Sign in to follow this  
Jacaylbaro

President Rayaale Arrives in Burao

Recommended Posts

Muriidi   

ani yacni waxaa waaye....dawladda waa ka cabsadaa.

militariga waa taageersanahay....ka alay jabhadda isla idinka lee miyaa waa la taageeri lahaa iyagana lakin yaqyaqsi waaye

kuwa oo dhakhtarrada iyagana i admire them you know

police and courts i respect

kuwaan oo canshuuraha iyo karraaniyaasha dhamaantood i hate them.

 

according to some chaos theory, from the current world situation an infinite number of conspiracy theories can be deducted...let me know which one works for you!

Share this post


Link to post
Share on other sites

hadhwanaag 2009-06-03 (Hadhwanaagnews) Burco(HWN):-Madaxwey naha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa ku haftay jawaabaha su’aalo laga waydiiyay sababta ay Xukuumaddiisu uga bedali wayday Lacagta Giimbaarta ah ee laga isticmaalo Gobolada Barriga Somaliland, gaar ahaan Burco, waxyaabaha uu u sido deegaanada ay Abaaruhu saameeyeen iyo sidoo kale Gobolada uu sanadkii hore magacaabay.

 

Daahir Rayaale Kaahin, ayaa maanta galinkii dambe gaadhay Magaalo-madaxda Gobolka Togdheer ee Burco ka dib markii uu maanta galinkii hore ka ambabaxay xarunta Gobolka Saaxil ee Berbera. Isla markaana waraysi xiisa badan, dhinacyo badanna taabanaya oo uu la yeeshay Wariyaha BBC-da Laanteefa Afka Soomaaliga ee Burco Xuseen Aw Jaamac Jibriil, ayuu Madaxweynuhu kaga waramay ujeedada socdaalkiisa iyo hadafyada uu daaran yahay, isaga oo ku dooday in safarkiisani yahay mid olole ka madaaxbanaan, balse la xidhiidha xogogaal u noqoshada xaaladda guud ee dadka iyo dalka uu Madaxweynaha u yahay.

 

“Waxay ku salaysan tahay inaan xog-ogaal u noqdo xaaladda ay ku sugan yihiin dadku, adeega bulsho halkuu marayo iyo xaaladda guud ahaan deegaanada uu ka kooban yahay dalku. Waxaan soo dhammeeyay Gobolkii 1-aad ee Saaxil, Togdheer baan marayaa, kuwa kalena insha Allaahu waan wada mari doonaa.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Daahir Rayaale oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay ujeedada socdaalkiisan uu hadda ku gaadhay Burco.

 

Mar Madaxweyne Rayaale la waydiiyay in Xisbiyada Mucaaridka ah iyo dadweynaha qaar u arkaan in socdaalkiisu la xidhiidho arrin olole, waxa uu yidhi, “Maya ee weli kaambayn (olole) lama gaadhin, kaambayna kama hadlayo ee hawshaydii waajibka igu ahayd Anniga oo Madaxweyne ah ayaan gudanayaa, inaan dadkayga xog-ogaal u noqdo, wixii u qabsoomay, waxa u dhiman ayaan u socdaa.”

 

Sidoo kale, Madaxweynaha oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay xaaladaha Abaareed ee ka taagan Gobolada Togdheer, Buuhoodle, Sool iyo Sanaag iyo waxa uu ka qaban karo ee uu Goboladaas ku wajahayo Madaxweyne ahaan, waxa uu yidhi, “WFP-na waanu wadahadalnay, waxyaabahan ogaanayo in gurmad degdeg ah loo keeno oo dadka la soo gaadhsiiyo cunto iyo wixiii la awoodi karayo waa taan u socdo.”

 

Daahir Rayaale waxa kale oo la waydiiyay in la filayay Mashaariic horumarineed oo uu ka fuliyo Gobolka Saaxil, sida Dekadda Berbera oo la balaadhiyo, Warshaddii Sibidhka oo uu sannada ka hor dhagax dhigay iyo sidoo kale Waddo isku xidha Itoobiya ilaa Berbera iyo waxa uu saaka oo uu lahadlay reer Berbera u balanqaaday, waxa uu yidhi, “Horta wax gaar ah oo aan Berbera u balanqaaday ma jirto, dawladda awoodeeda waad ogtahay, waxaan umalaynayaa inaad Idaacadda ka dhagaysatay oo dawladdeenu dawladii hore way ka itaal yartahay, laakiin markaan qiimeeyo inay ka tayo fiican tahay baan soo ogaaday oo meel kastaba MCH (Xarun caafimaad) iyo Iskuul baanu ka dhisnay aanay dawladihii hore ka dhisin. Markaa dawladdu kolba taagteeda ayay wax qabanaysaa, dedaalna waanu ugu jirnaa haddii aanu mashaariic u helo inaanu wax qabanno. Berbera inkastoonan saaka kala hadal Warshadda Sibidhka, dad muwaadiniin ah oo leh tii hore (Warshaddii Sibidhka) aan samayno oo ii yimi ayaa jira waanan u fasaxaynaa, wixii kale ee aanu cid kale ka helana waa lagu dari doonaa haddii Illaahay yidhaa.”

 

Gobolka Togdheer, gaar ahaan Xaruntiisa Burco oo ah Caasimadda 2-aad ee Somaliland, isla markaana ah Magaaladdii lagaga dhawaaqay gooni-isu-taagga Somaliland ee Madaxweynaha Daahir Rayaale Madaxweynaha ka yahay, ayaa welii laga isticmaalaa lacagtii dawladdii laysku odhan jiray Soomaaliya, taasoo Xukuumadda Rayaale ay marar badan balanqaaday in laga bedalayo, Miisaaniyaddana lagu daray dhawr sano oo kala dambeeyay, hase ahaatee, aan weli laga bedalin, dadka reer Burcana ay si wayn uga cawdaan. Sidaa daraadeed, Madaxweyne Rayaale la waydiiyay, waxa uu maanta reer Burco ula yimi, gaar ahaan bedalaadda lacagtaas, waxa uu yidhi, “Lacagtaas Giimbaartu waa aafo iyo dhibaato qaran, waana waajib xukuumadda saaran dedaalkeedana waanu wadnaa, Insha Allaahu Burco maalin aanu ka bedali doono ayaa iman doonta oo aan fogayn haddii Illaahay yidhaahdo.”

 

Mar la sii waydiiyay Madaxweyne Rayaale Gobolo uu dhawaan magacaabay, sida Oodweyne, Buuhoodle iyo Caynabo in ay u baahan yihiin wax qabad iyo mashaariic horumarineed, sida Waddooyin, Biyo iyo Caafimaad iyo waxa uu wakhtigan u sido, waxa uu yidhi, “Awoodda dawladdu kolba inteeda ayay soconaysaa, kolba intii aan qaban karno ayaanu qabanaynaa.”

 

Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo Weftigiisu intii aanay maanta gelinkii hore ka ambabixin, waxa uu meel fagaare ah kala hadlay dadweynaha reer Berbera, halkaasi oo uu khudbad dheer uga jeediyay, ka dibna waxa ay Madaxweynaha iyo Weftigiisu u ambabaxeen Magaaladda Burco oo si fiican loogu soo dhaweeyay, sida ay sheegayaan wararka naga soo gaadhaya Burco.

Share this post


Link to post
Share on other sites

yes congratulations for the shanbles of a process you call an election. Which No doubt will be rigged just like the last one.

 

 

Amusing but not unexpected. My how we somalilanders have sunk so low. What does it say about us when we have an eithopian stooge who worked under siad barre NSS for a president for 5 frickin years eh? It would be hilarious if it was not painful

 

what a shame wallahi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

What does it say about us when we have an eithopian stooge who worked under siad barre NSS for a president for 5 frickin years eh?

JB refuses to answer such questions, so he changes the subject!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by somalipride:

quote: What does it say about us when we have an eithopian stooge who worked under siad barre NSS for a president for 5 frickin years eh?

JB refuses to answer such questions, so he changes the subject!!!
Have you noticed its only your people that bring that whole nss stuff to light? They can elect lucifer himself as the President..If they're happy with him then so be it. You folks standing on the sidelines you just stay away from their affairs I say.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Your compadre JB and company, always posts negatives news about Somalia, and only positive ridiculous news with no bases concerning your enclave. Like, Somaliland electorale commission invited to Lebanon. For some reason he thinks that portraying Somalia as lawless helps his cause. We want to make it clear that things are not as rosy as you make it out to be, and Riyaale is a war criminal and there is no democracy and elections being held!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Poker   

Burco is the mother of Somaliland. Nice PR for Rayaale and UDUB..I like it....DEMOCRACY at work.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

JB why is this suprising news?! It just shows how wierd it's to see Riyaale in that part of Somaliland. This is like Bush visiting Montana. Very shocking.It's all obvious why he is there; he is lobbying for votes. Good luck to him there, as he will not get any.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this