Sign in to follow this  
Jacaylbaro

President Rayaale on Teatime Meeting with Elizabeth II

Recommended Posts

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Daahir Rayaale Kaahin oo socdaal hawleed ku maraya dalal uu waddanka Ingiriisku ka mid yahay ayaa wuxuu maalintii Khamiista(10.01.08), saacaddu markay ahayd 11:39daqiiqo qasriga boqortooyada ee Buckingham Palace fadhi shaah iyo kaftan isugu jira kula yeeshay boqoradda carriga Ingiriiska, Elizabeth II.

 

Fadhigaas oo ahaa mid shaah xawaash leh oo uu madaxweynuhu sitay lagu cabbey ayaa waxa kale oo ka qaybgalay masuuliyiin sarsare oo labada dhinac kala ah.Dhinaca Somaliland waxa madaxweynaha wehelinayey wasiirka arrimaha debedda, wasiirka arrimaha kale, wasiir ku xigeenka caynka iyo bayda iyo wasiirka faqa iyo xamxamta. Waxa kale oo iyaguna dhinaca Somaliland aad uga cammiray safiirrada Somaliland u fadhiya bariga London, galbeedka London, iyo safiirka Somaliland u qaabilsan waqooyiga caasimadda islamarkaana ah wakiilka JSL uga qaybgala ciyaaraha dhexmara kooxaha Arsenal iyo Tottenham.

 

Boqoradda oo aad uga dheregsanayd qadiyadda Somaliland ayaa u sheegtay madaxweynaha in dalkan yar ee keligii istaagay ee doorashooyinka xorta ah dhigay loo baahan yahay in la aqoonsado. “Waan ogahay in boqortooyadayda, oo ay runtii xukunkeeda dhabta ah iska leeyihiin dad gurigaas maansacagaleyda u eg dhex fadhiyaa, ay ku adag tahay inay idin aqoonsato, kollayba noqoto dalka ugu horreeya” ayay boqoraddu ku tidhi madaxweynaha.

 

“Afrikaanka ayaa ku wanaagsan inay idin aqoonsadaan marka hore” ayay boqoraddu sii raacisay. Madaxweynaha oo arrintaas qosol dheer ka dib ka jawaabay ayaa ku yidhi boqoradda; “Meeshan Afrika sida aad og tahayba waa meel iska maalaa yacni ah, oo xitaa Sawaaxiligii aad tuurta ku sidateen waa kaas Kuukuuyo iyo Luwa u kala baxay ee is cunaya, markaas boqoradey dadku duul nalagu riixo maaha”

 

“Waa run madaxweyne, anigaaba ka yaabay waxa ka socda Kiiniya” ayay tidhi boqoraddu oo sii raacisay; “Princes Philip ayaa xalayto mar uu telefiishanka ka daawanayay dadka ku dhintay rebshedahaas ii sheegayay sida uu uga murugsaysan yahay, dadkaasi waa kuwii maalintii dhoweyd ee aynu shirka Barwaaqo Sooranka tagnay inoo ciyaarayay buu igu yidhi. Aad buu odagaygu uga naxaa marka dadka dhaanishka u ciyaaraa dhintaan, weliba dhaanishka Afrikaanka wuu ka helaa”

 

Boqoradda oo arrimaha dhaanishka sii wadda ayaa madaxweynaha ku tidhi; ” Horta madaxweyne Somaliland iyadu dhaanishka ma ciyaartaa?”

 

Madaxweynaha oo arrintaasi ku adkaaday ayaa wuxuu eegay safiirka waqooyiga caasimadda islamarkaana ah wakiilka JSL uga qaybgala ciyaaraha dhexmara kooxaha Arsenal iyo Tottenham. Safiirkii oo arkay in madaxweynihii su’aashu meel cidhiidhi ah gelisay ayaa isaga oo ka faa’iidaysanaya fursadda u dagantay marqudha sare u booday oo intuu ismarooriyay ku dhuftay; “Dhuuboy ila dheel, lugta dhiibi dhiibi, dhaqaaji garbaha, dhexda aan ku qabtoo, isku kaa dhejiyee, aan jacaylka jacaylka dhisnee”

 

Boqoraddii oo qosol mukur iyo maftaalad ah la dhoollacaddays ayaa iyada oo raalli gelinaysa martideedii dhaanishku ka xumaaday tidhi; “Marraa waaxid waa dhaanish wanaagsan, gasiirad yar oo badda Baasifigga ku taalla oo aannu aniga iyo Philip Shahru casalkayagii tagnay ayaa tabtaas looga ciyaaraa, caawaan Prince Philip u sheegayaa, waxa laga yaabaa inuu arrimaha aqoonsiga idinka caawiyo”

 

“Qodhyaxero noogu sheeg, sow Prince Philip inankaaga maaha?” ayuu madaxweynihii oo aad uga helay sida safiirkii ugaga farxiyay boqoraddii yidhi.

 

“Princes Charles buu “hooyo” ku khaldayaa” ayuu safiirkii JSL ee bariga London kaga riday madaxweynihii. Inkasta oo aanay madaxweynaha u dhicin waxa inanka iyo aabbihiis labadaba Prince ka wada dhigay haddana waa nin iska af gaaban oo sidii mucaaradka uma uu qaylinin.

 

Fadhigaas oo runtii ahaa mid madaxweynaha iyo weftigiisu ay guulo waaweyn iyo goolal badan oo soo dhoweynaya aqoonsiga Somaliland ku soo dhaliyeen waxa boqoraddu ka dhiibatay talooyin wax ku ool ah. Arrimaha muhiimka ah ee boqoraddu kula dardaarantay madaxweynaha waxa ka mid ahaa in:-

 

 

Wersheddii sibidhka ee wakhtigeedii la dhisilahaa la soo dhaafay loo soo kireeyo markab qaada oo dalka geeya. “Waan ka warhayaa in wasiirkiinna wersheduhu dhowaan sheegay in wersheddii u xannibantahay wax soo qaada, markaas runtii haddii aan Prince Philip arrintaas kala hadlo waa laga yaabaa in QE2 aannu idin ammaanaysiinyo” ayay tidhi boqoraddu.

Arrimaha idaacadda Hargeysa oo iyana raagay wax laga qabto. “Waxa aan moodayay in yartii aan soddohda u ahaa ee baabuurku dilay ii sheegtay inaad idaacad iibsateen intaanay xijaaban” ayay boqoraddu tidhi oo sii raacisay; “Arrimahaas idaacadaha dadka ayaa madaxweyne iskaga maararooba ee weligaa ogsoonow”

Waxa Somaliland iyo jabbuuti isku diray ee ay u kala xishoonwaayeen.

 

Waxa kale oo boqoraddu arrin lala yaabo ku sheegtay waxa madaxweynaha iyo ninka ay dhowaan hawada iska maagayeen ee isaguna madaxweynaha kale ee aan laakiin la dooran ah, dayuuradda soo wada raaciyay.Si kasta yaanay ahaan, ama haddii ay doonto ha ahaatee, waxa fadhigaas boqoradda iyo madaxweynaha Somaliland ka soo baxay is afgarad labada dhinac ah oo runtii lagu tilmaami karo guul uu Daahir Rayaale Kaahin addin kab keli ah gashan kusoo dhaliyay.Madaxweynuhu markii ay fadhigaas ka tageen wuxuu mahadnaq ballaadhan u jeediyay safiirrada faraha badan ee Somaliland ku leedahay magaalada London, isaga oo ku ammaanay sida xilkasnimada leh ee ay dalkooda ugu shaqaynayaan. Wuxuuna ku guubaabiyay inay dedaalkooda halkaas ka sii wadaan, isaga oo sheegay in sida dalkan Ingiriiska uu waddamada kalena kordhinayo safiirrada fadhiya, weliba dalalka loo yaqaan Iskandaneefiyanka waxa aan jecelahay buu yidhi in aan rag kale ku kordhiyo kuwa imika jooga.Jasiiradda Malta ayuu iyana sheegay madaxweynuhu inuu safiir cusub u magacaabayo.

 

 

Cabdillaahi Cawed Cige, edleh@hotmail.com

 

Weriyaha NONEWS ee qasriga boqortooyada Ingiriiska.

loooooool

Share this post


Link to post
Share on other sites
Akash   

Fadhigaas oo ahaa mid shaah xawaash leh oo uu madaxweynuhu sitay...

Waar, J.a.c.a.y.l.b.a.r.o

 

Odeygu Ilaa Xawaashkisii buu Watay...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaa ka darneed midkoo oo iyiri Islaanta boqorada ayaa odeyaga cabdullahi hospitaalku jiifey ku soo boqatay ... HAHAHA..

 

He must have heard Diana used to visit sick children at hospitals in africa.. smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cige   

Marqaanku wax walba waa ku tusaa

 

nin Amerika jooga oo Elizabeth la joogana waa ku tusaa

 

Waahwaah waxaasaa marqaan ah :(

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kool_Kat   

^LOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOL...Walahi caadi ma tihid...That's it, I think I'll start chewing, after all if this is what 'marqaan' can do...Heck, $80 each time yaa awoodo hee...War igadaa...Walee waxaa la arki lahaa anoo leh 'Djibouti baa Canada u soo guurtay'...lol

Share this post


Link to post
Share on other sites
A.J.   

^^^^ depending on how some people spell the green leaves (khat), your name already suggest you are on it

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kool_Kat   

^Adaaba ka daray hada...If my name suggests anything other than it is (Cool_Cat, FYI), where's the 'H' in k'H'at? NOOOO, it is ok, don't even answer... ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Fadhigaas oo ahaa mid
shaah xawaash leh oo uu madaxweynuhu sitay lagu cabbey
...

Oh, man.

 

Waxa kale oo iyaguna dhinaca Somaliland aad uga cammiray
safiirrada Somaliland u fadhiya bariga London, galbeedka London, iyo safiirka Somaliland u qaabilsan waqooyiga caasimadda islamarkaana ah wakiilka JSL uga qaybgala ciyaaraha dhexmara kooxaha Arsenal iyo Tottenham
.

Oh, maan.

 

Waan ogahay in boqortooyadayda, oo ay runtii xukunkeeda dhabta ah iska leeyihiin dad gurigaas maansacagaleyda u eg dhex fadhiyaa...

Ooh, maaan.

 

Boqoradda oo arrimaha dhaanishka sii wadda ayaa madaxweynaha ku tidhi; ”
Horta madaxweyne Somaliland iyadu dhaanishka ma ciyaartaa?”

 

Madaxweynaha oo arrintaasi ku adkaaday ayaa wuxuu eegay safiirka waqooyiga caasimadda islamarkaana ah wakiilka JSL uga qaybgala ciyaaraha dhexmara kooxaha Arsenal iyo Tottenham. Safiirkii oo arkay in madaxweynihii su’aashu meel cidhiidhi ah gelisay ayaa isaga oo ka faa’iidaysanaya fursadda u dagantay marqudha sare u booday oo intuu ismarooriyay ku dhuftay; “Dhuuboy ila dheel, lugta dhiibi dhiibi, dhaqaaji garbaha, dhexda aan ku qabtoo, isku kaa dhejiyee, aan jacaylka jacaylka dhisnee”

Weriyaha NONEWS ee qasriga boqortooyada Ingiriiska.

Taloow dad aamini doono maa jiro this satire piece?

 

Haddee aaminaana waxooda marqaanimo wey dhaaftee ee sarqaanimo ayeeba sii dhaafeysaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

^Runtii waa la yaabay waxa aad soo koobtay, qoutes, markaas baan dib ugu laabtay, qoraalka oo aanan hore u akhriyin,waa arin la yaableh!

 

Waalidiii baa qarka loo saaran yahay, :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kool_Kat   

^Weeeeeeeeeeeeeeeeeeeee, tan hadiiba waalidii qarka loo saaran yahay, ilaahay ima tuso iyadoo la waashay...

 

MMA, hadaayay maba aqrin the article, a bit too long igu eheed...And usually certain cantarabaqash maba aqriyo...But seeing you quote it, GOSH...Tani cantarabaqash waa dhaaftay, even a two year old ku qosli lahaa...

 

Fadhigaas oo ahaa mid shaah xawaash leh oo uu madaxweynuhu
sitay

Shaaha ma isagaa horay u watay...Toloow ma hudheelka buu ku soo karsaday...Balanbalayeey, kani wuu i ceebeeyay...Meesha ma Africa iyo gaajadeeduu mooday? Amuu hee Condoleezza Rice shaah xawaash (LOOOOOOOOOOOOOOOOOOOL, the word just cracks me up - Xawaaji lee iga dheh) la soo hor fariistaa...That'll be something...LOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOL...War nadaaya dheh...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kuusha, shaah 'xawaash' waxaa laga wadaa shaah qurfo iyo heyl, sanjabiil iyo wixii kale ka buuxaan nooh, not mid xawaaji ku jiro. Xawaaji suugada iyo maraqa aa lagu daraayee.

 

Dabshid, minii la yaabo yaasiinka aala dhahaa. Plenty of hints ku jirto given by the person who wrote it to know that it is a satire piece, especially at the end kusoo qatimayee about "Nonews" source.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kool_Kat   

^Adi maa i baraayo the diff between Xawaaji iyo Xawaash? That is funny...War the difference waan aqaanee, it is just that everytime I hear people say 'Xawaash' and are talking about Shaah, waxaa iimasawirmo Shaah Xawaaji lagu daraayo...But I do know they mean Heel iyo Qorfe iyo Dhagayare iyo Sanjabiil...Thanks though... ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

OMG! this must be the best reading of the year 2008. Silly me, I didn't read it at all when I first dropped in the two lines teasing KK.

shaah xawaash leh oo uu madaxweynuhu sitay lagu cabbey

Haa..oo boqorada ayaa shaah Riyaale uu horey uso karsaday la cabtay :rolleyes: waanu garanay.

 

Boqoradda oo arrimaha dhaanishka sii wadda ayaa madaxweynaha ku tidhi; ”Horta madaxweyne Somaliland iyadu dhaanishka ma ciyaartaa?”

 

Madaxweynaha oo arrintaasi ku adkaaday ayaa wuxuu eegay safiirka waqooyiga caasimadda islamarkaana ah wakiilka JSL uga qaybgala ciyaaraha dhexmara kooxaha Arsenal iyo Tottenham. Safiirkii oo arkay in madaxweynihii su’aashu meel cidhiidhi ah gelisay ayaa isaga oo ka faa’iidaysanaya fursadda u dagantay marqudha sare u booday oo intuu ismarooriyay ku dhuftay; “Dhuuboy ila dheel, lugta dhiibi dhiibi, dhaqaaji garbaha, dhexda aan ku qabtoo, isku kaa dhejiyee, aan jacaylka jacaylka dhisnee”

dhaanishka :confused: I thought he is refering to Denmark. Wallee marqaanku wax walba wuu ku tusaa. Boqoraday xaal qaado! markaan waxan aqriyey waxaan soo xasuustay suuqi waalida iibsha iyo Xaynoosh Sanqoole.

 

Ta kale o ma aanan ogayn in SL aay bariga, galbeedka, waqooyiga iyo konfurta London ku leedahay safiiro. Waxaa taa kasii darin Safiirka Arsenal & Tottenham. loooooool! This really cracked me up wallahi!!

 

Thanks JB, keep it up... more of this sxb. We kinda bored here. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this