Sign in to follow this  
MoonLight1

MASS Brainwash process begins in BAIDOA.

Recommended Posts

Baydhabo oo xalay sida Caalamka shaashadaha waa weyn looga daawado Ciyaaraha lagu daawaday Filimaan Jihaad ah

 

Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ayaa bilaabay howlo baraarujin iyo qal qaalin ay dadka ku dhaqan Bay iyo Bakool ugu soo jeedinayaan inay ku soo biiraan safka jihaadka, kadib markii xalay oo idil Magaalada bartamaheed la dhigay shaashahado waa weyn oo loogu soo bandhigay muuqaalo ka turjumayay Jihaadka.

 

Wilaayada Xarakada Alshabaab ayaa shacabka ku dhaqan Magaalada Baydhabo u soo bandhigay Filimo Jihaad ah oo isugu jiray kuwa laga duubay Dagaaladii Muqdisho iyo kuwa ka socda Afganistaan iyo Ciraaq, si dadka ugu soo jeediyaan inay dagaalka ka qeyb qaataan.

 

Dadka ku dhaqanka Magaalada Baydhabo ayaa siyaabo kala duwan uga hadlayay arrintan ku saabsan baaqyada loogu jeedinayo inay dagaalka ka qeyb qaataan, xilli ay soo baxayeen dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo abaabulo ka socda Gobolka Bakool, kaasoo ay wadaan Maamuladii laga eryay.

 

Madax ka tirsan maamulka magaalada Baydhaba ayaa waxay dadka mararka qaarkood u jeedinayeen khudbado ay kaga hadlayaan jihaadka iyo faa'iidooyinkiisa, iyagoo ku boorrinayay dhallinyarada ragga ah inay ka qaybgalaan dagaallo looga hortagayo maamulladii hore ee gobolladaas oo dadka ugu baaqayay inay dagaal galaan.

 

Tallaabada Bandhigga filimaantan ayaa noqonaya markii ugu horreysay oo laga dhigo Baydhabo, iyadoo horay loogu daawaday kuwan iyo kuwo kale Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose, waxayna qeyb ka tahay falal ururka Alshabaab uu dadka uga raadinayo taageero in laga siiyo.

 

Waxay sheegeen Mas'uuliyiintii khudbadda jeedisay inay ku celcelinayaan inay tahay waajib saaran qof walba oo Gobolkaas ku nool inuu difaaco amaanka iyo maamulka Islaamiga ah ee gobolladaas ka taliya, waxaana dadka degan goboladaasi soo food saartay xaaladii ugu adkeyd, bacdamaa ay jiraan abaaro iyo dhibaatooyin dhinaca waxsoosaarka ah.

 

Dadka qaar ayaa arrintan soo xusuusinaya sida caalamka ama magaalooyinka waa weyn shaashadaha waa weyn looga daawado ciyaaraha, taasoo dadweyne fara badan ay isugu soo baxaan, iyadoona Baydhabana ay sidaas si la mid ah bedelkeed looga

 

Jowhar.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this