Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland vice president seylici visits awdal borama + pictures.

Recommended Posts

Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland,Eng:Saylici oo si wayn loogu soo dhaweeyay Magaalo madaxda Gobolka Awdal ee Borama+Sawiro

 

Borama(Bnn) Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Eng:C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici, ayaa si wayn loogu soo dhaweeyay , Abaarsa, Arabsiya, Gabiley, kalabaydh, Dilla, Tulli, Garoyocowl iyo caasimada Gobolka Awdal, Borama.

 

Wafitigan ayaa Saylici waxaa ku wehelinayay, wasiirada, Beeraha, iyo waxbarashada, Prof:Faarax iyo Cali , xubno labada gole ee Somaliland, ka kala socda, Guurtida iyo golaha wakiilada.

 

Dhinaca magaalada Borama ayaa waxaa iyadna waftiga kaga hortagay, Magaalada Gabiley, wafti balaadhan oo uu hogaaminayay, Duqa Magaalada Borama, C/raxmaan Shide Bile, Gudoomiyaha Gobolka, Maxamed Daahir Cabdale, iyo taliyayaasha Ciidamada Amaanka iyo kuwa qaranka.

 

Waxa kale oo soo dhawaynta Saylici ka qayb qaatay qaar ka mid ah, ururada Maxaliga ah, ee ka hawlgala gobolka Awdal , Sida, Ururka SAADO oo ah urur wadaniya oo dhawaan la aasaasay oo ka shaqayn doona deeganka iyo ilaalinta iyo kobcinta dhirta iyo daaqa, oo uu gudoomiye u yahay, aqoon yahan Sharmaarke Cilmi, Ururka SAYS, oo uu agaasime Nuur shirdoon hogaaminayay,Ururka AYODA, oo uu horkacayay Agaasime, Siyaad iyo Ururka SOHURA oo uu hor kacayay, Madaxa Mashaariica Ururka, Eng:C/qaadir Cali Bade, dhamaan ururadaas oo astaamahoodii iyo gaadiidkoodii wata, ayaa waxa ay waftiga kaga hortageen, Magaalada Dilla halkaas oo ay u soo galbiyeen, ilaa caasimada Gobolka Awdal, ee Borama.

 

Waftigan ayaa intii uu marayay magaalooyinkaa iyo tuulooyinkaa waxa ay dadwaynuhu ruxayeen, Calanka Somaliland iyo caleemo qoyan, iyaga oo ku dhawaaqayay ereyo ay ka mid yihiin, Somaliland ha noolaato, Eng:Saylici soo dhawaw.

 

Ugu danbayn waftigu markii uu soo caga dhigtay Magaalada Bormaa, ayaa waxaa halkaas ku soo dhaweeyay, Kumaankun qof oo calamo iyo caleemo qoyan ruxayay, isaga oo u udhaadhacay dadkii qof qofna u salaamayay, waxa uuna noqday, Mas’uulkii ugu sareeyay ee dawlad ka socda, dadkan u daadaga salaana ka qaata, shacabka soo dhawaynayay.

 

Ugu danbayn waftiga ayaa waxa loo kaxeeyay Qasriga Madaxwayne ku xigeenku ku leeyahay Magaalada Borama, halkaas oo ilaa shalay ay ka socotay shaqo xoog ah ,oo loogu diyaar galoobayay, soo dhawayntiisa.

 

Isku soo wada duuduuboo waftigan ayaanan ilaa iminka la garanayn, sababaha xiligan keentay in uu yimaado, iyo xiliga uu joogi doono, iyo cida ay la kulmayaanba, waxaanan ka ogaan doonaa , saacadaha soo socda , madax warbaahinta ee waftiga.

 

say1_23.jpg

 

say1_16.jpg

 

say1_13.jpg

 

Booqasho1_15.jpg

 

say1_8.jpg

 

say1_15.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wafti Balaaadhan Oo Hogaaminayo Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Maanta Gaadhay Magaalada Borama

Borama (Oodweynenews)- Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md.Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta gaadhay magaalo madaxda Gobolka Awdal ee Borama.

Waftiga Madaxweyne ku xigeenka Soamliland ayaa waxa ka mida Wasiirada Wasaarada Warfaafinta Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire), Wasiirka Wasaarada Beeraha Faarax Cilmi Geedoole, Wasiirka Wasarada Ciyaarraha Dhaqanka iyo Hidaha Md. Maxmed Ibrahim Madar , Wasiirka Xigeenaka Wasaarada Waxbarasha Md. Cali Xaamud Jibriil, Xubno ka socaday Golahayaasha Shrcida jinta Somaliland ee Guurtida iyo Wakiilada.

Waftigan ayaa markii aya gaadheen magaalada Boorama waxa halkaasi ku soo dhaweeyey dadweynaha ku dhaqan Magaalda Boorama, waxana ay kulamo kula yeesheen masuuliyiinta Gobolka iyo Madhaqameedka Gobolkaasi Hotel Rays ee Magaalada Borama.

Ilaayo hada ma jiro war rasmiya oo ay Xukuumada Soamliland ka soo saartay safarka Waftiga uu hogaaminayo Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland ay ku tageen magaalda Borama.

Madxweyne Ku Xigeenka Somaliland ayaa waxa uu mudaba ku safar is daba jooga ku tagayey Xarunta Gobolka Awdal ee Borama oo ah Gobolka uu asal ahaan ka soo jeedo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Iyo Wasiiro Socdaal Ku Tagay Magaalada Boorame

November 10th, 2010 Comments Off

 

Hargeysa (Somaliland.Org)-Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Wefti Balaadhan oo uu Hoggaaminayo oo ka kooban Afar Wasiir ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Boorame ee xarunta Gobolka Awdal, oo uu ku tagay socdaal shaqo oo qaadan doona muddo sadex maalmood ah.

 

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland waxa uu maanta magaalada Boorame kula shiray Madaxda Gobolka Awdal, maamulka degmada Boorame iyo iskuduweyaasha laamaha dawlada ee gobolkaasi. Waxaanu hadal uu ka jeediyay shirkaasi uu kaga waramay in uu Somaliland ka bilaabmay wax uu ku tilmaamay cahdigii la xisaabtanka shaqaalaha iyo masuuliyiinta dawlada waxaanu u soo jeediyay madaxda inay ka soo dhalaalaan hawsha adeegyada bulshada ee loo xil saaray.

 

Md. C/Raxmaan Saylici wuxuu sheegay in mudada uu kormeerka ku joogo Gobolka uu masuuliyiinta laamaha dawlada iyo madaxda gobolka iyo degmada ka doonayo inay qoraal ugu soo gudbiyaan waxqabadkooda.

 

“Shaqaalaha dawlada waxaan u sheegayaa in wakhtigii la xisaabtanku uu bilaamay isla markaana looga bahan yahay inay kala saaraan siyaasada iyo waxqabadka. Muddada aan joogo waxaan doonayaa inaad ii keentaan waxqabadkiinii oo qoran ogaadana in tartankii siyaasaddu uu dhammaaday uu waajib idin saran yahay isbedelkii aanu ummadda ay xukuumadu u balan qaaday inaan noqotaan qaar fuliya oo kor u qaada adeegyada ay bulshada u hayaan,”Ayuu yidhi Madaxweyne Ku Xigeenku.

 

Md. C/Raxmaan Saylici wuxuu sheegay in tartankii doorashadu xiligan dhamaaday shaqaalaha dawladana looga baahan yahay inay ka fogaadaan inay siyaasada ku milmaan.

 

Madaxweyne Ku Xigeenku wuxuu u mahad celiiyay shacbigii iyo masuuliyiintii Gobolka Awdal ee sida weyn u soo dhaweeyay waxaanu sheegay in maalmaha soo socda uu kulamo gooni gooni ah la yeelan doono qeybaha kala duwan ee bulshada Gobolka Awdal.

 

Weftiga Madaxweyne Ku Xigeenka waxa kormeerkiisan ku weheliyay Wasiirada Warfaafinta, Beeraha, Cadaalada iyo Dhalinyarada iyo Ciyaaraha. Waana kormeerkii ugu horeeyay ee uu ku yimaado gobolka uu ka soo jeedo tan iyo markii uu noqday Madaxweyne Ku Xigeenka Somalilad.

Somaliland.org

Hargeysa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Haddii reer Borame ay kumankum calan oo Somaliland ah ay qaatan war maaha hadiise la arko ciyaal surwaal buluuga sita waxa la odhan waa somaliweyn :D:D:D

 

Waan ka sii hor dagayaa reer Buuq-land

 

say1_2.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Wiil Cusub: Xaajiga JB baa cudurkiisa degdegsiinyaha ku daartay, old habits die hard indeed. War iska hubsada sawirada Soomaali midnimadeeda muujinaya smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Usually it is the president that tours his enclave since he was the one chosen to lead. But it seems that in this situation the vice president who hails from Borama was sent back to his community. This is exactly why someone from Awdal was made vice-president is so he can travel to the region and reassure the people. I'm surpise how much visible security he needs though, seems to be a means of intimidation.

 

Also, I am sure he is paving the way and calming the situation so Siilaanyo can come and visit before years end.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Of course it is :confused: To me it SEEMS that the reason for this is because of the protest when Riyaale lost, the 300 ONLF incident.

 

One thing that is for certain, the President of your enclave has not gone outside the triangle - to tour his enclave - a single time for the 4 months he has been (s)elected. The vice president was however sent today back to his community under heavy security. Now the question remains why? Not many people know and can only speculate.

 

Like I said the vice-pres was probably sent to calm and re-assure the people so the leader of NW Somalia can come to Awdal by the end of the year. The propaganda machine will be on full blast with the flags and what not and security extra tight!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this