Sign in to follow this  
General Duke

Banadir local governmetn taking shape...

Recommended Posts

Maxamed Dheere oo magacabay gudoomiyal degmo

Last Updated::2007-05-06 22:52:51

 

dheere.jpg

 

Muqdisho:-Gudoomiyaha gobolka Banadir isla markana ah duqa degmada Muqdisho ayaa maanta magacaabay 8 gudooomiye degmo oo ka mid ah 16 degmo ee gobolka Banadir

 

Degmooyinka loo magaacay gudoomiyasha ayaa waxa ay yihiin ,degmada Kaaran,degmada Shibis,X/weyne,Shangaani,Huriwaa ,Yaaqshid ,C/casiis,iyo Boondheeri.

Gudoomiyasha la magacaabay ayaa waxa ay magacyadoodu yihiin sidan.

 

Max'ed Isloow Cumar duqa degmada Shangaanni

 

Sahra Maxamed Cayte, duqa degmada Kaaraan

 

Abuukar Xuseen Bandhaas guddoomiyaha degmada Shibis

 

Cabdikariin Maxamuud Xasan duqa degmada Boondheere

 

Cabdilaahi Ibraahim Sahal guddoomiyaha degmada Xamar Weyne

Cabdilaahi Shiiqoo Cali duqa degmada Huriwaa

Maxamed Max'ed Isloow Cumar duqa degmada Shangaanni

 

Xaaji Cali Fiidoow, duqa degmada Yaaqshiid

Maxamed Xuseen Cariif, duqa degmada Cabdulcasiis .

 

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxamed Dheere oo mar kale billaabay saakay inuu magacaabo Guddoomiyeyaasha iyo ku xigeennada Degmooyinka G/Banaadir

 

MAY 7 . 2007 Radiofreesomalia.com

 

Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka baanadir ayaa bilaabay inuu maanta magacaabo mar kale guddoomiyeyaasha degmooyinkii haray ee Gobolka Banaadir, isagoo socod ku marayay deegaannada uu u magacaabayo xilalka Guddomiyenimo iyo ki xugee nnadooda.

 

Degmada Xamar Jajab ayuu Maxamed Dheere ku soo maray socod isagoo halkaas u magcaabay Guddoomiye, ku xigeen iyo weliba 5-xubnood oo kale oo ka shaqeynaysa howlaha Degmooyinkaas. wuxuuna Guddoomiye ugu magacaabay degmada Xamar Jajab Axmed Sheekh (Axmed Qoor-leex) oo isagu horayba u ahaa Guddoomiyaha Degmada, waxaana sidoo kale uu ku xigeen ugu magcaabay: Cismaan Yuusuf Cabdi.

 

Sidoo kale Maxamed Dheere ayaa socodkiisa ku maray Degmooyinka Waaberi, Hodan, H/wadaag iyo degmooyin kale oo Gobolka Banaadir ka tirsan, waxaana degmo walba marka uu gaaro uu u magacaabayaa xilal kala duwan.

 

Degmo walba ayaa waxaa lagu wadaa inuu u magacaabo Guddoomiye, ku xigeen iyo 5-xubnood oo kale oo howlaha degmadaas kala wada, waxaana uu ku sheegay inay yihiin maamulladaan kuwo samir-siin ah, balse ay shacabka Degmo walba soo dooranayaan ruuxii ay ku kalsoon yihiin.

 

Khudbooyin kala duwan oo uu ka jeediyay Degmooyinka uu illaa iyo hadda maray ayaa wuxuu ku sheegay in laga doonayo maamulka cusub ee loo magacaabay deegaannadaas inay howlahooda si wanaagsan u gutaan ayna dhici doonin in ruuxii howshiisa gudan waaya lagu cafiyo arrintaas.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this