Juje Posted December 9, 2008 Howlgal lagu burburinayo qabuurayaasha la siyaarto oo ka socda maalintii labaad magaalada Kismaayo Waxaa maalintii labaad galay howlgal lagu burburinayo mowlacyo laga dhisay qabuurayaal ay ku aasan yihiin mashaa’iq caan ah oo sanad walba la siyaarto ayaa maalintii labaad ka socda magaalada Kismaayo ee gobolka J/hoose. Howlgalkan oo loogu magac daray la dagaalanka shirkiga ayaa waxaa wada ciidamo ka amar qaata maamulka Islaamiga ah ee magaalada Muqdisho, iyadoo shalay ilaa maanta lagu burburiyey illaa afar qabuuro oo ku yaala magaaladaasi, kuwaasoo dadka taabacsan dariiqada Suufiyadu ay siyaaro u aadi jireen, waxaana kuwa maanta la burburiyey ka mid ah qabriga Sheekha caanka ah ee lagu magacaabo Xaaji makaahiil. Afhayeenka maamulka Islaamiga ah ee magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ujeedada loo burburinayo qabuuraha ay tahay mid la doonayo in lagu suuliyo shirkiga wuxuuna sheegay qabuurahaasi ay dhibaato badan ku hayeen dadka isla markaana lagu baryo dadka ku aasan iyadoo la weydiisanayo wax aysan awood u laheyn taasoo xad gudub ku ah ayuu yiri shareecada Islaamka iyo awooda iyo waxyaabaha uu ILAAHAY la keli noqday, isagoo xusay iney sii wadi doonaan burburinta qabuureyaasha noocan oo kale ah. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted December 9, 2008 Qubuuruhu waa xabashi raac ,,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Juje Posted December 9, 2008 Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o: Qubuuruhu waa xabashi raac ,,,, Loooooooooooooool.....! Quote Share this post Link to post Share on other sites
RedSea Posted December 9, 2008 Man Alshabab are doing alot of cleaning these days. Masha Allah. lol Alot of shid went up in this house, it takes extreme measures to clean it up. Thank God allahii noo diray this firm and unapologetic group. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted December 10, 2008 Wax lagu qoslo ma'aha waxaan haddee run tahay. Dadkii diinteena faafintooda usoo halgamay in lagu xaqtunto, laguna caasiyoobo xabaalahooda. I guess Nabiga [Naxariis iyo Nabad Korkiisa Ha ahaatee] qabrigiisa wey soo fali lahayeen as well in Madiino maadaama uu masaajid ku dhex yaalo and only Eebbe knows how many millions u siyaarto. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted December 10, 2008 Redka, adiga bahashaadu waa indho la'aan niyow. They have major things than destroying and working in xabaalaha. Look around and see what they're facing. Quote Share this post Link to post Share on other sites