Gabbal Posted July 17, 2006 Indha-hooda inaan ka qodxaynaa go'aan inoo ah.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gabbal Posted July 17, 2006 Waxgarad iyo aqoonyahanada beesha Sadde oo go'aano ka soo saaray ciidamada Itoobiya ee ku soo xadgudbay gobolka Geddo. July 15, 2006 . Horn Afrik. Mogadishu , Somalia . Odayaal, waxgarad iyo aqoonyahanada beesha ****** ayaa kulan ay maanta isugu yimaadeen waxa ay ka soo saareen go'aano ay uga soo horjeedaan ciidamada Itoobiya ee ku soo xadgudbay gobolka Geddo. Kulankaas ayaa looga hadlay dhibaatooyinka ciidamada Itoobiya ay ka wadaan dalka Soomaliya gaar ahaan gobolka Geddo. Ciidamada Itoobiya ayaa si joogta ah ugu soo xadgudbo gobolada xaduuda la leh dalka Itoobiya sida gobolka Geddo iyadoo saraakiil Itoobiyaan ah ay dhawaan la kulmeen maamulada degmooyinka gobolkaas. Saraakiishaas itoobiyaanka ayaa maamulada ay la kulmeen waxa ay ka dhaadhicinayeen sidii ay ula shaqeyn lahaayeen. Col. Odawaa Shahaad Maxamuud oo ka mid ah waxgaradka beesha ****** ayaa sheegay in Itoobiya ay diinta iyo dadka la dagaalameyso. Waxgaradka odayaasha iyo aqoonyahanka kulankaas yeeshay ayaa sheegay inay ku dadaalayaan sidii ay uga hortagi lahaayen dhibaatooyinka ciidamada Itoobiyaanka ay ka wadaan gobolka Geddo. Ma ahan markii ugu horeysay oo ciidamada Itoobiya ay soo galaan dalka Soomaaliya islamarkaana ay dhibaato ka geystaan xilli dowladda fedraalka KMG ah Soomaaliya isu diyaarineyso sidii ciidamo loo keeni lahaa dalka Soomaaliya, iyadoo ciidamada Itoobiya ay ka howlgayaan qeyba ka mid ah gobolada Soomaaliya. _______________ Naming clan names ka ilaali, baliis. Meeqo maraa la sheegaa. Edit before you copy-&-paste. Dankis. [ July 18, 2006, 00:25: Message edited by: Miskiin-Macruuf-Aqiyaar ] Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dhubad. Posted July 17, 2006 ^Waa in lala jihaadaa, wayna ku guuldaraysan doonaan haduu ilaahay yiraahdo! Quote Share this post Link to post Share on other sites