Sign in to follow this  
General Duke

Galkacyu: Dr Ali Abdullahi's courage will pay dividends, Mudug Health service

Recommended Posts

Karsten-Diethelm-Wasiirka-Caafimaadka-Dr

War Deg Deg ah:Wasiirka Caafimaadka Puntland oo Maamul Caafimaad Mudug umagacaabay.

20. maj 2010

 

Gaalkacyo:(Allpuntland)-Wasiirka Caafimaadka Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed Dr,Cali Cabdullaahi Warsame oo mudo todobaad kabadan kusugan magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa goordhaweyd ku dhawaaqay maamul hoosyimaada Wasaarada Caafimaad oo uu u sameeyey Caafimaadka gobolka Mudug.

 

Dr,Cali Cabdullahi Warsame oo imika kulan kula jira Aqoonyahanada & Qeybaha kala duwan ee Bulshada gaalkacyo ayaa sheegey in Wasaaradu ay Saraakiishan Caafimaad magacawday iyada oo eegaysa Xaalada caafimaad ee gobolka mudug oo uu sheegey in ay aad u liidato,wuxuuna Wasiirku sheegey in gudigan ay yihiin kuwo Kumeel gaar ah shaqaynayana Mudo 6-bilood ah.

 

Hadaba Saraakiishan Caafimaad ee uu Wasiirku magacaabay waxay kala yihiin sidan:-

 

1-Cabdinaasir Sheekh Ibraahim Iskudawaha Wasaarada Caafimaadka ee gobolka Mudug.

 

2-Kuxigeenka Iskudahawa Wasaarada Caafimaadka ee gobolka Mudug Axmed Faarax Maxamuud.

 

3-Agaasimaha guud ee Isbitaalka gobolka Mudug Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac.

 

4-Madaxa qeybta hooyada & dhalaanka Maryan Xuseen Cali.

 

5-Xog uruuriyaha guud ee Caafimaadka gobolka Mudug Cabdi Maxamuud Shire.

 

6-Xisaabiyaha Wasaarada Caafimaadka u qaabilsan gobolka Mudug Cabdinuur Maxamed Xasan.

 

7-madaxa fayadhowrka Axmed Cabdixakiim Axmed.

 

Wasiirka ayaa imika ku guda jira shir uu la leeyahay qeybaha kala duwan ee Bulshada gaalkacyo,wuxuuna imika Wasiirku goordhow ku dhawaaqayaa Gudiga ugu sareeya ee Isbitaalka gobolka Mudug lagala tashado kana tala bixiya xaalada Isbitaalka Gaalkacyo.

 

Goordhow lasoco Magacaabisa qeybaha kaladuwan ee Bulshada oo uu Wasiirku imika ku gudajira Allpuntland ayaana idiin soo gudbinaysa.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gaalkacyo: Tafaasiilaad ku saabsan shir maanta dhexmaray Wasaaradda Caafimaadka Puntland iyo Dadweynaha magaalada Gaalkacyo...WARBIXIN DHEER..

 

Gaalkacyo(AllPuntland)- Kulan mudo la agaasimay ayaa maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug, kaas oo uu casumaadiisa la lahaa Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Puntland Dr, Cali C/laahi Warsame oo maalmihii ugu dambeeyey booqanayay gobalka Mudug.

 

Kulanka oo ay soo xaadireen Odayaasha dhaqan, Masuuliyiinta dawladda heer gobal iyo degmo, Culumada diinta iyo Aqoonyahanada gobalka ayaa si dheer looga hadlay howlaha caafimaadka gobalka Mudug iyo sida loogu baahan yahay in wax laga qabto howlaha taagan.

 

Wasaaradda Caafimaadka ayaa bilowgii shirkan soo bandhigtay waxqabadkeedii iyo waxyaabaha looga baahan yahay in ay dadweynuhu qabtaan, gaar ahaana waxaa lasoo bandhigay labadii bilood ee lasoo dhaafay, waxyaabihii uqabsoomay Wasaaradda Caafimaadka.

 

Wasiirka Caafimaadka ayaa sheegay in ay wax badan ka qabteen caafimaadka Puntland, wuxuuna tilmaamay in ay Gaalkacyo yimaadeen oo ay la kulmeen xaalado xun oo ay horayba ugu maleynayeen Cusbitaalka Gaalkacyo.

 

Muuqaalo muujinaya xaaladaha Cusbitaalka oo ay ka muuqdaan xaalado laga xumaado ayaa lugu soo bandhigay madasha shirka, waxaana aad looga dooday meesha uu gaaray xaalada Cusbitaalka Gaalkacyo iyo cida ay utaalo wax ka qabashadiisu.

 

Wasaaradda ayaa soo bandhigtay Sawiradaas oo muujinayay xaqiiqada jirta, waxaana dadka madasha joogay oo dhan ay garowsadeen xaaladaha muuqda oo dhan, maadaama ay horay u ogaayeen xaalada uu ku sugan yahay Isbitaalka guud ee gobalka Mudug, oo mar looga imaan jiray dalalka jaarka la ah Soomaaliya, balse hada gabay in wax lugu aamino.

 

Ganacsatada, Isimada, Culumada Diinta iyo Aqoonyahanada oo fadhiyey gogosha ayaa mahad uceliyey Wasiirka Caafimaadka dadaalkiisa ku wajahan howlaha Cusbitaalka, waxa ayna balan qaadeen in ay dhaqaale kasta uhuriyaan sidii Caruurtooda ay ugu diyaarin lahaayeen adeegyo caafimaad oo wanaagsan iyo meeshii lugu daweyn lahaa.

 

Dr, Cali C/laahi ayaa ku dhawaaqay magacyada shaqsiyaadka loo magacaabayo gudoonka Caafimaadka gobalka, Isbitaalka Gaalkacyo & gudiga Board-ka oo ay maanta ka soo dhex muuqdaan xubno sacab kala kulmay dadweynihii ka soo qeybgalay madasha oo ay ku jireen dad badan oo wax badan ka qaban xaaladaha Gaalkacyo.

 

Gudiga Board-ka oo horay loogu yaqaanay in ay noqdaan kuwa maamula howlaha caafimaadka ee gobalka, markaasna amar siin jiray Iskuduwaha Wasaaradda ayaa hada la joojiyey taas, markii la ogaaday in gudiyadii hore ee qaabkaas ku shaqeeyey ay fashil ku dhamaadeen, waxaana hada laga dhigay in gudiga uu ka sareeyo oo uu go'aanka leeyahay Isku duwaha Wasaaradda Caafimaadka ee gobalka.

 

Gudiga oo xulidooda lugu bixiyey waqti dheeri ah, ayaa lugu soo daray dad badan oo wax ka yaqaana Gaalkacyo iyo xaaladaha ay mar kasta la kulanto, waxaana loo magacaabay sidan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gudiga oo xulidooda lugu bixiyey waqti dheeri ah, ayaa lugu soo daray dad badan oo wax ka yaqaana Gaalkacyo iyo xaaladaha ay mar kasta la kulanto, waxaana loo magacaabay sidan.

 

1- Axmed Cali Salaad----Gudoomiyaha gobalka Mudug

2- C/rixmaan Max'uud Xaaji--- Duqa magaalada Gaalkacyo

3- Cumar Cabdille (Cumar Dheerre)--- Gudoomiyaha ganacsatada gobalka Mudug ahna Maamulaha Shirkada Isgaarsiinta Telcom Gaalkacyo.

4- Prof, Maxamed Jaamac Salaad --- Xubnaha ugu sareeya gudiga Dhaqaatiirta gobalka Mudug ahna masuul sare oo ka tirsan Jaamacadda PSU.

5- Cabdi Jaamac Ali--- Aqoonyahanada gobalka Mudug

6- Cumar Nuur Galeyr ---- Xubnaha dhaqanka gobalka Mudug

7- Siciido Cumar---- Ururka Haweenka gobalka Mudug

8- Cabdiwali Maxamed Geelle-- Aqoonyahanada gobalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muuqaalkaas oo ay sameeyeen dad aad wax badan uga yaqaana howlaha Dhismayaasha ayaa lugu qeymeeyey lacagta ku baxaysay aduun gaaraya 400,000 oo Dolar, taas oo aysan jirin heysa loona baahan yahay in ay ka soo xarooto Dadka Puntland oo dhan, gar ahaana dadka udhashay gobalka Mudug.

 

Dhamaadkii shirka oo lasoo gaaray ayaa ugu dambeyntii laysku raacay in wax laga qabto Isbitaalka Gaalkacyo, waxqabadkaasna uu noqdo mid wanaagsan oo si cad uga hirgala magaalada Gaalkacyo, oo uusan noqon mid la mid ah kuwii horay loo muujin jiray, waxaana la qabtay gudi loogu magac daray gudiga Aruurinta lacagaha oo kala ah.

 

1- Sheekh C/casiis Sheekh Cali- Culumada Diinta ee gobalka Mudug

2- Cumar Cabdille (Cumar Dheerre)--- Gudoomiyaha ganacsatada gobalka Mudug ahna Maamulaha Shirkada Isgaarsiinta Telcom Gaalkacyo.

3- Suldaan Maxamed Jaamac- Isimada gobalka Mudug

4- Xuseen Jaamac Cismaan- Aqoonyahanada gobalka Mudug

5- Nuur Xirsi Cismaan- Odayaasha dhaqanka ee gobalka Mudug

6- Siciido Bootaan- Haweenka gobalka Mudug

7- Sahro Axmed Shire- Haweenka gobalka Mudug.

Gudiga ayaa howlgali doona dhawaan, waxa ayna bilaabi doonaan aruurinta lacagta laga doonayo, ee wax looga qabanayo dayaca iyo xaaladaha qalafsan ee ka muuqda Cusbitaalka guud ee gobalka Mudug, waxaana lafilayaa in ay dhawaan qabtaan shirar arrimahaas looga hadlayo.

 

Cusbitaalka Gaalkacyo oo dhismihiisa ugu horeeyey la taagay 1935-tii ayaa wixii ka dambeeyey waqtigaas aan helin dayactirkii ubaahnaa, waxaana uu Isbitaalka aad usii xumaaday markii ay shaqsiyaad kala gedisan cayriyeen sida la rumeysan yahay Haya'dii maamulaysay sannadkii 2006-dii, waxaana maanta muuqatay dawooyin iyo qalab loogu deeqay Cusbitaalka oo dawaduna dhacday, qalabkuna meel iska xirxiran yahay, iyadoo ay jirto baahi qalab oo daran.

 

F. C. Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this