General Duke Posted May 6, 2007 Maxamed Dheere oo magacabay gudoomiyal degmo Last Updated::2007-05-06 22:52:51 Muqdisho:-Gudoomiyaha gobolka Banadir isla markana ah duqa degmada Muqdisho ayaa maanta magacaabay 8 gudooomiye degmo oo ka mid ah 16 degmo ee gobolka Banadir Degmooyinka loo magaacay gudoomiyasha ayaa waxa ay yihiin ,degmada Kaaran,degmada Shibis,X/weyne,Shangaani,Huriwaa ,Yaaqshid ,C/casiis,iyo Boondheeri. Gudoomiyasha la magacaabay ayaa waxa ay magacyadoodu yihiin sidan. Max'ed Isloow Cumar duqa degmada Shangaanni Sahra Maxamed Cayte, duqa degmada Kaaraan Abuukar Xuseen Bandhaas guddoomiyaha degmada Shibis Cabdikariin Maxamuud Xasan duqa degmada Boondheere Cabdilaahi Ibraahim Sahal guddoomiyaha degmada Xamar Weyne Cabdilaahi Shiiqoo Cali duqa degmada Huriwaa Maxamed Max'ed Isloow Cumar duqa degmada Shangaanni Xaaji Cali Fiidoow, duqa degmada Yaaqshiid Maxamed Xuseen Cariif, duqa degmada Cabdulcasiis . HorseedNet.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted May 7, 2007 Maxamed Dheere oo mar kale billaabay saakay inuu magacaabo Guddoomiyeyaasha iyo ku xigeennada Degmooyinka G/Banaadir MAY 7 . 2007 Radiofreesomalia.com Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka baanadir ayaa bilaabay inuu maanta magacaabo mar kale guddoomiyeyaasha degmooyinkii haray ee Gobolka Banaadir, isagoo socod ku marayay deegaannada uu u magacaabayo xilalka Guddomiyenimo iyo ki xugee nnadooda. Degmada Xamar Jajab ayuu Maxamed Dheere ku soo maray socod isagoo halkaas u magcaabay Guddoomiye, ku xigeen iyo weliba 5-xubnood oo kale oo ka shaqeynaysa howlaha Degmooyinkaas. wuxuuna Guddoomiye ugu magacaabay degmada Xamar Jajab Axmed Sheekh (Axmed Qoor-leex) oo isagu horayba u ahaa Guddoomiyaha Degmada, waxaana sidoo kale uu ku xigeen ugu magcaabay: Cismaan Yuusuf Cabdi. Sidoo kale Maxamed Dheere ayaa socodkiisa ku maray Degmooyinka Waaberi, Hodan, H/wadaag iyo degmooyin kale oo Gobolka Banaadir ka tirsan, waxaana degmo walba marka uu gaaro uu u magacaabayaa xilal kala duwan. Degmo walba ayaa waxaa lagu wadaa inuu u magacaabo Guddoomiye, ku xigeen iyo 5-xubnood oo kale oo howlaha degmadaas kala wada, waxaana uu ku sheegay inay yihiin maamulladaan kuwo samir-siin ah, balse ay shacabka Degmo walba soo dooranayaan ruuxii ay ku kalsoon yihiin. Khudbooyin kala duwan oo uu ka jeediyay Degmooyinka uu illaa iyo hadda maray ayaa wuxuu ku sheegay in laga doonayo maamulka cusub ee loo magacaabay deegaannadaas inay howlahooda si wanaagsan u gutaan ayna dhici doonin in ruuxii howshiisa gudan waaya lagu cafiyo arrintaas. Quote Share this post Link to post Share on other sites