Sign in to follow this  
General Duke

Hizbul Islam Xaad is using clan and ignoring foreign troops

Recommended Posts

Muqdisho: " Xaad ma arko miyaa dhibka ay Shacabka Muqdisho ku hayaan ciidamada Shisheeye" Afhayeenka Xisbul Islaam.

13. april 2009

 

Muqdisho(AllPuntland )- Maxamed Xasan Xaad oo sheegtay in uu hogaamiye uyahay Odayaal la baxay odayaasha dhaqanka ee Beesha ******, balse ay qaar ka mid ah Odayaasha Beelahaasi ku sheegeen mid aysan waxba ka jirin ayaa jawaab kulul kala kulmay garabyada hubeysan ee ka dagaalamaya magaalada Muqdisho.

 

Maxamed Xasan Xaad ayaa sheegay shalay in aysan Beesha dagta Muqdisho udulqaadan doonin dagaalo mar dambe ka dhaca gudaha magaaladaasi, waa sida uu hadalka udhigaye, waxaana hadalkaasi dhinacyada qaar kamid ah ay ku sheegeen mid ka soo horjeeda Diinta Islaamka.

 

Muuse Cabdi Caraale oo ah afhayeenka kooxda Xisbul Islaam garabka Dr. Cumar Iimaan ayaa ku sheegay hadalkaasi mid la doonayo in shacabka Soomaaliyeed qabyaalad lugu abuuro, isagoo sheegay in ay dhinacyada Soomaaliyeed ee la dagaalamaya ciidamada Shisheeya aysan ku soo wada socon qaba'iil ee ay udagaalamayaan dalka Soomaaliya oo ay nabad ka dhacdo.

 

Caraale ayaa ku sheegay warkaasi mid aysan haba yaraatee waxba ka jirin, wuxuuna balan ku qaaday in ay la dagaalamayaan ciidamada Shisheeye tan iyo inta ay boorsooyinkooda ka qaadanayaan magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya, isagoo ugu baaqay dadka Muqdisha-na in aysan qaadan hadalada noocaas ah ee ladoonayo in dib loogu soo celiyo dagaaladii qabaa'ilka ahaa.

 

" Xaad uma muuqata dilka iyo gumaadka maalin walba lugu hayo Shacabka Soomaaliyeed, wuxuu kaliya doonayaa in dib dagaaladii Sokeeye ay dalka ugu soo laabtaan, Mujaahidiinteena kama shaqeyno amaan la'aan waxaan ka shaqeynaa diinta Alle oo kor ahaata iyo Kooxaha soo duulay oo ka baxa dalkeena Hooyo, intaas weeye waxaan udagaalaynaa qabaa'il duulaan kuma nihin" Ayuu yiri Afhayeenkan Muuse Cabdi Caraale.

 

Jawaabta uu la kulmay Maxamed Xasan Xaad waxa ay noqotay mid uusan horay ufileyn, waxa ayna dad badan oo ku sugan Muqdisho ay sheegeen in ay maalmihii ugu dambeeyey Xaad iyo raga ay saaxiibada yihiin ay wadeen ole-ole ka dhanka ah dhinacyada ka dagaalamaya magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya, waxaana odayaashan la xasuustaa in ay dagaal adag oo afka ah ay la galeen dawladdii ay hogaaminayeen Md. C/laahi Yuusuf Axmed & Md. Cali Maxamed Geedi.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this