Sign in to follow this  
General Duke

Mr Waqaf Even those we paid turned on us

Recommended Posts

Mr.Waqaf::: Xataa kuwii aanu lacagta siinaynay ee Tuutaha (Dirayska ciidanka) gashanaa ayaa ka soo jeestay xagii cadowga

Last Updated::2007-04-20 21:51:49

 

waqaf.JPG

 

Hargeysa:- Wasiirkii Gaashaandhigga xilka laga qaaday Mudane Aadan Maxamed Mire (Waqaf)ayaa waraysi dheer

oo gaar ah uuna siiyay wargeyska ogaal ee ka soo baxa magaalada Hargeysa waxaa uu kaga warramayay arrimo muhiim ah oo keenay inuu si deg deg ah ciidamadisa kala soo fakado degaanka Dhahar ee gobolka Sanaag ee maamul gobaleedka Puntland

 

Su'aal: madaxweynuhu waa kii xilka kaa qaaday, wixii uu kugu eedeeyayna waxa ka mid ahayd inaad amar diido samaysay, oo ciidankii aad meesha ka soo saartay iyadoo markii hore amar madaxweyne meesha lagu tegay, isgaadhsiintiina aad ka goosatay, markaa jaaha-wareer badan baa dadkii ku jira oo arrinkani geliyay, ee Warbixin buuxda naga sii waxa kugu kelifay arrintaa?

 

Jawaab: Iyadoo aan aad u jeclaa inaan war-saxaafadeed-kayga hal mar soo wada saaro, haddana waxaan leeyahay arrintaa iyada ah ee isgaadhsiinta ku saabsan, xilligii dagaalku dhacayay ilamaa saacadii dambe ee aanu diga-rogashada samaynay, isgaadhsiintu way go'nayd, ma filayo in nalagu eedayn karo isgaadhsiin la'aanteed in dambi lanagu saaro. Amarada khaladka ahna, annigu amar saxa oo aan ku badbaadinayay ciidanka qaranka, Wasiiradii iyo hantidii halkaa maraysay ee Somaliland lahayd ayaanu ku guulaysanay, ciidankuna guul buu gaadhay. Waxaan markaa isu arkayaa ama aan isu wada arkaynaa cid badbaadisay ciidankii qaranka iyo qaranimadii Somaliland oo guul soo hoysay. Laakiin, ciidanka cidda dhabar-jebinta ku tilmaamtay, hawshaa iyada ahi waxay ku soo bixi doontaa war saxaafadeedkayga. Markaa marka xaqiiqada la taabto, ciddaasaa yeelanaysa oo noqonaysa cidda dhabar-jebisay Somaliland ee qaranimadeeda wax-yeeshay.

 

Su'aal: Ma madaxweynahaad ula jeedaa markaa?

 

Jawaab: ciddii ay doontaba ha noqoto ayaan ku idhi.

 

Su'aal: markii uu Madaxweynuhu war-saxaafadeedkiisa soo saaray, waxa uu ku sheegay in aad isgaadhsiinta ka goosatay, isla-markaana amarkaa dib-u-gurashadana aad samaysay, oo khalad lagu sheegay aad bixisay, saw sidaa maaha?

 

Jawaab: Xaalada meeshaa ka abuurantay oo dhawr marxaladood ahayd, ayaa keliftay in xeel-dagaal awgeed laga digo-rogto, taana, waxa ii banaynaya habka ciidanka, anigoo goobtii jooga inaan ka aag-bedelan karo markay xaaladu sidaa isu sawirto.

 

Su'aal: Wasiirada kale miyay go'aankaa kula qaateen mise keliga ayuun baa gaadhay?

 

Jawaab: Wasiirada waan u sheegay, waanan u soo bandhigay badankoodana waanu isla qaadanay inaanu aag-bedelasho samaynayo.

 

Su'aal: Ujeeddada markii hore aad meesha u gasheen maxay ahayd?

 

Jawaab: Ujeedada aanu meesha u galay waxay ahayd waajibaad kooban oo ciidanku fulinayay, tiina wuu fuliyay waanu ku guulaystay. Markaa, waajibaadkaa kooban ayuun bay ku ekayd ee may ahayn in xuduuda la tago iyo in la dago waxyaabahaasi kumay jirin meesha. Xuduudda tegideeda iyo sugitaankeedu waa istiraatijiyad ka gaara, isagayna (Madaxweynaha) ag taalaa, fulinteeduna waxay u baahan tahay qorshe sal-balaadhan oo u baahan in laga baaraan-dego istiraatijiyada lagu tegayo ee lagu difaacayo, oo aan ahayn in la geeyo ciidanka meel1000km taakulayntiisa looga diro ama laga diyaar-gareeyo. iyadoo ciidanka ka soo horjeedaa ay 32KM u jiraan taakulayntooda oo nusa-saac ay ku iman karayso.

 

Su'aal: Isgaadhsiinta aagaasi ama gobolkaasi ma dhinaca Boosaaso ayay raacsan tahay mise Somaliland ayay raacsan tahay?

 

Jawaab: Isgaadhsiinta aagaasi ama Ceerigaabo laga bilaabo iyo barigeeda, waa isgaadhsiin ku xidhan Boosaaso.

 

Su'aal: Dadka deegaanku sidee ayay idiinla dhaqmeen, intii aad meesha joogteen?

 

Jawaab: Intii hore waxa ka muuqanaysay soo dhawayn. Laakiin, markii arrintu dhacday xataa kuwii aanu lacagta siinaynay ee Tuutaha (Dirayska ciidanka) gashanaa ayaa ka soo jeestay xagii cadowga. Dabadeedna, waxaanu u aragnay inaanu goob cadow oo khatar ku ah ciidanka ku dhex-jirno.

 

Su'aal: Waxa la sheegayaa, in Wasiirada laftooda khilaaf badani dhexdooda ka jiray, isu keenidooduna wakhti idinku qaadatay bal nooga waran arrintaa iyada?

 

Jawaab: Meeshu, horta xaalad dagaal bay ahayd, shaki fara badanina waa jiray. Markaanu Wasiiradii isu soo ururinay waxaanu tagnay halkii xarunta ciidamadu ay joogeen, shaki ibadan baa jiray. Hase yeeshee, markii aan u soo bandhigay ee aan shiriyay, inta badan go'aankaa in aag-bedelasho la sameeyo waan isla wada qaadanay Wasiiadda.

 

Su'aal: Warku wuxu nagu soo gadhay in ciidanka meesha aad gaysay iyadoo saad la'aani idin haysay, isgaadhsiin xumo idin haysay, duwo xumo idin haysoo aydaan dawo hayn, oo xataa askarigii dhaawaca ahaa uu dhiig-bax u dhintay markii dambe. Ma jiraan arrimahaasi?

 

Jawaab: Taakulaynta iyo hawlahaas waxaan filayaa ciddii u xil-saarnayd baa lagula xisaabtamayaa. Balse, waa wax jira, inay jirtay dhibaatadaasi, iyadana waxaan ku soo bandhigayaa warsaxaafadeed iyadoo faahfaahsan.

 

Su'aal: Haddaad sidaa u ogayd maxaad marka horeba u gelinaysay ciidanka?

 

Jawaab: Arrintani, arrin kooban bay ahayd, balantu waxay ahayd inay is-daba socdaan, tiina markaa may dhicin.

 

Su'aal: Hadda waxaad adigu isu qabtaa sow maaha nin ciidan badbaadiyay oo qarankii badbaadiyay, oo dadkii badbaadiyay?

 

Jawaab: Haa. Kaasaan isu qabaa.

 

Su'aal: Madaxweyne Rayaale maxaad u aragtaa markaa?

 

Jawaab: Wallaahay dee, Madaxweynaha waxa weeyaan, waxaan u arkayay isagoon iga helin asbaabtii, muddo 24 saacadood gudahooda anigoo hawshii ku jira inu go'aan deg dega gaadhay. Go'ankaa uu gaadhayna waxaan u arkayay mid lagu deg degay.

 

Su'aal: Laakiin, Markii hore aad halkan ka tegaysay lafteeda, waxa la sheegay inaad Madaxweynaha laftiisa isa sii khilaafteen. Taasi miyaanay jirin?

 

Jawaab: Wallaahay, wax khilaaf ah oo naga dhexeeyay ma jirin. Laakiin, dee ra'yi waan isku qabanaynay. Waxna waan isku raacaynay waxna waan isku diidaynay.

 

Su'aal: Taliyaha guud ee ciidanka laftiisa iskuma fiicnidin ayaa la leeyahay oo waad isku khilaafteen. Waxaana jira sida la sheegay dad badan oo lacag la iskaga qaato, oo aad adiguna soo tira koobtay islamarkaana wax ka qabashadoodii aad isku khilaafteen arrintaa ka waran?

 

Jawaab: Wallaahay taasi waxay ahayd wax Internally (wax gudaha ah). Way socotay iyadoo aan soo af-jarmina ayaan hawshan galay.

 

Su'aal: Wasiir duruufaha aad kaga soo saartay ciidanka Dhahar ee meesha yaalay, haddaad noo qodobayso oo aad mid-mid u kala qaado maxay yihiin?

 

Jawaab: Meeshu waxay ahayd meel aad u fog, waxa ka d'ayay meel walba roob. Isla markaana waa dhul godana oo gawaadhidu hadday gasho aanay ka bixi karayn. Waxa kaloo jirtay mandaqada aanu joognay in aanu dadku ahayn dad la saaxiiba ama taageeraya ciidamadeena halkaa jooga. dhawaanshaha dhinaca kale taakulayntiisa iyo cadowga oo u arkayay in Wasiiradaa iyo ciidaankaa meesha la keenay inay waxyeelaan ayaa iyana meesha ku jirtay.

 

Su'aal: Waxa la sheegayaa in tiro yar oo maleeshiyaad ahi ay idinla dagaalameen. Isla-markaana uu shaki meesha idinka soo saaray maxaad taa ka leedahay?

 

Jawaab: Waxba kama jiraan taa . Wixii nala dagaalamay goobta ayaa lagu ogaa. Waxa lagu garan karaa baxaada dadkaasi leeyihiin, boqol way ku dhadhawaayeen inta ka dhimatay meesha.

 

Su'aal: Hadda ciidankan aad mushaharka siin jirteen ee degaankaas ka soo jeeda, ee markii dambe xagaa ka soo jeestay, maxaa laga yeelayaa?

 

Jawaab: Weli waa talo u taala madaxda qaranka iyo ciidanka qaranka oo aanu u gudbin doono haddii Alle yidhaahdo.

 

Su'aal: Haddii Madaxweyne Rayaale meel kale kuu magacaabo oo aan halkan ahayn ma filaysaa inaad qabanayso?

 

Jawaab: Maya, haba ka yaabin. Waayo, karaamo iyo sharaf ii dhimani ma jirto, annagoo waliba naloo tirinayay raggii isugu dhaw dhawaa inaanu ahayn, haddana maanta isagoo aan sugin wixii aan soo qabtay iyo warbixinteedii, ayuu idaacada ka sii daayay waan eryay.

 

Su'aal: hada, Siduu ciidankii aad ka timi u arkaayay?

 

Jawaab: Wallaahi ciidankii aan ka imi, waa ciidan aan aad iyo aad ugu hambalyaynayo shaqaday qabteen, balse madaxdiisii iyo taakulayntuu u baahnaa aan helin.

 

Su'aal: Maxaad hadda, u jeedinaysaa guud ahaan ciidanka reer Somaliland ee aad markii hore Wasiirka u ahayd?

 

Jawaab: Waxaan leeyahay ha la adkaysto, xoojiyana midnimada, qaranimada iyo nabadgelyada. Waxaanan idiin rajaynayaa inaad noqotaan ciidan sii dhisma oo difaaca jiritaanka Somaliland.

 

C/weli Xasan Gooni

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Su'aal:
Dadka deegaanku sidee ayay idiinla dhaqmeen, intii aad meesha joogteen?

 

Jawaab:
Intii hore waxa ka muuqanaysay soo dhawayn. Laakiin, markii arrintu dhacday xataa kuwii aanu lacagta siinaynay ee Tuutaha (Dirayska ciidanka) gashanaa ayaa ka soo jeestay xagii cadowga. Dabadeedna, waxaanu u aragnay inaanu goob cadow oo khatar ku ah ciidanka ku dhex-jirno.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this