Sign in to follow this  
General Duke

Qaynyare confuses himself in less than a week.

Recommended Posts

Qanyare oo todobaad gudihiis jeediyey hadalo iska soo horjeeda

 

Muqdisho- 21.November.2005 Wasiirka amniga Qaranka DFKMG ah ee Soomaaliya Maxamed Qanyare Afrax ayaa jeediyey hadal burinaya oo ka soo horjeeda kii horaantii

todobaadkii hore uu jeediyey ee ahaa in Xubnaha Dawlada ee ku sugan Muqdisho ee isugu uu ka mid yahay ay tanaasul sameeyeen si loo dhameeyo khilaafyada DFKMG ah ee golayaasheeda ku kala sugan Muqdisho iyo Jawhar.

 

Max’ed Qanyare ayaa sheegay inaaney marnaba ka tanaasuleynin wax uu tilmaamey qodobadii la isku hayey ee qaarkood sida uu sheegay ka hor imaanaya axdiga Qaranka ee Dawlada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya.

 

Wasiirka amniga Qaranka Maxamed Qanyare wuxuu sheegay iney ka tanasuleen qorshahoodii ahaa in wada hadalada xubnaha labada gole ee uu khilaafka ka dhaxeeyo ay ka dhacaan dalka dibadiisa, isla markaana ay Beesha Caalamku ka qeyb qaadato, waxaase uu ku celiyey inaanay ka tanaasulin qodobadii la isku hayey ee dhinaca sharciga ama Axdi Qarameedka.

 

Maxamed Qanyare ayaa dhinaca kale ka hadley kulanka wada hadalada labada dhinac ee dowladda waxaana uu sheegay in inay diyaar u yihiin meel kasta oo lagu qabto, balse amaankooda ay iyagu suganayaan oo aysan aqbali doonin in loo sameeyo damaanad qaad xaga amaanka ah.

 

“Goobta kulanka wada hadaladu ka dhacayaan waxa ay noqon doontaa meel ka caagan hubka iyo ciidamadaama waxa ay noqoneysaa goob qof waliba uu qoryahiisa la yimaado.†ayuu yiri Maxamed Qanyare, oo intaasi ku daray in wixii dhinacooda lagu caddeeyo iney ku gardaran yihiin ay ka tanaasuli doonaan.

 

Wasiirka amniga Qaranka Maxamed Qanyare Afrax ayaa goor sii horeysey oo todobaadkan ah wuxuu sheegay inay diyaar u yihiin wadahadal kasta oo dhexmara Xubnaha Dawlada kaasi oo aan ku xirneyn wax sharcuud, waxaana uu sheegay xiligaas inay qaateen fikrada Madaxweynaha iyo Ra’isalwasaaraha ee ku aadaneyd in golayaasha Dawladu ay iyagu xalistaan wixii khilaaf ah ee ku dhex jira.

 

Hadalkan kale ee ka soo yeeray Max’ed Qanyare ayaa ku soo aadayaa iyadoo maalinimadii shaley xubnaha dowladda ee ku sugan magaalada Jowhar ay si diiran u soo dhaweeyeen talaabadii tanasulaadka ah ee xubnaha Muqdisho soo jeediyeen.

 

Axmed Aar

SBC Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this