Sign in to follow this  
MoonLight1

Gudoomiyihii X/jajab oo ay Alshabab qaarjisay.

Recommended Posts

Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka ka socda xaafada Afisiyooni ee degmada Waaberi iyo Xarakada Al-shabaab oo sheegatay qaraxii lagu dilay gudoomiyihii X/jajab

 

Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab saraakiil ka tirsan oo la soo xiriiray bogga Dayniile xafiiska Muqdisho ayaa sheegay iney iyagu ka dambeeyeen qarax miino oo saaka ka dhacay agagaarka Xerada Afisiyooni oo ku taala degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho kaasoo lagu dilay gudoomiyihii degmada X/jajab Axmed Shiikh Maxuud Qoorleex iyo labo ka mid ah ilaaladiisa halka uu ku dhaawacmay masuul ka tirsan maamulka gobolka Banaadir oo la yiraahdo Warsame Joodax.

 

Dhinaca kale xaalada xaafada Afsiyooni ee degmada Waaberi ayaa waxoogaa degan ka dib dagaal culus oo saaka halkaasi ku dhexmaray ciidamo ka tirsan Booliska oo halkaasi ka waday howlgalo burburin ah iyo askar ka tirsan ciidankii cirka Soomaalia oo halkaasi ku noolaa kana soo horjeeda burburinta, labada ciidan ayaa isku hor fadhiya halkaas waxaana la maqlayaa rasaas ay isweydaarsanayaan mararka qaarkood oo halkaasi ka dhaceysa.

 

Ciidamada Boliska ayaa ku sugan xaafadaha ka horjeeda xerada Afisiyooni halka xerada gudaheeda ay ku jiraan ciidamadii hore ee milateriga dadkii degenaa halkaas ayaa dhamaantood barakacay, iyadoo uu hakad ku jiro socodkii dadka iyo gaadiidka ee wadada Afisiyooni iyadoo ganacsigii Suuqa Beerta iyo wadada Liberia uu xiran yahay, waxaan la sheegayaa in dagaalkaas uu sababay dhimashada iyo dhaawaca dad badan oo isugu jira rayid iyo dhinacyada dagaalamay kuwaasoo tiradaoda saxa ah aan la ogeyn.

 

Daqiiqado ka hor ayaa waxaa soo gaaray meel ku dhow xaafada Afisiyooni ciidamo uu watay Yuusuf indhacade wasiiru dowlaha difaaca dowlada Somalia kuwaasoo aan la ogeyn ujeedadooda, waxay fooda is dareen ciidamada milateriga ee ku jira xerada Afisiyooni, illaa 3 askari ayaa laga dhaawacay ka dibna wey ka laabteen halkaas sida dadka deegaanku ay sheegeen.

 

Wixii warar ah ee ka soo kordha dagaalkaas iyo xiisadaha ka taagan degmada Waaberi kala soco wararkeena dambe insha alaah

 

dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this