Sign in to follow this  
Member-sol-

Al-Shabaab oo gaaray Deg. Baardheere

Recommended Posts

Al-Shabaab oo gaaray Deg. Baardheere

By Editor on 23 Jun, 2008 8:18 PM in Main, Wararka

 

Mujaahidiinta Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab oo wata gaadiidka dagaalka ayaa gelinkii danbe ee maanta waxay gaareen Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo waxaana halkaa si diirran ugu soo dhaweeyay dad ka tirsan deegaankaas.

 

Ciidamad gaaray Degmada Baardheere ayaa waxay mas’uuliyiintoodu fagaare kala hadleen dadka deegaanka oo safaf dheer u galay daawashada Xoogagga soo galay Magaalada waxayna tagitaankooda ku macneeyen Booqasho waxaana jira dad badan oo soo dhaweeyay imaanshaha Dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab ee Magaalada Baardheere.

 

Sh. Xasab Yacquub oo ah gudoomiyaha Maxkamadda Degmada Saakoow ee Gobolka J/Hoose ayaa hor kacayay Mujaahidiinta gaaray Degmada Baardheere wuxuuna khudbad u jeediyay Dadka Reer Baardheere isagoo sheegay in ay halkaa u tageen sidii ay maamul uga samayn lahayeen degmada asaga oo iska fogeeyay in ay qabsadeen Magaalada Baardheere ama ay ujeedooyin kale ka leeyihiin.

 

Nin ka tirsan dadka deegaanka Bardheere oo aan la xiriirnay ayaa Somalimirror u xaqiijiyay Tagitaanka Mujaahidiinta ee Degmada wuxuu sheegay in ay aad u soo dhawaynayaan Mujaahiidiinta ayna Magaalada ka jirto amni darro iyo isbaarooyin ay dhigtaan dad uu ku tilmaamay maleeshiyooyin qawlaysata ah.

 

Waa markii ugu horaysay ee ay Xoogagga Al-shabaab Almujaahidiin gaaraan degmo ka tirsan gobolka Gedo lamana garanayo inta ay ku sugnaan doonaan degmadaas, mana jiraan wax war ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka gobolka Gedo ee ay dhawaan soo dhistay dawladda KMG ah ee la shaqaysa gumaysiga Itoobiya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mas’uuliiyinta Al-Shabaab oo faahfaahin ka bixiyey sababaha ay u tageen Baardheere oo maalintii labaad ay gacanta ku hayaan

 

 

Waxaa gelinkii dambe ee Shalay gaaray degmada Baardheere ee gobolka Gedo ciidamo ku hubeysan noocyada kala gedisan ee gaadiidka dagaalka oo ka tirsan dhaqdhaqaaq Al shabaab ee ka soo horjeeda Siyaasada DF iyo joogitaanka ciidamada Itoobiya ee dalka Somalia, iyadoo ciidamadaasi oo ka yimid dhinaca gobolka J/dhexe ay horkacayeen mas’uuliiyiinka tirsan Al Shabaab oo uu ka mid ahaa Sheekh Xasan Yacquub.

 

Ciidamada Al Shabaab ayaa markii ay tageen magaalada Baardheere si weyn loogu soo dhoweeyey, iyagoo ciidamadooduna ay la wareegeen koontroolada laga soo galo degmada Baardheere, waxayna markii dambe meel fagaare ah ugu khudbeeyeen dadweynaha ku dhaqan halkaasi, iyagoo sheegay ineysan halkaasi u imaanin iney fariisimo ka dhigtaan balse ay u yimaadeen labo arimood oo kala ah sidii ay dadka halkaassi ku dhaqan uga saacidi lahaayeen dhinaca nabadgelyada iyo sidii ay ugu baraarujin lahaayeen ku dhaqanka shareecada Islaamka.

 

Xoogaga Al Shabaab ayaa sidoo kale la sheegay intii ay joogeen degmada Baardheere iney cagta mariyeen jidgoogooyin hareeraha degmada baardheere u yiilay kooxo hubeysan oo baad ka qadan jiray gaadiidka safarka ah ee halkaasi isaga goosha sida ay xaqiijinayaan wararka halkaasi naga soo gaaraya, waxyna sidoo kale sheegeen iney la kulmi doonaan maamulka ay dhowaan halkaasi ka dhistay Dowladda federaalka, inkastoo ay sheegeen inaaney deegaankaasi ka jirin wax dowlad ah oo isla markaana dadka deegaankaasi ay yihiin kuwo iyagu is maamula.

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

Xafiiska war qabadka Dayniile

Muqdisho Somalia

dayniilecom@hotmail.com

deyniilenews@yahoo.com

 

--------------------------------------------------------------------------------

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

Saraakiil Ka Tirsan Ururka Alshabaab Oo Meel Fagaaro Ah Kula Hadlay Boqolaal dadweynaha Degmada Baardheere

Jun 24,2008

by Baardheere-GEDO-NN

 

Dgmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa waxaa si weyn looga dareemayaa dhaqdhaqaaq ciidan oo halkaasi ay ka wadaan Ciidamo taabacsan Ururka Al-shabaab kuwaasi oo shaley galab gaarey degmada Baardheere,iyadoo markiii ugu horeysana Saraakiisha Ururkaasi ay meel fagaaro ah kala hadleen Boqolaal dadweyna ah,iyagoo cadeeyeyna in u jeedadoodu ay tahay sidii dalka looga saari lahaa Ciidamada Ethopia.

 

Ciidamadan ka tirsan Ururka Alshabaab oo dagaal xoogan kula jira Ciidamada DFKMG ah ee Soomaaliya iyo Ciidamada Ethopiyanka ee ku sugan gudaha Dalka Soomaaliya ayaa waxay wateen ilaa 6 Baabuur oo ay saaran yihiin ciidan ku hubaysan noocyada kale gedisan ee hubka,waxayna wararku sheegayaan in ciidankaasi intooda badan in ay kasoo kicitameen Dhinaca Degmada Saakoow, halka kuwo kalena ay markii horeba ku sugnaayeen Gudaha iyo daafaha Magaalada Baardheere.

 

Sheekh Xasan Yaqbuub oo hogaaminaya Ciidanka soo gaarey degmada Baardheere oo la hadlayey Saxaafada ayaa sheegay in u jeedadoodu ay tahay sidii dalka looga saari lahaa Ciidamada Ethopia iyo sidii burcada jidgooyooyinka dhigta looga sifeyn lahaa guud ahaan deegaanka,isla markana loo xoojin lahaa nabada Deegaanka.

 

Sheekh Xasan ayaa intaasi ku darey in mudada ay joogan kulamo kale gedisan in ay la qaadan doonaan Maamulka Deegaanka, ujeedkeenu ma ahan ayuu yiri in aan qabsano deegaanka,waayo dadka ku dhaqan Degmada Baardheere maamul ay doorteen ayaa u dhisan ma garan karno ayuu yiri sabab nagu qasbaysa in aan isbedel ku sameyno.

 

Maamulka iyo Odayaasha Degmada Baardhere ayaa ilaa iyo hadda wax hadal ah ka soo saarin xaaladahan ugu dambeeyey ee ka soo cusboonaadey degmada Baardheere,inkastoo Gudoomiyaha Degmada Baardheere Maxamed Xirsi dhudi uu horey u sheegay in uu si weyn u taageersan yahay howlaha lagu sugayo Amaanka oo Ururkani uu ka wado gudaha iyo daafaha Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Sons of the city have come home to their families.

 

Why is it that criminals and warlords can go their cities without such propaganda but other sons cannot?

 

All this talk of "la wareegeen" and "maamulka duminayaan" hints of tribal based propaganda and resentment.

 

Ragu ayagoo socdo bay caleemo qoyan iyo soo dhawaado u yimaadeen!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Paragon, doraad waxaa Beled Xaawo soo gaaray Sheikh Bashiir Jalato oo mudo had ah Etoopiya ku xirnaa. If you can remember the good Sheikh was the Governor of Kismaayo for the ICU. The good Sheikh Bashiir is scheduled to come down to Baardheere and this is why Sheikh Xassan Yacquub has come, to meet after the seperation.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this