Sign in to follow this  
ANWAR

Madaxweyne Yuusuf oo dhambaal hambalyo ah ka helay madaxda dalalka Yeman iyo Pakistan

Recommended Posts

ANWAR   

Muqdisho(AllPuntland)- Madaxweynaha dalka Yaman Cali Cabdalla Saalax ayaa maanta dhambaal tahniyad ah u diray dhigiisa Soomaaliya Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed isagoo ugu hambalyeeyay munaasabada xuska sanad guuradii 47-aad ee ka soo wareegatay xiligii xornimada ay ka heshay umadda Soomaaliyeed gumeystihii Talyaaniga, wuxuuna Cali Cabdalla Saalax uu Madaxweyne Yuusuf ku yiri dhamaan shacabka iyo dowladda Yaman waxay hambalyo u direysaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda oo u dabaal degaya 1-da Luulyo.

 

Sidoo kale Madaxweynaha dalka Pakistaan Perves Musharaf ayaa dhambaal hambalyo ah u jeediyay Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed isagoo sheegay in shacabka iyo dowladda Pakistan ay shacabka Soomaaliyeed la qeybsaneyso farxada iyo u dabaal dega munaasabada 47-aad ee 1-da Luulyo.

 

“Md. Madaxweyne waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay inaan dhambaal tahniyad ah kuu soo diro anigoo ku hadlaya magaca dowladda Pakistaan iyo shacabkeeda” ayuu yiri Madaxweynaha dowladda Pakistaan oo intaa raaciyay in xiriirka labada dal ka dhaxeeyo uu yahay mid wanaagsan haadana uu ka codsaday Madaxweynaha Soomaaliya in uu sii xoojiyo.

 

Waa markii ugu horeysay ee munaasabad qaali ah oo noocaan oo kale oo Madaxda dalalka saaxiibada ay hambalyo u diraan Madaxweynaha Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed inta la og yahay, iyadoo caawa magaalada Muqdisho looga dabaal degayo xuska 1-da Luulyo.

 

:D:D:D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

loool....Dhambaal hambalyo? for what? working for Meles and keeping his country under occupation? Odaygaan tabcaankaa oo xukun jacaylka iyo qabyaaladdu madaxa ka dardartay tolow goormaa laga hari doonaa? Mise in booskiisa oo kale la wada gaaro ayaaba la tiigsanayaa?

Share this post


Link to post
Share on other sites

someone told me that someone else told him that he heard from someone that someone was saying that Musharaf, Maliki, Hamid Karazai, A/Y ,, are the same group ,,, ha la yaabina tahniyadaha ay isu dirayaan :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this