Sign in to follow this  
General Duke

Garowe district local council completed + Mayor elected

Recommended Posts

Garowe oo yeelatay Guddoomiyihii ugu horeeyey ee lasoo doorto

 

Garowe :- Magaalada Garowe ayey shalay ka dhacday doorashada Gudoomiyaha degmada ama Duqa magaalada iyo kuxigeenkiisa.

 

Doorashadan ayey isu soo taageen labo musharax oo u tar tamayey jegada Guddoomiyaha degmada iyo hal musharax oo isu soo taagay jegada kuxigeenka.

 

Labada nin ee ku tartamay guddoomiyaha degmada ayaa kala ahaa Cabdisalaan Xassan Xirsi Gujir iyo Cabdirisaaq Daahir Cabdulle .

 

Doorashadan ayaa ah mid ay codkooda ku dhibanayeen Golaha degmada Garowe oo ka kooban 28 kursi.

 

Doorashadii shalay ayey u codeeyeen 18 xubnood oo kamid ah golaha Degmada Garowe, kuwaasi oo markii ugu horeysay doortay Guddoomiye si codbixin ah ku yimaada.

 

Cabdisalaan Xassan Gujir ayaa asagu si weyn ugu guuleystay doorashada asagoo markaa helay 15 cod oo kamid ah 18kii kursi ee codka bixiyey.

 

Guddoomiye kuxigeenka ayaa asaguna loo doortay Axmed Yassin Ciise oo asagu aan helin wax la tartama.

 

Doorashadan ayaa ah tii ugu horeysay oo ay qaadaan Golayaasha degmooyinka oo dhismahooda laga hirgeliyey Puntland.

 

Magaalada Garowe ayaa ayadu ah mida ugu horeysa oo yeelata Golaha degmada kaasi oo noqon doona mid awood u yeesha arrimaha muhiimka ah ee degmada walba.

 

Guddoomiyaasha degmada ayaa ah kuwo horey loosoo magacaabi jiray oo uu Madaxweynaha awood ullaahaa, balse tan iyo intii uu maamulka Gen.Cadde Musse xilka la wareegay arrimaha ugu horeeya ee la badalay ay tahay in guddoomiyaasha degmooyinka laga soo doorto golaha degmada oo ah mid ay shacabku iska soo dhex saareen.

 

C/risaaq Shiino

HorseedNet.com

Garowe, PL Somaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Degmada Garoowe oo noqotay tii ugu horaysay ee yeelata Golaha deegaanka 29-ka degmo ee Puntland

Posted to the Web Jun 02, 15:09

 

 

Garoowe:-Golaha deegaanka Degmada Garoowe, ayaa maanta kulankoodii ugu hareeyay ku yeeshay hoolka Shirarka Jaamacada Garoowe ee (PSU), waxaana halkaas goobjoog ka ahaa qaar ka mid ah labada Gole ee dawlada Puntland, maamulka gobolka Nugaal iyo Guddiga Doorashooyinka Golaha deegaamada Puntalnd.

 

Wasiirka Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha Puntland, Dr. Siciid Jaamac Qoorsheel, ayaa ugu horayntii naadiyay Liiska magacyada Golaha deegaanka ee Degmada Garoowe, qofkastaana marka la naadiyo magaciisa oo sadexan, ayuu u istaagaayay fartana kor u qaadayay, waxaana goobtaas fadhiyay 26 ka mid ah 27 xubnood ee uu Golaha Degmada Garoowe ka kooban yahay, waxana halkaas ka maqnaa hal xubin ah oo aan la sheegin meesha iyo sida ay ku maqan tahay toona.

 

Wasiirka Wasaarada Dawladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga, Cali Cabdi Awaare, ayaa ugu horayntii mahadnaq u jeediyay dadka ku nool Caasumada Garoowe, wuxuuna ku ammaanay in ay Garoowe noqotay halkii ugu horaysay ee si rasmi ah looga soo dhiso 29ka degmo ee Puntland.

 

Mr. Awaare, ayaa Golaha u sheegay in ay maalinimada sabtida ah ee inaku soo fool leh ay dhici doonto doorashada Guddoomiyaha Golaha Degmada ahna Duqa Degmada Garoowe, iyo kuxigeenkiisa. Qaabka loo codaynayo ayuu ku sheegay mid gacan taag ah oo aan qarsoodi ahayn, wuxuuna sheegay in xeerka Doorashada ee Golaha deegaanku uu sidaan qabo ee aysan ah mid isaga jeebkiisa kala yimid.

 

Wasiirku, wuxuu sheegay in wakhtigaan laga billaabo uu hawsha la wareegayo ninka ugu da’ada wayn ee Golaha, uuna Guddoomiye u noqon doono Golaha inta aad ka dooranay saan Guddoomiyaha rasmiga ah iyo kuxigeenkiisuba.

 

Mr. Awaare, Wasiirka Wasaarada horumarinta reer miyiga Cali Cabdi Awaare, wuxuu sheegay in dawlada dhexe aysan magacaabayn xilkana ka qaadayn Duqa Degmada, hase ahaatee, uu Goluhu doonaranayo xilkana ka qaadayo, hadii uu xumaado inta lagu gudajiro mudada 4 sano ah, waa idiinka cida ka qaadaysa xilka ama u kordhinaysa hadii ay dhammaato 4 sano oo uu wanaagsanaado ayuu yiri.

 

Cali Cabdi Awaare, wuxuu Golaha deegaanka ku booriyay in ay noqdaan kuwo ku dayasho mudan, ayna ilaaliyaan nidaamka iyo ismaqalka, si loo guto waajibaadka ina saran. Wuxuuna intaas ku daray in Golaha Deegaanka ee Degmada Garoowe, uu yeelan doono abaal marin hadii sidaan ay hawshu ku dhamaato.

 

Intaas kadib, ayaa waxa noqday Ninka ugu da’da wayn ee Golaha Deegaanka Degamada Garowoe, Cali Garaase, isaga ayaana shirguddoomiye u noqon doona Golaha ilaa maalinimada sabtida ah ee fooda inaku soo hayso oo la dooran doono Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ahna Duqa Degmada Garoowe.

 

Axmed C/salaam

Puntlandpost,Garoowe,J,F,Soomaaliya

Contacts:loole25@hotmail.com

 

Saaxiibkaa u ***

Daabaco Qormadan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this