Cowke Posted January 17, 2010 Waraysi: Wasiirka Duulista Hawada & Garoomada Puntland oo Ka Waramay Hawlo uu Ka Qabtey Gobolka January 17, 2010 Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo garoomadda ee Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan ayaa soo gaba gabeeyey socdaal shaqo uu ku tegay magaaladda Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Wasiirka oo maanta uu waramayey Horseed Media isagoo soo gaba gabeeyey Socdaalkiisa ayaa sheegay in ujeedada ugu weyn ee uu u tegay magaaladda Gaalkacyo ay ahayd in uu soo dhagax dhigo garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo. Axmed Cali Cismaan Wasiirka Duulisya & Garoomada Dhegayso Waraysiga Wasiirka: Wuxuuna Wasiirku Sheegay in uu si guul ah uu kusoo afmeero socdaalkiisa, isagoo sheegay in garoonka diyaaradaha ee magaaladda Gaalkacyo lagu samayn doono dayactir iyo balaarin. Dhismaha Waxaa uu sheegay in darbi lagu wareejin doono garoonka isla markaana uu darbiga yahay 8-KM oo wareeg ah, iyadoo qeybta Terminaalka si weyn loo dhisi doono loona dayactiri doono. Lacagta ku baxayso dhamaan dhismaha ayuu Wasiirku ku sheegay in ay gaarayso $250,000-dollarka Maraykanka. Waxaana dhaqaalaha lagu dayactiri doono garoonkaas ay bixin doonto inta badan Hay’adda Qaramada Midoobay ee qaabilsan horumarinta ee WFP, sida Wasiirku uu sheegay oo aad u amaanay Hay’addaas. Wasiirka ayaa sidoo kale ka dhawaajiyey in garoonka la geyn doono Shaqaale khibrad fiican uu leh arimaha garoomadda, kuwaas oo uu sheegay in ay Wasaaraddu hoos tegi doonaan. Dhamaystirka Garoomada kale Md.Axmed Cilmi ayaa sheegay in dhowaan Wasaaradiisa ay bilaabi doonto howlo ay ku dhamaystirayso garoonka diyaaradaha ee magaaladda Garoowe ee caasimada Puntland ee Konoko. Waxaana uu sheegay in Dowladda Puntland iyo Wasaaradiisa ay iminka isugu diyaarinayaan in ay soo dhamaystiraan, isagoo sheegay in lacag aad uu badan ay ku bixi doonto dhamaystirka garoonkaas. Waa markii ugu horeysay Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawadda iyo garoomadda ee Puntland uu dib uu dhagax dhiigo garoon diyaaradeed oo ku yaala degaanadda Puntland. Horseed Media You can listen to the minister of tourism live here. HM Quote Share this post Link to post Share on other sites