Jacaylbaro Posted December 29, 2009 Waxaa Maanta Magaaladda Muqdisho kusoo gaba gaboobay Murankii iyo Khilaafkii daba dheeraday Ee u dhaxeeyay Madaxweynayaasha Galmudug Kadib markii maanta uu Tanaasulay Mid kamida Madaxweynayashi isku haystay Xilka Madaxweynanimo Ee Galmudug Waxaana Madaxweyne noqoday Maxamed Axmed Caalin. Xalfad si weyn loo soo qalabeeyay ayaa Waxay Maanta ka dhacay Magaaladd Muqdisho Waxaana kasoo qeyb galay Xubno Sar sare oo ka tirsan Dowlada KMG Ee Somaliya Xalfadan ayaa ahayd tanaasul Madaxweynanimo Waxaana Xilka Madaxwynanimo ka tanaasulay Axmed Shariif Cali Hilowle Waxaa Maanta Si toosa loogu caleemasaaray Xilka Madaxweynanimo Ee Galmudug Maxamed Axmed Caalin kadib markii uu tanaasul sameeyay Axmed Shariif Cali oo sheegay inaysan Wakhti Xaadirkan gali karin Muran Siyaasadeed Dadka Reer Galmudug oo ay markaas tahay in isu tanaasul la sameeyo Isutanaasulkan ayaa Wuxuu kusoo aaday kadib markuu qaboobay dagaal faraha lagaga gubtay oo dhexmaray Puntland iyo Galmudug dhowrkii Cisho Ee ina weydaartay,Xaalada Puntland iyo Galmudug ayaa hada qabow waxaana Socda Wada Xaajoodyo lagu raadinayo nabad. Quote Share this post Link to post Share on other sites