XOG-ogaal Posted April 19, 2007 Why wouldn't they talk about what is happening in xamar and only care about their people ? Qaar kamid ah culimaa’udiinka ugu caansan deegaannada Puntland ayaa maanta baaq ka soo saaray xiisadda isa soo taraysa ee ka dhex taagan maamullada Puntland iyo Somaliland. Culimaa’udiinkan ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin saansaanta colaadeed ee ka muuqata gobolka Sanaag, taas oo u dhexaysa Puntland iyo Somaliland. “annaga oo ah culimaa’udiinka Puntland, waxana ugu baaqeynaa shacabka Puntland iyo shacabka Somaliland iyo xukuumadaha labada dhinac in laga wada shaqeeyo nabadda, taas oo ay ina farayso diinta Islaamka ee muqadaska ah, rasuulkeennii suubbanaa NNKH, wuxuu ku yiri xaddiis: Muslim waxaa ah qofkii ay ka nabad galaan Muslimiinta af iyo addinba” ayey culimaa’udiinku ku sheegeen baaqoodan. Shiikh Axmed Daahir oo kamid ahaa culmaa’udiinka soo saartay baaqan ayaa sheegay in dadweynaha, isimada, ganacsatada, wax garadka iyo dhammaan dhinacyadaas ay kala hadli doonaan arrimaha nabadda. Baaqan oo ay culimadu maanta ka soo saaray kulan ay ku yeesheen magaaladan Boosaaso ayaa waxaa ku saxiixnaa: Xaaji Daad Axmed Shiikh Axmed Daahir Xasan Sheekh Yuusuf Heeryo Sheekh Cabdixayi Shiikh Muuse Shiikh Cabdirisaaq Xuseen Ciise Shiikh Maxamuud Huruuse Shiikh Axmed Shiikh Yuusuf Shiikh Cabdullaahi Sheekh Axmed Yuusuf Shiikh Maxamed Ismaaciil Axmed Shiikh Axmed Colow Shiikh Maxamed Maxamuud Xirsi Shiikh Maxamuud Aadan Cabdalle Shiikh Salaad Maxamuud Samatar Shiikh Maxamed Cabdullaahi Nuur Shiikh Axmed Jaamac Shiikh Cadixaafid Cali Yuusuf Shiikh Maxamed Ismaacil Cabdi Shiikh Cabdiraxmaan Aadan Cali Yare Shiikh Cali Faarax Xasan. http://www.allsbc.com/view.php?articleid=1137 Quote Share this post Link to post Share on other sites