Sign in to follow this  
Allamagan

Xildhibaan Barre Hiiraale oo ku dhaawacmey qarax miino oo lala beegsadey gaarigiisa.

Recommended Posts

Xildhibaan Barre Hiiraale oo ku dhaawacmey qarax miino oo lala beegsadey gaarigiisa.

 

Mogadishu 27, June.07 ( Sh.M.Network)Xildhibaan Barre Aadan Shire Hiiraale ayaa maanta dhaawac ka soo gaarey marki gaari uu la socdey ay la qaraxdey miino dhulka loogu aasey degmada Baardheere ee g/ka Gedo.

 

Barre Hiiraale ayaa ku dhaawacmey qaraxaasi waxaana lala beegsadey miino dhulka lagu aasey isagoo maraayey duleedka Degmada Baardheere.

 

Hadda ayaa waxaa xildhibaanka lagua dabiibayaa goob si gaar ah loo leeyahay oo ku taalla degmadaasi, isagoo la sheegey in dhaawaciisa uu yahay mid fudud.

 

Sida uu ku soo waramey wariyaha Shabelle ee Baardheere waxaa sidoo kale ku dhaawacmey gaarigii Xildhibaanka uu watey xubno ay ka wada tirsanaan jireen isbaheysihii dooxada Jubba.

 

Lama soo sheegin wax dhimasho ah oo qaraxaasi ka dhashey hasa yeeshee waxaa dhaawac halis ah soo gaarey daraawalkii gaariga u wadey xildhibaan Barre Hiiraale.

 

Shabelle News Network

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xilldhibaan Barre-Hiiraale Oo Dhaawac Uu Ka Soo Gaarey Qarax Miino Oo Lala beegsadey Meel U Dhaxeysa Baardheere iyo Xaruntiisa Muuri

 

Xildhibaan Barre Aden Shire iyo Mas,uuliyiin la socotey ayaa maanta 12-30duhurnimo ayaa waxaa lala beegsadey baabuur ay wateen qarax la sheegay inuu yahay noocyada gacanta laga hago,iyadoo halkaasina dhaawac ay ka soo gaareen xildhibaan Barre Hiiraale iyo xubno la saarnaa baabuurka oo ay ka mid yihiin Xuseen Sheekh Ismaaciil (Fareey) iyo Aden Maxamed Wacay (Koronto).

 

Dhammaan dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi oo uu ka mid yahay darawalkii Baabuurka u wadey xilldhibanka oo xaaladiisu laga deyrinayo ayaa waxaa la dhigay rug caafimaad oo gaar loo leeyahay oo ku taala gudaha Magaalada Baardheere.

 

Ilaa iyo hadda lama yaqaan cida ka dambeysa qaraxan maanta dhacay,waxaana kacsan xaalada nabadgelyo ee magaalada,waxaana xiran goobahii ganacsiga qaar ka mid ah.

 

Qaraxan ayaa yimid xilli Bare hiiraale iyo xubnaha la socdey ay ku sii jeedeen

dhinaca Muuri,iyagoo xiligaasi ka tagey Shiirkole ee Deg.Baardheere oo kulan ay kula lahaayeen maamulka iyo odoyaasha degmada Baardheere.

 

Ma ahan markii ugu horeysay oo qaraxyo noocani oo kale ah ay ka dhacaan degmada Baardheere,14-15 bishii shanaad ayey ahayd markii goobo shaneemooyin ah oo ku yaala gudaha Baardheere lagu weeraray bambooyin,iyadoo halkaasina ay dadku dhinteen.

 

Waxii soo kordhana dib ayaan idinkala socodsiin doonaa

 

A C Saalixi-GEDO-NN-Baardheere

 

GNN

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Or Horn who will now assume the command himself :D . Is casilidii Horn as afhayeenka Hiraale and this attempt now......hmmmm, well lets say in my world there are no coincidencces.

 

Anyhow my finger is pointing at the usual suspects AY & the Ethiopians or the Ethiopians & AY.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by me:

Or Horn who will now assume the command himself
:D
. Is casilidii Horn as afhayeenka Hiraale and this attempt now......hmmmm, well lets say in my world there are no coincidencces.

:D:D:D

The coincidence is very scaring indeed.. :D

 

Anyway I will put it down as one of the many mines put there by forces loyal to Hiraale himself.

So many laid mines and most dont know where they put it, and there are chances they could fall victims to some mines they laid.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by N/AA:

Ilaahay hau naxariisto yarkii ku geeriyooday, gacan ka xaq daran ayaa dishay

^ amii amin!

 

Xildhibaan Barre Hiiraale oo ku eedeeyey qaraxii maanta lala beegsadey in ay ka dambeeyaan madaxda DKMG ah

 

Mogadishu 27, June.07 ( Sh.M.Network)- Xildhibaan Barre Aadan Shire Hiirale oo maanta ka badbaadey isku day dil ka dib markii lala beegsadey gaari uu la socdey Miino dhulka lagu aasey degmada Baardheere ee G/ka Gedo,ayaa waxaa uu ku eedeeyey in qaraxaasi ay ka dambeeyeen madaxda dowlada Somalia.

 

Wareysi gaar ah oo uu siiyey Xildhibaanka Caawa idaacadda Shabelle gaar ahaan barnaamijka Qubanaha wararka ayaa waxaa uu shaaca ka qaadey Barre in qaraxaasi uu ahaa isku day dil la doonaayey in isaga lagu qaarijiyo.

 

“Waxaan ku tuhmayaa Weerarkaasi C/lahi yuusuf iyo Geeddi, oo I daba taagnaa waayahanba,waa niman colaadda wada oo na daba jooga” ayuu Barre ku sheegey Wareysigiisa.

 

Waxaa uu intaasi ku darey inkastoo aan hadda si dhab ah loo ogaankarin cidda ka dambeysa qaraxaasi ayaa waxaa uu sheegey in uu ku tuhmayo in weerarkaasi ay ka dambeeyaan madaxda dowladda, isagoo sheegey in ay si kastaba kala caddaan doonta cidda ka dambeysa qaraxaasi.

 

Sababaha uu ugu tuhmaayo in ay ka dambeeyaan madaxda dowladda weerarkii maanta lagu qaadey ayuu xildhibaan ku sheegey in madaxda dowladda ay daba joogeey isaga tan iyo colaadihii Kismaayo ka aloosanaa.

 

“Waxaa ay igu eedeeyeen in aan ahay nin dowladda jalaafeynaya anigoo waliba wasiir ahaa inaan colaad ka wado Kismaayo, Marka dadkan sidaasi ayey ii daba joogaan”ayuu hadalladiisa sii raaciyey Xildhibaan Barre.

 

Barre ayaa ku dhaawacmey maanta weerar miino ah oo lala beegsadey gaari uu la socdey,waxaana ku dhitey halkaasi daraawalkii gaariga u wadey inkastoo xildhibaanka uu dhaawac yar ka soo gaarey dhinaca Isha midigta ah agteeda, haddana uu bed qabo sida uu sheegey Barre.

 

Markii la weeraraayey Xildhibaan Barre Hiiraale ayaa waxaa gaariga la saarnaa mas’uuliyiin ay ka mid yihiin gudoomiyaha G/ka Gedo iyo saraakiil kale oo ka tirsanaan jirey isbaheysigii dooxada Jubba inkastoo aaney soo gaarin ragaasi wax qasaare ah oo la sheegey.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Barre Hiiraale:Qaraxa Waxaa Ka Dambeeyay Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed Waana Xurguf La Xiriirta Arrimaha Kismaayo

 

Jun 27,2007

by Baardheere-GEDO-NN

 

Xildhibaan Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale )oo ka mid ah xildhibaanada dowladda federalka soomaaliya oo maanta ka bad baaday qarax lala beegsaday gaarigiisa oo marayay duleedka degmada Baardheere ayaa caawa iiga warbixiyay xaaladiisa caafimaad iyo waliba sida ay wax u gaareen.

 

Xildhibaanka oo xaaladiisa caafimaad ay aad u wanaagsanayd ayaa sheegay in haatan uu dareemayo xasilooni, uuna fiicanyahay kaddib qaraxii maanta. Dhinaca kale xildhibaanka oo waraysi dheer aan la yeeshay ayaa ka warbixiyay sida ay wax u dhaceen isagoo sheegay in qaraxa miinadaasi ay ahayd mid si weyn loo soo qorsheeyay isla mar ahaantaasina uu ka dambeeyo Madaxweynaha DFKG ah ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

 

Xildhibaanka oo hadalkiisa aad ugu dheeraaday ayaa tilmaamay in ay arrimahaasi la xiriiraan dagaalada jubbooyinka soo cusboonaaday taasoo uu ku tilmaamay wax muddo dheer soo jiday. Barre Hiiraale oo aan wax ka waydiiyay cadaymaha ay u hayaan in qaraxa uu ku lug lahaa Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf oo isaguba dowladaasi uu xildhibaan ka yahay ayaa carabka ku adkeeyay in arrimahaasi uu madaxweynaha lu lug leeyahay, asaguna uu soo abaabulay qaraxaasi.

 

Dhinaca kale, xildhibaanka oo aan waydiiyay in xitaa ayba suurto gal tahay in qaar kamid ah beesha loo adeegsaday si ay falkaasi u fuliyaan ayaa hadalkiisa ku soo koobay in xitaa haddii ay jiraan dad noocaasi ah la soo adeegsaday, waa la ogaan doonaa, waana ay soo bixi doonaa. Ugu dambayntii Xildhibaan Barre Hiiraale ayaa sheegay in dagaalada kismaayo iyo nawaaxigeeda looga gun gaari karo in dadka degaankaasi ay tashtaan oo ay heshiiyaan ayaga dhexdooda taasoo uu ku sheegay in ay tahay wadiiqada ugu haboon.

 

Qaraxaan miinada ah oo maanta lala beegsaday kolonyo uu ka mid ahaa mudanayaasha dowladda ayaa waxaa ku naf waayay hal qof iyadoo labo kalena dhaawac soo gaaray oo uu ka mid ahaa Barre Aadan Shire Hiiraale. Qaraxaan miinada ayaa lagu aasay goob biyo mareen ah iyadoo xubnahan ay ku sii jeedeen deegaanka uu magaalada ka dagan yahay ee Muuri halkaas oo ay ka ambabaxeen goob ay shir ku hayeen saakay.

 

Goortii qaraxaan saakay ka dhacay goobta oo u dhaxaysay deegaanka uu xidhibaanku ka dagan yahay magaalada 5km ka jirta dhinaca galbeed ayaa waxa dhamaan magaalada laga maqlayey shanqarta dhawaqaasi iyadoo dadka deegaankuna ay sheegeen inay maqlayeen qaraxaasi.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this