Sign in to follow this  
Gabbal

Opposition to Ethiopia once again reigniting in Gedo region.

Recommended Posts

Gabbal   

Waxgarad iyo aqoonyahanada beesha Sadde oo go'aano ka soo saaray ciidamada Itoobiya ee ku soo xadgudbay gobolka Geddo.

 

July 15, 2006 . Horn Afrik. Mogadishu , Somalia .

 

Odayaal, waxgarad iyo aqoonyahanada beesha ****** ayaa kulan ay maanta isugu yimaadeen waxa ay ka soo saareen go'aano ay uga soo horjeedaan ciidamada Itoobiya ee ku soo xadgudbay gobolka Geddo.

 

Kulankaas ayaa looga hadlay dhibaatooyinka ciidamada Itoobiya ay ka wadaan dalka Soomaliya gaar ahaan gobolka Geddo.

 

Ciidamada Itoobiya ayaa si joogta ah ugu soo xadgudbo gobolada xaduuda la leh dalka Itoobiya sida gobolka Geddo iyadoo saraakiil Itoobiyaan ah ay dhawaan la kulmeen maamulada degmooyinka gobolkaas.

 

Saraakiishaas itoobiyaanka ayaa maamulada ay la kulmeen waxa ay ka dhaadhicinayeen sidii ay ula shaqeyn lahaayeen.

 

Col. Odawaa Shahaad Maxamuud oo ka mid ah waxgaradka beesha ****** ayaa sheegay in Itoobiya ay diinta iyo dadka la dagaalameyso.

 

Waxgaradka odayaasha iyo aqoonyahanka kulankaas yeeshay ayaa sheegay inay ku dadaalayaan sidii ay uga hortagi lahaayen dhibaatooyinka ciidamada Itoobiyaanka ay ka wadaan gobolka Geddo.

 

Ma ahan markii ugu horeysay oo ciidamada Itoobiya ay soo galaan dalka Soomaaliya islamarkaana ay dhibaato ka geystaan xilli dowladda fedraalka KMG ah Soomaaliya isu diyaarineyso sidii ciidamo loo keeni lahaa dalka Soomaaliya, iyadoo ciidamada Itoobiya ay ka howlgayaan qeyba ka mid ah gobolada Soomaaliya.

_______________

 

Naming clan names ka ilaali, baliis. Meeqo maraa la sheegaa. Edit before you copy-&-paste. Dankis.

 

[ July 18, 2006, 00:25: Message edited by: Miskiin-Macruuf-Aqiyaar ]

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this