Sign in to follow this  
General Duke

Al Shabaab attacked by IndaCade led clan militia

Recommended Posts

Dagaal u dhexeeya Al-Shabaab iyo maleeshiyooyin oo ka bilawday Sh/hoose

 

Posted by Muqdisho

Thursday, January 15 @ 05:22:44 EST

 

 

Dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa saaka ka bilawday deegaanka Number 60 oo ka tirsan gobolka Shabeelada hoose, kaasoo u dhexeeya xoogag kamid ah ururka Al-Shabaab iyo maleeshiyooyin kamid ah kuwii laga eryey gobolkaas bilo ka hor.

 

Dagaalkan oo bilawday waaberigii Saaka ayaa wariyeyaashu ay sheegayaan in qarxay kadib markii kooxa hubeysan ay weerar ku soo qaadeen fariisin ay ciidamada Al-Shabaab ku leeyihiin deegaanka Number 60, taasoo keentay in hal mar ay is fara saaraan labada kooxood oo la sheegayo in maleeshiyooyinka la dagaalamayo dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ay yihiin kuwii horay gobolka Shabeelada hoose uu bilo ka hor ay Al-Shabaab gobolka ka eryeen.

 

Inkastoo aan la heyn khasaaraha dhabta ah ee uu dagaalka geystay ayaa haddana dadka deegaanka waxaa ay sheegayaan in khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu dagaalkan sababay oo soo kala gaaray laba dhinac.

 

Saraakiil kamid ah Al-Shabaab ayaa warbaahinta Muqdisho u sheegay in ciidameeda ay weerar saaka kula soo dhaqaaqeen maleeshiyooyin ay sheegeen in ay ka tirsan yihiin maamulkii gobolka Sh/hoose gacanta ku heyn jiray.

 

 

C/llaahi Axmed Culusow

Muqdisho/Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Magaalada Muqdishu oo inteeda badan gacan u gashay maleeshiyo beeleedyo uu hogaaminayo Indhacade

Posted to the MOL January 15, 2009, 10:11 am

 

Ka dib markii ay ciidamadii Itoobiya si habqan ah u faaruqyeen saldhigyadii ay ku lahaayeen magaalada Muqdishu ayaa waxaa saldhigyadaas la wareegay maleeshiyo beeleedyo uu hogaaminayo Yuusuf Indhacade oo ka mid ahaa dagaal oogayaashii magaalada Muqdishu.

 

Indhacade oo lagu xasuusto tacadiyadii ay maleeshiyo beeleedkiisu ka gaysteen deegaanada koonfurta Somaliya siiba magaalooyinka Marka, Dhoobley iyo Kismaayo ayaa hadda u muuqda inuu hab beeleed kula wareegay xoogagii ka soo horjeeday joogitaanka ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowlada KMG ah ee magaalada Muqdishu.

 

Kooxaha maxkamadaha ee uu hogaamiyo Sh. Shariif ayaa horey u sheegay inay magaalada ka saari doonan xoogaga Alshabaab oo ay ku sheegeen inay isugu jiraan kooxo ka soo dagaal tagay deegaano kale oo Somaliya ah. Taas oo ay ula jeedaan in Muqdishu ay gooni u tahay beelaha ******.

Dhinaca kale maleeshiyo taageersan Indhacade ayaa weerar ku qaaday KM60. Maleeshiyadaas ayaa doonaya inay mar kale gacanta ku dhigaan magaalada Marka oo uu ka talin jirey Indhacade haddana ay ka jirto maamul islaami ah oo ay dadka deegaankaasi sameysteen.

 

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this