Jacpher Posted December 12, 2009 Sheikh Maxamed Cabdi Umal oo khudbadiisii maanta ka digay in la isku qarxiyo dad muslimiin ah Nairobi:-Sheikh Maxamed Cabdi Umal ayaa maanta si weyn uga hadlay khatarta ay leedahay in dad Muslimiin ah leysku qarxyo, ka dibna dilkooda ajar laga raadiyo taas oo uu ku tilmaamay mid shreecada Islaamka ka fog. Sheikh Umal oo maanta Masaajidka 6 street ee magaalada Nairobi ka hadlayey ayaa sheegay in ay xaaraam tahay in la daadiyo dhiiga dadka Muslimiinta ah, wuxuuna carabka ku adkeeyey in Naar lagu mudanayo daadinta dhiiga dadka Muslimiinta ah ee dhiigooda xaaraamta laga dhigay, isagoo Sheikhu aayado badan iyo axaadiith ku xoojiyey hadalkiisa. " qof ayaa wuxuu isku qarxinayaa dad Muslimiin ah isagoo Jano doonaya, sida ilaahay sheegay qofkaas Naar ayuu galayaa, ilaahay ayaan sidaa balan qaaday ee hadii ilaah kale oo sidaas wax ka bedelan sheegay uu jiro hala keeno" ayuu yiri Sheikh Maxamed Cabdi Umal oo ay caro xoog leh wajigiisa ka muuqaneysay. Sheikha ayaa si weyn uga sheekeeyey sida qur'aanka iyo axaadiithta ay uga digeen in si fudud loo daadiyo dhiiga Muslimiinta oo leyska dilo, wuxuuna ku nuux nuuxsaday Sheikhu in Ilaahay u balan qaaday dadka Muslimiinta laaya ciqaab aad u weyn. Sheikh Umal wuxuu sheegay in dadka Muslimiinta leynaya ee isku qarxinaya inay isla saxan yihiin, balse Sheikhu wuxuu carabka ku adkeeyey in qofka Muslimiinta laaya uu yahay qof si weyn u garab maray wadadii toosneyd ee Rasuulka (SCW) isla markaasna cagta saaray wadadii halaaga, aakhirana ku danbeynaya Cadaabta Alle, sida Sheikhu sheegay. Ugu danbeytii Sheikha ayaa dadkii khudbadiisa dhageysanayey uga digay inay qeyb ka qaataan daadinta dhiiga dadka Muslimiinta ah ee Ilaahay xaaraan timeeyey dhiigooda, wuxuuna iftiimiyey in qofkii qarash ama fikrad ku bixiya in Muslimiin la laayo uu dhiniciisa xanbaaranayo cuquubada ka dhalata arintaas, isla markaasna ilaahay looga baqo ku xadgudgudubka dhiiga iyo sharafta dadka mudan in la dhowro. Dadweynihii dhageysanayey khudbada Sheikha ayaa fasiraado kala duwan ka bixinayey khudbada Sheikha, walow Sheikha uu si guud uga hadlayey arinka, balse waxaa dadku u qeybsameen kuwa ku faraxsan khudbada Sheikha iyo kuwa kale oo u qaatay in iyaga loola jeedo hadalka. Hadalka Sheikh Umal ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xili uu Sheikhu dhawaan ka soo laabtay Xajka, waxaana jirta in Culimada Soomaaliyeed ay si aad ah uga digayaan wax badan oo lagu sameynayo magaca Islaamka. Halgan.net/Somalireal Quote Share this post Link to post Share on other sites
UZTAAD Posted December 12, 2009 welcome move from the sheik who was one of the vocal supporter of the islamist in Somalia. this is clear message to alshabaad that their atrocities has nothing to do with Islam, Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted December 12, 2009 Too little too late yaa sheikh. You are one year late here. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted December 12, 2009 Too late but to the point ..... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Peace Action Posted December 12, 2009 Better late than never. All the Scholars must speak out against this dangerous sucide bombing and any violence associate with Islam, the religion of peace. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Fabregas_Bruv Posted December 12, 2009 May Allah preserve Sheikh Umal. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted December 12, 2009 Looks like most of them just woke up after the slaughter of the students ,,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Fabregas_Bruv Posted December 12, 2009 ^^They were criticising them indirectly and directly before. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacpher Posted December 12, 2009 Sh. Umal spoke out about them in the past but probably not to the extent of basically telling them we don't worship same Ilaah. This was by far the strongest words of disapproval. I have a feeling other prominent Shuyuukh will soon do the same. Quote Share this post Link to post Share on other sites
ADNAAN Posted December 12, 2009 Better late than never as they say, waa mar la madhay laakiin. Once you go shabaabiya there is no coming bck. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Som@li Posted December 13, 2009 He is very late, Quote Share this post Link to post Share on other sites
Garaad Bari Posted December 13, 2009 its never too late,,, Sheikh Umal is very known in east africa as well as among somalis,,,,,, this will indeed persuade alot to think twice their support for these veiled boyz well done sheikh n may allah reward u. Quote Share this post Link to post Share on other sites