General Duke Posted June 1, 2009 Asmara: " Itoobiya wey-gashay Soomaaliya, waxa ayna hada ka joogtaa meelo badan, sida Baladweyn, G...." War ka soo baxay dowladda Asmara. 1. juni 2009 Asmara(AllPuntland)- Warmurtiyeed ka soo baxay Wasaarada arimaha dibada ee magaalada Asmara ayaa lugu sheegay in ay ciidamada dowladda Itoobiya saacadihii ugu dambeeyey galeen gudaha dalka Soomaaliya, waxaana bayaanka lugu qeexay goobo toos ah oo lasheegay in ay soo galeen ciidamada dowladda Itoobiya. Asmara ayaa sheegtay in ay guutooyin ka socda ciidamada dowladda Itoobiya ay hada gaareen oo maanta la geeyey magaalada Baladweyn duleedkeeda koonfureed, isla markaasna ay la socdeen ciidamo Soomaali ah oo loo tababaray dowladda faderaalka ee Soomaaliya. Xukuumada Asmara ayaa sidoo kale sheegtay in ay ciidamada Itoobiya qorshanayaan in ay galaan gudaha gobalada Bakool iyo Gedo, ayagoo ay waheliyaan ciidamo Soomaali ah oo horay looga qabsaday deegaanadaasi, waxaa ay sheegtay in ay muhiim tahay in ay dadka Soomaaliyeed difaacdaan dhulkooda Soomaaliyeed. Asmara waxa ay sheegtay in duulaan lugu yahay nabadgalyada ka jirta gobalada Jubada Hoose, Jubada Dhexe, Shabeelada Dhexe & Gedo oo ay sheegtay in ay hada ka hana qaadeen dadaalo badan oo nabdeed, ayagoo sidoo kale shaacisay in looga dhaqmo Shareecada Islaamka. Wasaarada arimaha dibada ee Asmara ayaa beenisay in ay todobaadkan saanad ciidan geysay gudaha dalka Soomaaliya, si ay ugu kaalmeyso mucaaradyada hubeysan ee ka soo horjeeda dowladda faderaalka ee Soomaaliya, waxa ayna sheegtay in aysan aqoonsaneyn dawlad kadhalatay dalka Soomaaliya, ayadoo tibaaxday in ay dowladda hada jirtaa tahay mid ay soo abaabushay dowladda Mareykanka oo doonaysa in ay danaheeda ku fushato, waa sida ay hadalka udhigtaye. F. C. Geylan AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted June 1, 2009 Eritrea needs to stop arming Xasan dahir, Sharif Ahmed needs to quit and spare the people the bloodhsed. Its all up in the air nothing has changed since 2006. Quote Share this post Link to post Share on other sites