Sign in to follow this  
General Duke

Somali President meets world leaders...

Recommended Posts

7215d8c928f87p.jpg2006-07-14T233006Z_01_NOOTR_RTRIDSP_2_OU

_1760474_musa2.jpg

Moussa oo la kulmey M.DF ah

 

30 Jan 30, 2007, 12:21

 

Sida uu xaqiijiyey Cabdikariim Faarax Laqanyo oo ah wakiilka Midowga Afrika ee dalka Soomaaliya isla markaana ah danjiraha Soomaaliya ee dalka Itoobiya wuxuu isla shalay Madaxweyne Yuusuf Addis Ababa kula kulmay Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Amr Moussa, waxayna isla soo qaadeen xiriirka Jaamacadda Carabta iyo Soomaaliya iyo weliba sidii ay dalalka Carbeed kaalin uga qaadan lahaayeen dib u dhiska Somaliya, una taageri lahayeen xukumada Fedaraalka.

 

Amr Moussa ayaa soo dhoweeyay dib u heshiisiinta dowladda Federaalka ay ku baahineyso gudaha dalka Soomaaliya, wuxuuna ku tilmaamay mid qiimo u leh dowladda isagoo ku booriyay in ay horay u sii wada dadaalada nabadeed, wuxuuna taageeray go’aanka Midowga Afrika ee ciidamada loogu soo dirayo dalka Soomaaliya.

 

Md. Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa isaguna ku amaanay ururka Jaamacadda Carabta dadaalka ay ugu jirto dib u heshiinta Qaranka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu mahad celiyay kaalinta ay ka qaadaneyso arimaha Soomaaliya.

 

Cali Muxayadiin Cali,GO

Share this post


Link to post
Share on other sites

Adis Ababa: Madaxwaynaha Soomaaliya iyo kulamadii goos gooska ahaa ee uu la qaatay madaxda beesha caalamka.

 

Talaado, January 30, 2007

 

Adis Ababa(AllPuntland)- Madaxwaynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa maanta kulamo goos goos ah la qaatay madaxda beesha caalamka ka kala timid ee kusugan shirka midowga Afrika uga socda magaaalada Adis Ababa.

 

Madaxwaynaha wuxuu kulan la qaatay raysulwasaaraha dalka Talyaaniga Romano Prodi oo ay isla soo qaadeen xaaladda dalka Soomaaliya iyo sidii dawladda loo taageeri lahaa.

 

Mr: Prodi ayaa mar uu saxaafadda Adis Ababa kula hadlayay sheegay in C/laahi Yuusuf iyo asaga ay uu dhex maray is afgarad kusaabsan qodobbadii ay kawada hadleen oo ay kamid ahaayeen taageerada Soomaaliya iyo in la bilaabo kulamo dib u heshiisiineed.

 

Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa dabacsanaan u muujiyay raysulwasaaraha Talyaaniga oo madax u ah mid kamid ah dalalka horbooda siyaasadda Soomaaliya.

 

C/laahi Yuusuf wuxuu sidoo kale kulan la qaatay sargaalka midawga Yurub u qaabilsan arrimaha horumarinta iyo dhaqaalaha Luwis Micheal.

 

Madaxwayne Yusuf iyo Mudane Micheal ayaa waxa ay ka wada hadleen arrimo kala duwan oo ay ugu muhiimsantahay taageerada dhaqaale ee ay xukuumadda Soomaaliya uga baahan tahay midawga Yurub.

 

Sidoo kale wax yaabihii ay ka wada hadleen ayaa waxaa ka mid ahaa hadal dhowaan ka soo yeeray midawga Yurub oo ku aadanaa in ay xayiraad ku soo rogeen dhaqaalihii ay agu talo galeen dalka Soomaaliya

Xoghayaha guud ee ururka Jaamacada Carabta Caamar Muusa ayaa sidoo kale shalay waxa uu magaalada Adis Ababa kulan kula qaatay Madaxweynaha Somalia C/laahi Yuusuf Axmed.

 

Caamar Muusa ayaa waxa uu si aad ah u soo dhaweeyay dadaalada dib u heshiisiineed ee Qaranka ee dhameystiran ee dowladda Somalia ay ka bilowday gudaha

 

C/laahi Yuusuf wuxuu kaloo kulamo la qaatay haweenayda Maraykanka uqaabilsan arimaha Afrika Jandayi Frazer iyo raysulwasaaraha Itoobiya Meles Zanawi oo dhammaantood arimaha haatan taagan ay kawada xaajoodeen.

 

CCC Farayaamo

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somali president meets UN, EU and Arab league chiefs

 

Somaliweyn Media Center (SMC) Somali's interim president Abdullahi Yusuf Ahmed has had a meeting with senior international organizations chiefs in Addis-Ababa, where he is attending the AU summit.

 

The highest meeting was between the president Yusuf and the United Nations secretary general Ban Ki-Moon as the president seeks UN help for reconciliation of Somalia and restoring peace and order in the war torn Somalia.

 

AU has endorsed to deploy forces in to Somalia and then the operation will take over UN, as the meeting was concentrated the issue, Somali ambassador to AU Abdi Karim Laqanyo told SMC.

 

"Together, we must work to end the violence and scorched-earth policies adopted by various parties, including militias in Somalia," Ban said.

 

Mr. Ban also said he would urge the leaders to bring unity of purpose to other intractable crises "that bleed like open wounds on the face of the conflicts in Somalia.

 

The president also met Arab league secretary General Amir Musa in talks with restoring the relation witch lost in wave of political challenges between Somalia's government and defeated Islamists.

 

The Arab league is widely believed to be major ally for Somali Islamists and funded for their struggle against the government.

 

Musa has pledged to support people of Somalia to solve their problems. This came during his meeting with Yusuf.

 

Laqanyo said the president also met EU humanitarian Aid and development Chief Louis Michel, but details about the meeting is yet to come.

Source: SMC

Share this post


Link to post
Share on other sites

ADDIS ABABA: Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Luis Michael oo kulan ku yeeshay Addis Ababa

 

Posted to the Web Jan 30, 13:56

 

 

Addis Ababa (PP) – Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Madaxa Bani’aadamniada iyo gargaarka Midowga Yurub Luis Michael ayaa kulan ku yeeshay Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

 

 

Kulankaan oo ahaa mid qaaatay waqti dheer oo ay wadahadalladooda socdeen Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf iyo Luis Michael ayaa markii uu dhammaaday kaddib waxaa saxaafadda uga warramay wixii ka soo baxay Luis Michael oo sheegay in Madaxwyne Yuusuf uu ku baaqay in la qabto shir dib u heshiisiin Qaran ah muddo laba toddobaad gudahood ah.

 

 

 

“Waxaan aad ula dhacay go’aanka Madaxweyne Yuusuf ee ku aaddan in shir dib u heshiisiin qaran ah la qabto labada toddobaad ee soo socda dhexdooda” ayuu yiri Michael oo intaas ku daray: “Dhibaato kasta oo ka taagtay gudaha Soomaaliya waxay u muuqataa mid sii lumaysa, mar haddii Madaxweyne Yuusuf uu ku baaqay shir dib u heshiisiin ah”.

 

 

 

Kulankaan ayaa ahaa mid si weyn ay uga soo shaqeysay dowladda Ethiopia, waxaana dhawaan Midowga Yurub ay ku xireen deeq ay siiyaan Dowladda Soomaaliya Shuruudo ay ka mid tahay in Dowladdu ogolaato inay dib u heshiisiin la gasho qaybaha ka soo horjeeda.

 

 

 

Madaxweyne Yuusuf ayaa isagu ka hadlin go’aannadii ka soo baxay shirkaas uu la qaatay Luis Michael, waxaana lagu wadaa in dhawaan uu warbixin ka siiyo saxaafadda kulankaas.

 

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Punlandpost - Mogadishu

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne C/laahi Yuusuf “waxaan ugu baaqayaa dhaman somaalida in shir dib _u heshiisiineed la isugu yimaado gudaha dalka

 

Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Somalia , Cabdullaahi Yuusuf Axmed, ayaa ku baaqay shir dib u heshiisiin qaran oo lagu heshiisiinayo Soomaalida oo ka dhici doono wadanka gudihiisa .

 

Madaxa Horumarinta iyo gar gaarka bani aadannimada Midowga Yurub, Louis Michel oo kullan la yeeshay Madaxweyne Cabdullaahi Yuusf, ayaa sheegay in Madaxweyne Yuusuf oo ku baaqay Shir dib u heshiisiin oo ujeedadiisa ay tahay in lagu soo geba gebeeyo fowda dalka ka socotay iyo dhiigga ku daadanaya muddo 16 sano ah.

 

"Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf waxa uu ku dhowaaqay shir dib u heshiisiina qaran, waana in Soomaalida oo idil ay ka qeyb galaan" ayuu yiri Michel.

 

Michel, ayaa sheegay in shirka lagu qaban doono muddo laba illaa iyo saddex toddobaad ah, sida uu u xaqiijiyay Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf.

 

"aad ayaan ula dhacay go'aankiisa uu ugu baaqay shir dib u heshiisiin qaran" ayuu yiri Michel, kadib kullan laga dhinac furay kullan Madaxeedka Ururka Midowga Afrika uu ku leeyahay Magaalada Addis-Ababa, oo uu la yeeshay Madaxweyne Yuusuf.

 

Midowga Yurub, ayaa horey dhaqaale ay ku bixiyaan Ciidamada Ururkaa Midowga Afrika uu u dirayo Somalia , ku xiray in Dowladda KMG ah ee Somalia ay la hadasho dhammaan qeybaha kala duwan

 

olol news desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne C/laahi Yuusuf Oo Addis-Ababa Kulamo Caalami ah Kula Qaatay Ban Ki-Moon, Caamir Muusa & Luis Michel (Maxay Kawada Hadleen Madaxdaasi?).

Posted to the Web Jan 30, 10:08

 

 

ADDIS-ABABA Madaxweynaha Dowladda KMG ee Soomaaliya, Col. C/laahi Yuusuf Axmed ayaa Magaalada Addis-Ababa ee caasimadda Ethiopia kulamo gaar gaar ah kula qaatay madaxda caalamka ee halkaasi ku sugan.

 

 

Madaxweyne Yuusuf, waxa uu kulankiisii ugu horeeyey la yeeshay Xog-haya guud ee Jamciyadda Qurumaha ka dhaxaysa Ban Ki-Moon, iyagoona isla soo qaaday marxaladaha haatan ka taagan Soomaaliya iyo hawl-galka ciidamada nabad-ilaalinta Africa ee Soomaaliya.

 

 

Ban, waxa uu u sharxay Madaxweyne C/laahi Yuusuf qorshaha ciidamada Qaramada Midoobay ee badalaya xoogaga African-ka 6-bilood ka dib, isagoona ku dheeraaday in UN-ka uu si aad ah u daneynayo sidii xasilooni waarta loogu soo dabaali lahaa dalka Soomaaliya.

 

 

Madaxweynaha Soomaaliya, waxa uu kulan kaa la mid ah la yeeshay Xog-yahaha Guud ee Jaamacada Carabta Caamir Muusa, waxaana ay si weyn iskula gorfeeyeen oo ay meesha ka saareen tuhun ku aadanaa taageero la sheegay in ay Jaamacadda Carabta siin jirtay Maxaakimta Islaamiga, iyagoona kuwada heshiiyey wada-shaqeyn dhexmarta labada dhinac.

 

 

Madaxa horumarinta Midowga reer Yurub Luis Michel, ayaa sidoo kale ay kullan caalami ah wada galeen Madaxweyne Yuusuf, iyagoona isla soo hadal qaaday taageerada kaga aadan Midowga Yurub ciidanada nabad-ilaalinta Africa ee Soomaaliya ka hawlgalaya.

 

 

C/risaaq C/laahi Maxamed

 

 

Puntlandonline.com

 

 

Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this