General Duke Posted January 4, 2008 Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo uu tababar uga furmay Deegaanka Galin-Soor ee Gobolka Mudug Khamiis, January 03, 2008(HOL): Tababrkan oo ay ka qeyb-qaadanayaan ilaa 1000 Askari oo ka tirsan Ciidamada Dowlada Federaalka ayaa waxaa furitaankiisa ka qeyb-galay saraakiil ka tiran Ciidamada Xooga dalka iyo waliba qaar ka mid ah Mas'uuliyiinta Maamul Gobaleedka la magac baxay Gal-mudug oo ka dhisan Koofurta Magaalada Gaal-kacayo ee Gobalka Mudug. Ciidamada Tababarka loo furan oo intooda badan ka soo jeeda Gobalka Mudug ayaa bartamihii Sanadkii Ina dhaafay ee 2007 waxaa Xero ku taala Deegaanka Galin-soor isugu keenay Mas'uuliyiin uu ka mid ahaa Wasiir Kux-xigeenkii Gaashaandhiga ee Xiligaa Salaad Cali Jeele inkastoo sababo dhinaca dhaqaalaha waqtigaa uu dib ugu dhacay tababarkii la doonayay in la siiyo. Marka ay soo dhameystaan Tababarka ayaa lagu wadaa in Ciidamadu ka qeyb-qaataan howlaha lagu sugayo Nabad-galyada guud, gaar ahaan Gobalada Mudug iyo Gal-gaduud oo hadda aysan jirin Ciidamo ka tirsan Kuwa Dowlada Federaalka oo si rasmi ah uga howl-gala marka laga reebo Ciidamo gaar ah oo ay sameysteen Maamulada halkaa ka dhisan. Maamul Gobaleedka la magac baxay Gal-mudug oo ah mid ay dhisteen wax-garad iyo Aqoon-yahano ka soo jeeda Koonfurta Magaalada Gaal-kacyo ayaa u muuqda mid gacan mug leh ka siinaya Dowlada Federaalka sidii loo dhisi lahaa Ciidamo ay maamusho Dowlada islamarkaana ka howl-gala sugida Nabad-galyada guud waxaana furtaanka tababarka ka soo qeyb-galay Ku-simaha Madax-weynaha Maamul Gobaleedka la magac baxay Gal-mudug. Tan iyo wixii ka danbeeyay markii laga awooda roonaaday Midowgii Maxkamadaha qeybo badan oo ka mid ah Gobalada dhexe gaar ahaa deegaanada hoos taga Gobalada Gal-gaduud iyo Mudug waxaa majaraha u qabtay Maleeshiyo Beeleed la Qarameeyay kuwaasoo mar marka qaar uu dhax-maro dagaalo ku saleysan Aano Qabiil iyo falal horay uga dhax dhacay beelaha ay ka soo kala jeedaan, waxaana la filayaa marka uu soo dhamaado Tababarkan hadda loo furay Ciidamada gaaraya ilaa 1000ka Askari in ay meesha ka baxaan Maleeshiyada beelaha. Waxaa xusid mudan in Deegaanka Galan-Soor oo ah halka Tababarku ka furmay Sanadii 2006 in uu ka dhacay Dagaalkii ugu xumaa ee soo mara Gobalada Bartamaha Soomaaliya kaasoo sababay Dhimasho iyo bur bur hantiyeed, lakiin hadda waxaa muuqta in arintaasi laga gudbay. C/raxmaan Diini, Hiiraan Online diini@hiiraan.com Beledwyen, Somalia Quote Share this post Link to post Share on other sites
Emperor Posted January 4, 2008 ^Nice work, progress as usual, more of these works are indeed required to bring the republic to its former glory, Insha'alah it will return. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted January 4, 2008 ^^^They do not grab the headlines, but thats good because change when it comes comes slowly and without fanfaire. Quote Share this post Link to post Share on other sites