Sign in to follow this  
General Duke

Maareeye: starts work..

Recommended Posts

Maareeye oo durba dar-dar galiyey barnaamijka dib u heshiinta Qaran

 

Wasiirka Dib u Heshiisiinta, Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye”: “Dib u heshiisiin qaran macnaheedu ma aha in dawlada iyo kooxaha iska soo horjeeda ay isa soo hor fariistaan”.

 

Olol News Desk-February 9, 2007

Wasiirka Dib u Heshiisiinta iyo Jaaliyadaha, Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa maanta Hotel Calaancal ee Baydhabo wuxuu ku qabtay xaflad qado ah oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Dib u Heshiisiinta iyo Jaaliyadaha. Ujeedada xafladan ayaa ahayd in ay is bartaan oo ay kala warqaataan xubnaha Guddiga Dib u Heshiisiinta Qaranka iyo mas’uuliyiinta Wasaaradda Dib u Heshiisiinta iyo Jaaliyadaha.

 

Wasiirka Wasiirka Dib u Heshiisiinta, Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” oo xafladan hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in wasaaradiisu iyo Guddiga Dib u Heshiisiinta Qaraank ay maalinta Axada ee soo socota ay hor gayn donaan Baarlamaanka qorshaha iyo qaabka loo wajahayo dib u heshiisiinta wuxuuna yiri:

“Dib u heshiisiin qaran macnaheedu ma aha in dawlada iyo kooxaha iska soo horjeeda ay isa soo hor fariistaan”.

 

Email Story Printable View

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this