Kowneyn Posted April 8, 2004 MAXKAMADA CARUUSHA OO KU BALAN QAADAY IN AY BILAABI DOONTO DHEGEYSIGA DANBIYADA LAGA GALAY SOMALILAND. Ismaaciil Barkhad Muxumud — ( ) — 8 April, 2004 -------------------------------------------------------------------------------- MAXKAMADA CARUUSHA OO KU BALAN QAADAY IN AY BILAABI DOONTO DHEGEYSIGA DANBIYADA LAGA GALAY SOMALILAND. Waxa aan ku hawlanaa mudo iminka wakhti laga joogo, sida aan u suurto gelin lahaa in la soo bandhigo lana dhegeysto, dacwadaha xasuuqa ah ee laga galay dadka reer Somaliland xilliyadii keligii taliyihii Siyaad Bare dalka ka talin jiray. Waxa ay gaadhaan dadka lagu laayay Somaliland 500.000 oo qof shan boqol oo kun oo qof, taas oo marka lagu qiyaaso dadkii lagu laayay Ruwandha noqonaysa tira ka yar, laakiin u baahan in la raadiyo xaqooda. Maxkamaduna naga aqbashay. Waxaan ka furtay ganacsi dalka Ugandha, oo aan hore uga sheekeeyey sababaha igu kalifay in aan ka furto, Waxaan kaloo kaga sheekeeyey in aan diyaar u ahay in aan wax la qabto dalkayga iyo dadkayga awoodi halka ay I dhigto mooyee. Waxaana ku jiray dadaal aad u balaadhan oo aan rabay in UN ogaalato in maxkamada Caruusha dhegeysto sida Ruwandha danbiyada laga galay loo dhegeystay dar la midana laga galay Somaliland, taas oo aanu ku doodnay in ummaduhu xaq u leeyihiin in ay u sinaadaan cadaalada iyo sharciga hortiisa, waxaanu kaloo qabnaa in dhegeysiga iyo is cafiska ku iman karo haddii dadkii laysu dhegeysto. Danbiyadii laga galay Somaliya guud ahaan waxay dawo u noqon kartaa, haddii laysu dhegeysto Somaliya iyo Qaarada Afrikaba, arrintani waxay u furaysaa wada cusub qaab nololeedka Afrika iyo hoggaamiyayaasha haga siyaasadooda. Waxaan hadaba intaa ka dib si kooban idiinku soo gudbinayaa reer Somalilandnow, in ay maanta gaadhnay guul iyo talaabo hor leh oo aynu ku cadaynayno in aanay jirin cid inta ay danbi inaga gasho ku raaxaysan karta huteelada waaweyn ee Afrika, kana talin doonta masiirka Ummada Somaliya kuwaas oo ay magacooda ku galeen danbiyo badan. Maxay naga aqbashay maxkamadu. Maxkamadu waxay naga aqbashay in la dhegeysto dacwadahaa horaanta sanadka soo socda, waxayna ku guubaabiyeen ama amreen dawladaha ku bahoobay urur goboleedka IGAD iyo dawladaha qaxoontinimada bixiyaba, in haddii aanu ka codsano mid ka mida hoggaamiye kooxeedyada iyo kuwa ula jooga marti ahaanba, oo iman waayaan wakhtiga aanu u qabano ay tahay, masuuliyad saaran iyaga in ay keenaan maxkamada horteeda, taasina tahay mid xaq loogu leeyahay oo ka mida sharciyada ay saxeexeen ee UN. Dadka aanu ku joogno raacdadooda ee naloogu balan qaaday in la dhegeysto waa dad badan, waxaase u horeeya gacan ku dhiigle, Maxamed Xaashi Gaani, Moorgan iyo Col; Cabdicasiis ku xigeenkiisii oo aanu ku joogno raacdo halka uu joogo oo aanan u hayn war iminka filaynana in aad noo soo gudbisaan. Ninkaas magaciisa ma soo gudbinayo iminka illaa aanu ogaano halka uu ku nool yahay, waxa uu ku xigay markii laga saaray SNM iyo dadkii degaanadaa ku noolaa dhulkoodii, wakhtigaas oo ay i Cabdicasiis iyo ku xigeenkiisuba ku kaceen xasuuq fara badan. Waxaanu idinka codsanaynaa in aad noo soo gudbisaan meesha uu ku nool yahay. Waxaa ka mida dadkaas qaar wasiiradii xilligaa ahaa sida, Cali samatar, c/rahmaan Jaamac Bare oo aanu ka hayno balanqaad xukuumada ay martida u yihiin haddii loo baahdo in ay imanayaan. Dadka aanu magacyadooda gudbinay oo gaadhaya 46 qof oo danbiile, waxaanu idinka codsanayaa in aad soo gudbisaan faldanbiyeedo waxa aanu hayno mooye waxa naga maqan ee idinka idinku dhacay ama aad arkayseen markay dhacayeen oo aad markhaati ka noqon kartid, wax laydiinka sheekeeyey looma baahna, anaga oo aaminsan dacwadahan oo aanu mudo uruurinaynay in aanu hayno in nagu filan oo aanu maxkamad ku taagno denbilayaashaas, hadana wax aad noo kordhisaan waanu idiinku mahadnaqaynaa. Hawshan yaa hormuud ka ah. Hawshan waxaa wada aniga oo ah Barkhad iyo saaxiibkayga qaaliga ah ee Tony Powel iyo labadayada qareen ee midna yahay Maraykanka, midna yahay Polishka ee kala ah Cadnaan Al-Qaalibi oo haysta dhalasho polish ah iyo Willian Harry oo ah nin maraykan ah. Waxaa iyana mudan saaxiibkay Bill Harry oo ah walaalka qareenka maraykan ah oo nala barbar istaagay dhaqaale iyo xoolo waxa aanu uga baahano oo aan la,aantii hawshani suurtogasheen. Waxaan isna qalbiga ka xusuustaa aadna iigu dheer Prof: Anthony Carlson oo ah khabiir ku takhasusay sharciyada waxna ka dhigi jiray jaamacada Cambridge ee cariga Ingiriiska , hadddeerna nala jooga Dalka Tansania si hwlahan farsamo ahaan wax nagala qabto. Waxaan kaloo halkan ku soo gudbin lahaa in ay tahay muhiin in aanu u sheegno dadka haya xogaha dhabta ah ee xasuuqyadii iyo ciddii geestay ee laga galay shacbiga Somaliland in aanu diyaar ula nahay in aanu anagu qabno kharashka ku baxaya inta ay joogaan dalka Tansaniya ee markhaatigooda la dhegeysanayo, kharashkaas oo noqon doona mid masaariif ahaan ugu filan maxkamduna xadidi doonto, haddii kale bahiyaha yaala awgeed baa la filayaa in aanu macluumaad been ah iibsanayno. Waxaan kaloo ku boorinayaa shacbiga Somaliland in aarintani tahay muhiim kana qayb qaataan, waxaa dhici doonta xilliyo ay hawshu geli doonto weji adag laynagana dalban doono qaar eedaysanayaal ah, markaa waxaan filayaa in aynaan xaqeena cidna uga hadheen, kagana carareen waa nala qolo oo dhiibi mayno, ama ixtiraam baanu u haynaa. Qofkaasi idinla qolo ma ahayn markii uu ka qayb qaatay xasuuqiina, ixtiraamna idiinma hayn, waxaan filayaa in idina aydaan maanta si cadaalada loo horkeeno haddii loo baahdo aydan odhanayn hadalaas. Waxaan kaloo ku boorinayaa taliyaasha Cidamada qaranka ee Jiida hore, kuna dadaalaya in ay xuduudaha soo xidhaan in ay ilaaliyaan xuquuqda shacbiga Somaliland ee halkaas degan, oo haday ku tagri falaan aanu u gudbin doono shakhsiyaadkaas maxkamada lafteeda. Waxaanse ugu mahadnaqayaa qaabka ay hawsha u wadaan illaa iyo hadda iyo dad jacaylka iyo dal jacaylka ay u muujiyeen degaanadaas. Waxaan u mahadnaqayaa oo hawshan wax ka qoray ama naga siiyay macluumaad ururadan iyo shakhsiyaadkan hoos ku qoran. Waxaa hawshan door libaaxnimo ka qaatay. 1. ururka Raaqiya Oomaar iyo iyada lafteeda oo mudo ku hawlaneed hawshan. 2. Shakhsiyaad ka mida guddidii loo saaray dabagalkii xasuuqa ee Somaliland laga galay. 3. Mujaahidiintii SNM iyo Siyaasiyiintoodii oo door wayn ka qaatay raadinta xogahan. 4. Urur qarameedka KULMIYE oo aad noogu booriyey in aanu adduunyada u bandhigno danbiyadii Somaliland laga galay. 5. Xukuumada Somaliland wasiiro badan iyo masuuliyiin sarsare oo ka mida. 6. Ururka Ucid xubno ka tirsan oo qurbo jooga. 7. Haweenkii mujaahidiintii SNM iyo agoomihii Mujaahidiinta . 8. Golaha Salaadiinta Somaliland oo door wayn ka qaatay,aanuna ka xunahay ninkii aadka noola shaqeeyey oo maanta xidhan Boqor Cismaan Aw-maxaumuud Buurmadow oo ah nin u dooda xaqa dadka la dulmiyey. 9. Waxaanu kaloo u mahadnaqaynaa dhamaan shacbiga Somaliland oo dhan, oo isla kaaya barbartaagay taageero iyo guubaabo. Waxaan kaloo mahad aad u wayn u gudbinayaa saxaafada Somaliland oo hal doorkii noqotay horumarinta ummada Somaliland, waxaanu kaloo ku soo gabagabaynayaa xukuumada Somaliland in ay hawshan nagu keliyeen oo aad moodo in ay nagu kaliyaysay, ugana baahanahay taageero inta hadhay. Waxaan ku soo gebegebaynayaa waa maalin weyn iyo taariikh hor leh oo u bilaabantay reer Somaliland, illahay baa mahadaa leh ee cid kale malaha . Waxaan leeyahay daawanaayow waa dadkaagii ee la qabo wax. Ismaaciil Barkhad Muxumud. Barkhad63@hotmail.com The war criminals will wish they had kept a low profile. Kowneyn Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saxardiid Posted April 8, 2004 very good news for the people in Somaliland and somalia as well. but who should they start Gen Morgan or Col Reyaale? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gabbal Posted April 9, 2004 Anyone can write what they want, let's not all rush to it like it's true. Why haven't any news organizations, even Somali ones, report it? Second of all why would an international organization name "Somaliland" and not crimes commited in Somalia? For those of you who forget, "Somaliland" is still a legal part of Somalia, whether you like it or not. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Qudhac Posted April 9, 2004 this is great news for those who commit crimes against the people of somaliland will sooner or later face justice, if death doest catch them first. whether international comminity or the somaliland government delivers this juices but the important think is that these individuals pay their dues to the people of somaliland and somalia. but until then let them live marked men. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Som@li Posted April 9, 2004 GOOD NEWS,,SOMALILAND GOVERN MAY REJECT THIS, AS THEIR LEADER ,RIYALE, WILL BE AMONG THE FIRST ONES CALLED FOR INTEREGATION! Quote Share this post Link to post Share on other sites