Saalax Posted August 5, 2010 Hargeysa (HWN) Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ayaa maanta wasiirkii hore ee dib u dejinta Somaliland Maxamed Yuusuf Cismaan. Xaflada ay labada wasiir xilalka kula wareegayeen oo ka dhacday xarunta wasaarada dib u dejinta ayaa waxa ka soo qayb galay xildhibaano iyo marti sharaf kale. Wasiirkii hore ee wasaarada dib u dejinta Somaliland oo halkaas ka hadlay ayaa uga mahadnaqay shaqaalaha wasaaradaas sidii fiicnayd ee ay ula shaqeeyeen intii uu xilka hayay, waxaanu u soo jeediyay in ay ku dedaalaan sidii ay xukuumada cusub iyo wasiirkoodanba ula shaqayn lahaayeen. Waxa kale oo uu wasiirku ka warbixiyay hawlaha dib u dejinta iyo kaalmada dadka barokacayaasha ah. Wasiirka cusub ee wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Mud. Maxamed Cabdi Gaboose oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in uu ku dedaali doono inta karaankiisa ah hawlaha wasaaradaasi ay qaranka u hayso uu halkooda ka sii wadi doono, Waxaanu wasiirkii hore iyo shaqaalihiisaba uga mahadnaqay sidii fiicnayd ee ay hawsha u soo wadeen. Waxa kale oo uu wasiir Gaboose shaqaalaha wasaaradan u soo jeediyay in ay dedaalkooda sii laban laabaan xoogana saaraan sidii ay wasaarada uga kici lahayd halka ay maanta taalo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Land_Soldier Posted August 6, 2010 Sheekadan, maxaa kaga shan iyo toban ah? ma adeerkaaba Wasiirka cusubi? Quote Share this post Link to post Share on other sites