Sign in to follow this  
General Duke

Algiers: Somalia gains the support of many Arab countries.

Recommended Posts

Shirka sare ee Jaamacadda Carabta oo xaaladda Soomaaliya lagu faaqidey

 

Algiers - 20.March.2005 Kulanka maalintii shalay uga furmay magaalada Algiers ee xarunta waddanka Algeria, wasiirrada arrimaha dibadda ee Jaamacadda Carabta ayaa si weyn loogu soo qaaday xaaladda dalka Soomaaliya, iaydoo uu dawladda federaalka Soomaaliyeed uu uga qayb gelayo wasiirka arrimaha dibadda, Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil.

 

Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil oo hadal ka jeediyey shirkii wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Carabta ayaa wuxuu wasiirku waddamada carabta kaga dalbaday taageero dhinac walba leh oo ay la garab istaagaan dawladdiisa.

 

Wasiirku waxaa uu ku nuux nuuxsaday sida ay Soomaaliya lagama maarmaanka ugu tahay taageeradda ururka Jaamacadda Carabtu gaar ahaan dhinacyada dib u dhiska iyo nabadgelyada Soomaaliya.

 

Haddalkii Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil kadib, ayaa waxaa taageero ay Soomaaliya la garab istaagaan waxaa halkaasi kaga dhawaaqay dalalka, Saldannadda Cumaan, Boqortooyada Sucuudi Areebiya, Imaraadka Carabta, Masar, Yaman, Suudaan, Jabbuuti iyo Kuwait.

 

Kulanka wasiirrada arrimaha dibadda ee haatan ka soconaya waddanka Algeria ayaa waxaa sidoo kala lagaga hadlay xaaladaha dalalka Falatiin, Ciraaq, Lubnaan, iskaashiga ururka Arab League iyo AU iyo EU.

 

Xoghayaha Ururka Jaamacadda Carabta Camar Muuse, ayaa isna ku dheeraaday taageero loo fidiyo dawladda Federaalka Soomaaliyeed, waxanu dalalka ku jira xayndaabka Jaamacadda Carabta uu ka codsaday in Soomaaliya si degdeg ah loogu gurmado.

 

Ayaan Cabdi Xuseen

SBC Boosaaso

Share this post


Link to post
Share on other sites

Algereis: Arimaha Soomaliya oo siweyn loogaga hadlay Shirka Jaamicadda Carabta ee Algeris

- Sunday, March 20, 2005 at 12:06

 

Algereis: Shirkii Wasiiradda Arimaha Dibadda ee Dalaka Jaamicadda Carabta ee Shalay ka bilaamay Magaalda Algeris, ee dalka Algeeriya ayaa meel sare maraya, halkaas oo looga hadlay arimaha Soomaaliaya, Suudaan, Falastiin, Ciraaq, Libnaan, baarlamaan Carabtu yeelato, iskaashi dhexmara Wadamada carabta iyo Afrika, iyo xiriir dhaw oo ay yeeshaan Midawga Yurub iyo Jaamicadda Carabta. Arinta Soomaaliya oo muddo dheer qaadatay.

 

Waxaana Wasiirka Arimaha Dibadda ee Dawladda Federaliga ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil uu ka jeeday shirka hadal dheer oo soo jiitay wafdiyada kaasi oo murtidiisu ahayd in Dawladaha Carabtu maantay Soomaaliya la garab istaagaan taageero dalka dib loogu dhiso, laguna soo celiyo Soomaaliya kala dambayn iyo nabadgelyo waarta.

DKMS waxay codsatay ciidamo dalalka carabta ka socda iyo dhaqaalihii loogu adeegi lahaa dalka Soomaaliya.

Waxaana markii hadalkii Wasiirka, Cabdulaahi Sh. Ismaaciil ka dib taageeray codsiga DKM, Wasiirada Arimaha dibadda ee Boqortooyada Sacuudi Caraabiya, Suldanada Cumaan, Jamhuuridda Yemen, Suudaan, Kuwayd, Jabuuti, Imaaraadka Carabta ee Midoobay (UAE), Jamhuuriyadda Carabta ee Masar iyo wakiilada kaleeto ee wafuudda carbeed.

 

Waxaana aakhirkii arinta Soomaaliya aad uga hadlay Xoghayaha Guud ee Jaamicadda Carabta Caamir Muusa, kaasii oo ku dheeraaday in iminka si deg deg ah carabtu ugu gurmato DKMS iyo sidii ay lugaheeda isugu taagi lahayd.

 

Waxaa dalalka carabtu ugu yabooheen Soomaaliya wixii ay waydiisatay, taasi oo Wafdiga Wasiirka dibaddu Cabdullahi Sh. Ismaciil aad uga mahadceliyeen taageerada walaalahooda Carbeed.

 

Waxaa la filayaa in maalinta Talaada ee soo socota in shir Madaxeedka Dawladaha Jaamicadda Carabtu bilawdo ayna kama dambayn qalinka ku duugaan, qodobada wasiirada dibaddu isla meel dhigeen ilaa iyo haatan.

 

Cabdirashid Aden Sed

 

Wafdiga Soomaaliya ee Algeris

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this