Saalax Posted May 30, 2010 Xaaji Cabdikariim Xuseen Oo Fariin U Diray Musharixiinta U Tartamaya Xilka Madaxtinimo Ee Somaliland Saturday, 29 May 2010 "Waxaan leeyahay ragga tartamaya ninka buuq kiciyaa waxba kuma helo sharaftana wuu iska ridaa shicibkana wuu dhibaa." Hargeysa - Xaaji Cabdikariim Xuseen Xaaji (Cabdi Waraabe) oo ka mid ah mudanayaasha Guurtida ugu da’d weyn, ayaa ugu baaqay musharaxiinta saddexda xisbiyada Qaranka ee ku tartamaya doorashada madaxtooyada ee Somaliland in ay ku tartamaan si walaaltinimo ku jirto oo aanay isu arag cadow tartamaya, isla markaana kii ku guulaysta doorashada madaxtooyada ay si wanaagsan ula shaqeeyeen kuwa kale ee aan nasiibka u helin in ay ku guulaystaan doorashadaasi. Xaaji Cabdi Waraabe ayaa hadalkaa saaka ka sheegay mar uu ka hadlayey shirjaraa’id oo guddida dib u dhiska Biriijka labaad ee Hargeysa kaga warbixinayeen halka uu marayo dismaha biriijkaasi. Mudane Xaaji Cabdikariim Xuseen waxa uu dadweynaha reer Somaliland u soo jeediyey in ay si nabadgelyo ku jirto ay codkooda u dhiibtaan, isla markaana ay Xisbiga uun codkooda siiyaan "Waxaan leeyahay ragga tartamaya in aad aragtaan hareeraheena waxa dhib ka taagan, waxaan leeyahay ragga tartamayow si nabadgelyo ku jiro oo sharaf leh u tartama, musharaxa helana loogu mahadnaqo. Ka laga helo ee haneeyaana weligiiba waa madaxweyne oo waa nin dadka iyo dalkaba u tudhay, ninka buuq kiciyaa waxba kuma helo sharaftana wuu iska ridaa shicibkana wuu dhibaa."Ayuu yidhi Xaaji Cabdi Waraabe Xaajigu waxa uu dadweynaha ugu baaqay in ay meel uga soo wada jeestaan ciddii nabadgelyadooda wax u dhimaysa kana shaqeeyaan sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho si nabad ah u dhacda, taas oo uu uu sheegay in uu ku xidhan yahay Aqoonsiga Somaliland- Ramaas Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted May 30, 2010 xaaji cabdi waraabe fariin aad u fiican weye shacabka somaliland sii nabadgalyo ah codkina uu dhibta dadka baratamayana wa wadda reer somaliland, Disturka iyo shacriga hala ilaaliyo. Quote Share this post Link to post Share on other sites