Sign in to follow this  
General Duke

President Yusuf to visit NY DC...

Recommended Posts

New York: Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu casuumay shirka Golaha Ammaanka bishan ka dhici doona Magaalada New York.

3. april 2008

 

New York (AllPuntland) - Madaxweynaha Soomaaliya iyo dhowr Madaxweyne oo dalalkooda qalalaaso iyo rabshado ka taagan yihiin ayaa lagu casuumay in ay ka qeyb galaan shirka bishan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ku yeelan doonaan Magaalada New York.

 

Dowladda South Afrika oo la wareegtay Madaxtinimada Golaha Ammaanka ayaa ku casuuntay Madaxweynayaasha Soomaaliya Chad iyo Sudan in ay ka soo qeyb galaan kulanka Golaha Ammaanka ee bishan dhici doona.

 

Danjiraha Dalka South Afrika u fadhiya Xarunta Qaramada Midoobey ninka lagu magacaabo Amp. Kumalo ayaa sheegay in shirka Golaha Ammaanka uu noqon doono, mid diirada lagu saaro mushaakilaadka ka aloosan wadanka soomaaliya, si xal loogu helo buu yiri.

 

Kulankan oo dhici doono 17-ka bishan ayaa waxaa loogaga doodi doonaa qoraalka qabyada ah ee uu soo diyaariyay Xogahayaha Guud ee Qaramada Midoobey, kaasoo ku aadan suurta gelnimada in Ciidamo caalami ah la geeyo Soomaaliya.

 

Wada hadalada Kulankan ayaa noqonaya mid lagu lafa guro sida la isku fahamsin lahaa dhinacyada isaga soo horjeeda Siyaasada Soomaaliya, isla markaana u wada hadli karaan.

 

Cabdicasiis Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya oo kusii jeeda dalka Mareykanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyad Federalka Soomaaliyeed Mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa lagu wadaa in todobaadkan uu u baqoolo dalka mareykanka,isagoo kulamana la yeelan doona masuuliyiinta maamulka Washington iyo madxda Qaramada Midoobay.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyad Federalka Soomaaliyeed Mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa lagu wadaa in todobaadkan uu u baqoolo dalka mareykanka,isagoo kulamana la yeelan doona masuuliyiinta maamulka Washington iyo madxda Qaramada Midoobay.

 

Warar ku dhow dhow xafiiska maxweynaha ayaa sheegaya in madaxweynuhu uu xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York kaga qeyb gali doono fadhi looga hadlayo arrimah Soomaaliya,gaar ahaan sidii ciidamo caalami ah oo Jamciyada Qurumaha hoos yimaada dalka loo keeni lahaa.

 

Safarka madxweyne Cabdullaahi Yuusuf uu ku tagayo xarunta Qaramada midoobay ayaa kusoo beegmaya iyadoo dhawaanahanba ay soconayeen doodo iyo afkaar is dhaafsi ku aadan suuragalnimada ciidamo caalami ah oo la keeno dalka Soomaaliya si ay u buuxiyaan kaalinta Afrikaanka.

 

Dhinaca kale madxweynaha ayaa tagi doona magaalada Washington ee xarunta dalka mareykanka,halkaas oo uu kulamo kula qaadan doono masuuliyiinta maamulka Bush,sida wararka aanu helnay ay sheegayaan.

 

Lama sheegin maalin cayiman oo socdaalka madaxweynuhu uu ku beegan yahay hase ahatee maalmaha ina soo aadan in uu bixi doono ayaanu ka ogaanay ilo wareedyo ku dhow dhow xarunta madeaxtooyada qaranka ee Villa somalia

 

 

Xafiiska warqabadka shabakada wararka carmooyin.com ee Baydhabo.

 

Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

C/laahi Yuusuf, madaxda wadamada Sudan & Chad oo lagu casuumay shirka...

 

Madaxweynaha DFKMG ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa lagu casuumay in uu ka soo qayb galo shir la filayo inay dhawaan uu yeesho golaha amaanka ee Qaramada Midoobay kaasi oo lagu wado in looga hadlo colaadaha ka aloosan dalal ay Soomaaliya ka mid tahay.

 

Shirkan ayaa waxaa lagu casuumaday oo kale madaxweyneyaasha dalalka Chad iyo Suudana Idiris Deby iyo Cumar Xasan Al-Bashiir waxaana kulankan oo dhici doona todobaadka labaad ee bishan April shir gudoomin doona wadanka Koonfur Afrika oo la wareegay bishan madaxtinimada wareega ah ee bishiiba uu dal qabto wadamada xubnaha ka ah golaha amaanka ee Qaramada Midoobay.

 

Diblumaasiyiin u dhuundaloola shirkaasi oo ka gaabsadey in magacooda la xuso ayaa u sheegay warbaahinta caalamiga ah ee SBC in shirkaasi uu hadal ka jeedin doono xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon waxaana la filayaa in si weyn shirka loofu gorfeeyo qoraalkii dhawaan arimaha Soomaaliya uu ka soo saarey xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.

 

Ilaha wareed ee laga helayo xarunta qaramada midoobay ayaa sheegaya in shirkaasi ay dhici karto in go’aan lagu gaaro in Soomaaliya ciidamo caalami ah looogu diro kuwaasi oo badala ciidamada midowga Afrika iyo kuwa Itoobiyaanka ee ku sugan Soomaaliya.

 

Ajandaha ugu weyn ee shirka hareyn doono ayaa la filayaa in uu noqdo arinta Soomaaliya, iyadoo ay jiraan qaar ka mid ah hay’adaha xuquuqda aadama u dooda inay shirkaasi ku soo bandhigaan tacadiyada dhanka xuquuqda aadamaha ee ka aloosan Soomaaliya, Suudaan iyo Chad.

 

Xasan Cabdi Farey (Gentelman)

SBC International News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Is he gonne speak english at the assembly or Af somali

 

He try before to speak english

But it was Its the me its the she its the me its the president of the somalia

 

wata somali

Share this post


Link to post
Share on other sites

no, hes gonna speak amxaaric!! like nitmado, gamando, guchando....zree duulars... u know, the man, the somali ppl, the ethio president who punches in the liver... smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Somaliya oo lagu casumay shirka golaha amaanka ee magaalada New York

Posted to the MOL April 3, 2008, 7:11 am

 

Madaxweynaha dowlada Federaalka somaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa casumaad ka helay shirgudoonka golaha amaanka ee xilganayaan si uu uga qayb galo kulan bishaan dhexdeed ay yeelanayaan golaha amaanka Qaramada midoobay.

 

Shirgudoonka xiligaan ee golaha amaanka oo ah dowlada South Afrika ayaa casumaad u fidisay madaxweynaha Somaliya si uu warbixin uga siiyo xaalaada Somaliya golaha amaanka.

 

 

Dowlada federaalka ayaa arintaani u soorogalin doontaa inay u soo bandhigto beesha caalamka waxa u qabsoomay intii ay talada hayeen iyo waxyaabaha ay codsanayaan in qaramada midoobay ka caawiyaan oo xooga la saaro. Madaxweyne Yuusf ayaa la filayaa inuu xooga saari doono sidii uu ugu dhiiri galin lahaa madaxda kulankaas imaanaysa in ciidamo ka socda Qaramada midoobay la keeno Somaliya si loogu badalo kuwa Itoobiya.

 

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

lol. About speaking English. Well can use what ever language that will convey his message to the rest of the world.

 

What language did Riyaale, Egaal or Tuur speak to the UN assembly or pardon those secesionists were not invited were they? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^You going there and you want to be updated :confused:

 

It's the UN meaning United Nations, more 150 member countries... Languages: Personal choice, any language...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Naw keep me update exactly when he's coming, where he's landing. Hopefully it doesnt' conflict with some personal stuff. Emperor will you come and support your presidnet????

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Emperor:

^You going there and you want to be updated :confused:

 

It's the UN meaning United Nations, more 150 member countries... Languages: Personal choice, any language...

Wlc Back,Waa kuu xiisaye. Well,no xiiso,but i miss(ed) your typical nacnac! :D

 

Good to see Somalia being represented in the UN,its a step forward. Inshallah,hopefully someone from the INTL community will come to their senses(sic) & realize that there is a H.U.G.E problem in Somalia.

 

Likewise,i hope the President(even his Master,Meles will do ),articulates & stipulates a proposition to the world that his country needs H.E.L.P. smile.gif

 

*chuckles*

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this