Sign in to follow this  
General Duke

Hargaysa: Uprising caught on video: anti Riyaale chanters

Recommended Posts

Ciidamada Booliska oo Rasaas u adeegsaday Dadweyne isu-soo-baxay, qaarna Xasbiga u taxaabay

August 30th, 2009 Comments Off

 

Hargeysa (Somaliland.Org)- Xukuumadda Somaliland ayaa mar kale maanta Ciidamo Boolis ah oo tiro badan ku daad-guraysay Xarunta Baarlamaanka, kuwaas oo iyana Rasaas Nool u adeegsaday dadweyne aad u tiro badan oo halkaa isugu soo baxay.

 

Dadweyne aad u tiro badan oo ka gadooday tallaabo ay Xukuumadda Somaliland labadii maalmood ee u dambaysay Ciidamo xooggan ku geysay Xarunta Baarlamaanka iyo Jidadka ku hareeraysan, ayaa maanta isugu soo baxay agagaarka Xarunta Baarlamaanka iyo Jidka hormara Cusbatalka guud ee Hargeysa.  Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa fadhigii maanta oo aan Saxaafadda loo ogolayn, hase ahaatee la sheegay in lagu magacaabay Guddi turxaan-bixin ah ka dib, waxa uu Dadweynihii buux-dhaafiyay Jidadka hareero-mara Xarunta Baarlamaanka ugu soo baxay dibedda, kuwaas oo iyagoo ku dhawaaqaya hadallo taageero ah si niyad-sami ah u soo dhaweeyay, isla markaana kor u qaaday.

 

Intaa ka dib, Ciidamada Booliska ayaa Rasaas u adeegsaday kala dareerinta dadka, taas oo keentay in ay Dadweynuhu ka gadoodaan, isla markaana isu-soo-baxoodaasi uu isu-rogi gaadhay Mudaharaad ka dhan ah Xukuumadda. Waxaanay ku dhawaaqayeen Ereyo ka dhan ah Madaxweyne Rayaale iyo Xukuumaddiisa.

 

Ciidamada Booliska ayaa Xabsiga u taxaabay dadweyne aan tiradooda la sugin, kuwaas oo isugu jiray kuwii ka qyab-galay isu-soo-baxan maanta iyo kuwo loo tuhmay inay ka qayb-galeenba.

 

Waa maalintii labaad ee Xukuumaddu Ciidamo Boolis ah oo xooggan ku wareejiso Xarunta Baarlamaanka oo maalmihii u dambeeyay uu ka socday Khilaaf u dhaxeeyay Mudanayaasha ka soo kala baxay Axsaabta Mucaaradka iyo Muxaafadka. Tallaabadaas oo ay Shirguddoonka Wakiilada, Mudanayaasha Mucaaradka iyo Shacabweynaha reer Somaliland ay ka cadhoodeen.

 

Somaliland.Org

 

Hargeisa News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this