General Duke Posted February 9, 2007 Maareeye oo durba dar-dar galiyey barnaamijka dib u heshiinta Qaran Wasiirka Dib u Heshiisiinta, Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye”: “Dib u heshiisiin qaran macnaheedu ma aha in dawlada iyo kooxaha iska soo horjeeda ay isa soo hor fariistaan”. Olol News Desk-February 9, 2007 Wasiirka Dib u Heshiisiinta iyo Jaaliyadaha, Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa maanta Hotel Calaancal ee Baydhabo wuxuu ku qabtay xaflad qado ah oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Dib u Heshiisiinta iyo Jaaliyadaha. Ujeedada xafladan ayaa ahayd in ay is bartaan oo ay kala warqaataan xubnaha Guddiga Dib u Heshiisiinta Qaranka iyo mas’uuliyiinta Wasaaradda Dib u Heshiisiinta iyo Jaaliyadaha. Wasiirka Wasiirka Dib u Heshiisiinta, Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” oo xafladan hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in wasaaradiisu iyo Guddiga Dib u Heshiisiinta Qaraank ay maalinta Axada ee soo socota ay hor gayn donaan Baarlamaanka qorshaha iyo qaabka loo wajahayo dib u heshiisiinta wuxuuna yiri: “Dib u heshiisiin qaran macnaheedu ma aha in dawlada iyo kooxaha iska soo horjeeda ay isa soo hor fariistaan”. Email Story Printable View Quote Share this post Link to post Share on other sites