Sign in to follow this  
Naxar Nugaaleed

Caaqil koogaar tells the truth to Asmara and diiriye group

Recommended Posts

CAAQIL KOOGAAR OO JAWAAB KA BIXIYEY

 

ODAYAASHA [clan...] OO KA HADLAY DAGAALADA MAGAALA-MADAXDEENNA - MUQDISHOb

 

USA Arbaco , November 14 2007 SMC

 

Dagaalada ka soo cusboonaaday magalada Muqdisho waxay u Muuqdaan kuwa kaga sii daray xaalada nabada lagu baadi goobayo ee Soomaaliya. Waana mid manta laga naxo ah in
odayaal aan xil u hayn ummada Soomaaliyed
[Diiriye and his group], diidana dowlada KMG xitaa aan ka tirsanayn,

 

kuwa Maxaakiimta.Mana garan karno sababta ay ugu soo horjeedaan Maamulka ka dhisan Gobolka Banaadir gaar ahaan Muqdisho.

 

Miyaysan ahayn in Axmed Diiriye iyo saaxibkiis Xaad ay BASIN ku sii shubayaan colaadii Soomaali la hartay 17kii sano aan soo marnay. Maxaa u diiday inay raacaan walaalahood heyb ahaan u matala DFK kana tirsan Barlamaanka Soomaaliya maxay tahay sababta ay maalinkasto
hashiisyo aysan mas’uuliyadeeda qaadi Karin dusha ugu ridanayaan?
Ayagoo la heshiin kara Dowlada.

Kee wanaagsan inaad la heshiisaan walaalka iyo ciidamo nabad ilaalin u jooga Somalia? Dhamaan su’aalahas waa mid aan meesha ka maqnayn.

 

 

Waxaan u soo jedinayaa odayaasha isku sheegaya inay Beelweynta [h...] ka mas’uul yihiin inaysan matalin sababtoo ah waxay qayb ka yihiin kuwa colaada u horseedaya shacabka Muqdisho caalamkana fakir qaldan ka fahan siinaya dhamaan dalka Soomaaliya waxaana u soo jeedinayaa inay joojiyaan dhaqanka xun ee Maydka lagu jiidayo dhulka taas waxay shacabka reer Muqdisho u keenaysaa in la xasuuqo caalamkana ay indhaha ka xirtaan dhamaan Soomaaliya. Loona arko inay yihiin kuwa xagjir ah.

 

Waxaan lee yahay ka joojiya ciidamada DFKM iyo Kuwa Ethiopia aad ku weeraraysaan fariisimada ay dagan yihiin iyo wiilasha aad hubaynaysaan ileen wiilkastaa cid buu lee yahay cidiisa ha qabsato. Ma ahan wax caqliga gala inaad weerar aad ku qaadan ciidamo aan u aaba yeelayn dhamaan shacabka. Idinkaana dilay qofkii dhintaa kana masuul ah. Waad aragtaan in Gobolka Hiiraan xasilooni ka jirto xasuuqna kama jiro maad ku dayataan.

 

Tankale, fakir ah ma rabno R/Wasaare cusub waxay u eg tahay inaysan rabin nadaam dowladnimo odayaasha sheeganaya ****** iyo kuwa taageersan uu ku mabda’a ah. Waxaa lee yahay inay shacabka ka daayaan maaweelada ay idaacadaha ku hayaan iyo hubka ay ka dhex ridayaan dadka shacabka ah sababtoo ah waxay horseed ka yihiin xasuuqa ka dhacaya Muqdisho dagaal aan ujeeda lahayna manaqananyo xoreeyn ee ka joojiya cadawga aad dadka afka u gelinaysaan shacabka hadaad dad damiir leh tihiin.

 

Hadaan u soo naqdo isbahaysiga ASMARA waa mid loo soo ababulay in lagu baro kiciyo shacabka ku aftirsata Magaalada Muqdisho iyo inaysan degin xaalada soomaaliya mana soconayso
inay idaacadaha ka hanjabaan arxana aysan u hayn dadka ay ka soo jeedaan ee reer Muqdisho. Waxaa taas ka wanaagsan inaad la shaqeysaan walaalihiina DFGM ah iyo Barlamanka Soomaaliyeed. Intaad heshiis aan loo meel dayan la geli lahaydeen ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowlada ee jooga Muqdisho. Kadibna aad meel uga soo wada jeesataan sidaad nabada uga shaqeyn lahaydeen.

 

Ileen waxba ma tarayso hoobiye laga dhextuuro maatada iyo in shacabka lagu dhex dagaalo. Hadadan rabina inaad dowlada la shaqeysaana ka tanasula xasuuqa aad u horseedaysaan shacabka reer Muqdisho kana tanaasula kursi jaceelka idinkoo fiirinayo shacabkiino dhimanaya ee reer Muqdisho. Waana lagama maar maan in la helo R/Wasare ka soo jeeda Beelaha ****** si uu colaada u soo afjaro kadibna ka saara ciidamada magaalada Muqdisho dhexdeeda. Isagoo kaashanaya beesha caalamka. Qaraxyada ay odayaasha ****** sheegta ka wadaan Muqdisho xal maaha ee dib ha u kiraan iyagoo fiirinaya dadka dhamaanaya inay yihiin dadkooda.

 

Caaqil Xaaji Maxamud Cali Jimcale (Koogaar)

Magac: Caaqil Koogaar

Email:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this