareegeen, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay ciidamada dowladda gaaraan magaalada Kismaayo.

 

Maliishiyooyinkii Isbaheysiga Dooxada Jubba ayaa bilaabay in ay la wareegaan hub iyo rasaas ay ka tageen maxkamadaha Islaamiga, waxaana xalay tacshiirad ay is weydaarsadeen ciidamada maxkamadaha iyo kuwo taabacsan Barre Hiiraale ay gudaha magaalada rabshada ka sameeyeen, waxaana halkaasi ciidamadii maxkmadaha looga dhaawacay labo ruux.

 

Mas'uuliyiinta maxkamadaha iyo maliishiyooyinkooda ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay u dhaqaaqeen dhinaca Buulo Gaduud oo ugu sii gudbay deegaanka Raasgiyambooni oo ku dhow xuduuda dalka Kenya.

 

Dadweynaha ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa saakay u diyaarsan iney soo dhoweeyaan ciidamada Dowladda KMG ah iyagoo luxaya caleemo qoyan, waxaana magaalada Kismaayo saakay laga dareemayaa jawi ka duwan midkii horay ee maxkamaduhu kusoo rogeen, waxaana la arkayey goobaha ganacsiga oo lagu iibinayo Sigaarka iyo Tubaakada oo horay ay maxkamadaha u mamnuuceen

 

Cali Sandheere

Allpuntland-Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Ciidamada maxkamadaha oo faarujiyay Kismaayo iyo Jilib

 

 

Mogadishu 01, Jan.07 ( Sh.M.Network) – Ciidamadii maxkamadaha islaamka ayaa isaga baxay magaalooyinka Kismaayo iyo Jilib, iyadoo ciidamada dowladda Ethiopia iyo kuwa dowladda ay la wareegeen magaalada Jilib, una sii ruuqaansaday magaalada Kismaayo oo ay ka soconayaan qaban qaabo loogu jiro soo dhaweyntooda.

 

Dagaalo saacado socday ka dib oo la isku habeensaday oo shalay magaalada Jilib ku dhex maray ciidamada maxkamadaha islaamka iyo kuwa dowladda ethiopia oo kaashanaya kuwa dowladda Somalia ayaa aaqiritaankii waxa ay bilaabeen xoogagga maxkamadaha islaamka in ay isaga baxaan magaalooyinka Kismaayo iyo Jilib.

 

Lama oga wali halka ay baxsadeen ciidamada maxkamadaha islaamka iyo Mas'uuliyiintooda, oo faarujiyay magaaladaasi xalay.

 

Laakiin warar ayaa waxa ay sheegayaan in xoogaggii maxkamadaha islaamka ay sii dhaafeen dhinaca deegaanka Buulo Gaduud oo galbeed kaga toosan magaalada Kismaayo.

 

Maleeshiyooyin iskood isku abaabulay oo deegaanka ah ayaa la wareegay dekedda iyo Airaporka Kismaayo si ay u sugaan amaanka, isla markaana ay ka hortagaan boob iyo bililiqo halkaasi ka dhacda.

 

Ciidamada maxkamadaha islaamka ayaa waxa ay uga tageen magaalada Kismaayo hal gaari oo zuu ah oo uu saaran yahay qoryaha lidka diyaaradaha iyo baabuur yaryar oo ah kuwa lagu socdaalo.

 

Boqolaal dad ah oo wata boorar iyo calanka dalka Somalia ayaa isugu soo baxay magaalada Kismaayo, kuwaasi oo ku faraxsan ka bixitaanka maxkamadaha ee magaalada Kismaayo, iyadoo sidoo kale dadku ay isku diyaarinayaan soo dhaweynta ciidamada dowladda iyo kuwa Ethiopia ee halkaasi ku wajahan maanta.

 

Ciidamada dowladda iyo kuwa Ethipooia ayaa waxa ay ku sugan yihiin magaalada Jilib, kuwaasi oo maanta isku qaban qaabinaya in ay galaan magaalada Kismaayo.

 

24 kii bishii September ee sanadkaan ayay aheyd markii ciidamada maxkamadaha islaamka ay qabsadeen magaalada Jilib, oo uu maamulayay Isbaheysigii D/jubba oo uu madaxda ka ahaa Col. Barre Hiiraale.

 

Maxkamadaha islaamka Somalia ayaa marka ay qabsadeen magaalada Kismaayo waxa ay ku soo rogeen xukunno adag, iyadoo laga mamnuucay isticmaalka iyo ka ganacsiga sigaarka iyo qaadka iyo daaqashada aflaanta

 

 

 

Farxaan Lafoole

 

Shabelle Media Network Kismaayo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this