Sign in to follow this  
General Duke

EU, UN, US and the world welcomes Somalia National Reconciliation Congress

Recommended Posts

shirkafeyl.jpg

 

EU welcomes Somalia National Reconciliation Congress

 

BRUSSELS, July 18 (Xinhua) -- The European Union (EU)'s Portuguese presidency welcomed on Wednesday the launching of the National Reconciliation Congress in Somalia on Sunday, hoping for start of national reconciliation as soon as possible.

 

"The European Union reiterates its support for the National Reconciliation Congress and efforts to promote peace and stability in Somalia," the EU presidency said in a statement.

In the statement, the EU presidency also encouraged all Somali actors to renounce violence and participate constructively in the Congress.

 

It underlined the importance of an environment that is conducive to reconciliation and allows all parties to engage in the Congress.

he EU strongly condemns any attempt to undermine the spirit of reconciliation or the security of the venue of the Congress," said the statement.

 

Somalia has been without a central authority since warlords overthrew former ruler Mohamed Siyad Barre in 1991.

 

The current internationally backed Transitional Federal Government was set up in 2004 in Nairobi, the Kenyan capital, and has been struggling to establish its authority in the restive Somali capital of Mogadishu since it took over with the backing of neighboring Ethiopian troops last December.

 

Source: Xinhua

Share this post


Link to post
Share on other sites

UN chief wishes success for reconciliation talks in Somalia

14 Jul 14, 2007 - 6:30:06 PM

 

UN Secretary-General Ban Ki- moon on Friday voiced hope for a successful national reconciliation conference in Mogadishu, capital of Somalia.

 

"The secretary-general wishes the people of Somalia a successful beginning to the National Reconciliation Congress scheduled to start this weekend in Mogadishu," said a statement issued by Ban's press office.

 

He urged "continued efforts to ensure the broadest possible participation in the process," it said.

 

The UN chief condemned the violent incidents and threats in recent days aimed at disrupting the conference and called on opposition groups inside and outside Somalia to renounce violence and join the reconciliation process.

 

"The secretary-general stresses that the National Reconciliation Congress is the beginning of the process of rebuilding consensus in Somali society," it said.

 

Ban said the United Nations would "continue supporting all- inclusive efforts at national reconciliation and greater international assistance to help bring peace and stability to Somalia."

 

Amid threats of insecurity and disruption from insurgents, Somalia is bracing up for the twice-delayed peace conference which looks set to be held on Sunday.

 

Source: Xinhua

Share this post


Link to post
Share on other sites

John Yates United States special envoy for Somalia express his effusive support to the ongoing Somali Reconciliation Conference in an exclusive interview with HornAfrik.Thu-19-July-2007

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mareykanka oo beeniyay hadalo ka soo yeeray RW Geedi

Click here to find this article in English

 

Mogadishu 19, July 07 ( Sh.M.Network)- Dowlada Mareykanka ayaa si weyn u beenisay hadalka dhowaan ka soo yeeray ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geedi oo uu ku sheegay in shirka dib u heshiisiinta uu fashilmayo haddii uusan helin dhaqaalahii lagu socodsiin lahaa ee laga sugayey beesha caalamka.

 

Danjiraha Mareykanka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya John Yates oo maanta u waramayey Shabakada Warbaahinad Shabelle isagoo jooga Nairobi ayaa waxa uu ka horyimid war dhowaan ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha oo uu kaga digay in shirka nabada uu la kulmi doono caqabad ah inuu burburo sababo la xiriira iyadoo aan la aheyn maal-gelintii laga filayey Mareykanka iyo Q.M, waxa uuna Yates ku tilmaamay in hadlkaasi uu yahay mid lala yaabo.

 

“Haa waan arkay wararkaasi uu sameeyey ra’iisal wasaaraha…..aad baana ula yaabay sababtoo ah si cad ayaana u sheegay taageerada aan u haayno shirka…haddii ay ahaan laheyd Midowga Yurub iyo wadamada kale ee deeqaha bixiya….marka aniga aad uma hubo…dabcan waxaad tixraacaysaa arrimaha dhinaca amaanka…waayo waxaa jira weli walaaca xaga amaanka ah oo ay qabto

beesha caalamka….laakiin inta aan aniga ogahay waxaa jira taageero

maaliyadeed oo loogu tala galay shirka oo Mareykanka uu ku doonayo in

shirka uu ku guuleysto,”

 

Mar wax laga weydiiyey sida shirak uu ku socon karo mar haddii ay jiraan cabasho ay muujinayaan qaar ka mida beelaha Soomaalida ayaa Mr. Yates waxa uu sheegay in arrintaasi ay tahay mid dhib badan laakiin sida uu isaga uu qabo la xalin karo waayo buu yiri Soomaalida iyaga ayaa laga rabaa inay dhameeyaan muranada ka dhex jira beelaha.

 

 

Click here

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mareykanka oo soo dhawaweeyay shirka dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed.

 

July -21-2007-HornAfrik, Mogadishu. .

 

Qoraal ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Nayroobi ayaa lagu soo dhaweeyay shirweynaha dib u heshiisiinta qaran ee ka soconaya magaalada Muqdisho.

 

Ooraalka safaarada ayaa lagu muujiyay sida Dowlada Mareykanka ula dhacsan tahay sida loogu guuleystay furitaanka shirka dib u heshisinta qaran , waxa ayna ugu baaqeen dhinacyada ka qeyb galaya in wadahadaladooda ay noqdaan kuwa wax dhisaya .

 

Dowladda Mareykanka ayaa ku boorisay dowladda fadaraalka soomaaliya in si aad ah ay u fuliso waxyaabaha najiidada ah ee ka soo baxa shirka dib u heshiisiinta.

 

Waxaa sidoo kale ay aad u soo dhaweysay dowladda mareykanka hadalkii Madaxweynaha soomaaliya uu ka jeediyey shirka furitaankiisii waxaana ay horay ugu deeqday shirka dowladda Mareykanku kaalmo lacageed.

 

Shirka dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed ayaa iminka waxaa uu si rasmi ah uga soconayaan Magaalada Muqdisho iyadoona la rumaysan yahay in khilaafyo badan ay ka dhex taagan yihiin qeybo kala duwan oo soomaali ah kuwaas oo dhamaantoodba dhaliilsan shirka doonayana in laga dhigo shir siyaasadeed wallow Raysal wasaaraha dowladda fadaraalka soomaaliya Pro:Geeddi uu sheegay Maalinimadii khamiista ahayd in talaabada xigta ee shirka kadib ay ahaan doonto mid looga hadlo siyaasad.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Addiss ababa: Midowga Africa oo Rajo ka muujiyay Shirka dibu heshiisiinta beelaha Soomaalida

21. juli 2007

 

 

Addiss ababa(AllPuntland)- Midowga Africa ayaa waxa ay soo saareen Bayaan ay ku taageerayaan shirweynaha beelaha Soomaaliyeed uga socda Magaalada Muqdisho ee caasumadda Soomaaliya.

 

Midowga Africa ayaa waxa ay ku tilmaameen Bayaankooda in shirka Muqdisho yahay mid Soomaaliya ka dhigaya Mid nabdoon ayna Soomaalida oo aan cidna udhaceyn ay wada hadlayaan.

 

Goluhu wuxuu kaloo sheegay in gudiga qaban qaabada shirku yahay mid si dagan uwada shirka isla markaana shirku ku socda wado nabdoon ,lagana ilaalinayo waxyaabaha keenaya muran dhexmara beelaha Soomaaliyeed ee kulankan ka qeybgalaya.

 

Midowga Africa ayaa wuxuu soo dhaweyn umuujiyay qodobada looga doodayo shirka dibu heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed oo maanta oo sabtida ah ,laga doodayo ajandayaasha shirka horyaala.

 

Gudiga qabanqaabada shirka ayaa waxa ay horay usheegeen in shir noqon doono mid najaxa dawlada Soomaaliyana waxa ay ku taageertay go'aankaasi ,ayadoo ku tilmaamaytay mid Soomaaliya ku soo celinaya kala danbeyntii.

 

Bayaanka Midowga Africa oo muuqday mid xasaasi waxaa kaloo lugu taageeray hawlgallada ay caasumada Soomaaliya sida wada jirkaa uga wadaan Ciidamada dawlada Soomaaliya oo ay taageerayaan Kuwa dawlada Itoobiya.

 

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowladda Maraykanka oo soo dhowaysay furitaanka shirka dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed

 

Waayaha.net

 

Nairobi (July20,07): Sida uu ku cad qoraal uu soo saaray Tom Casey oo ah ku simaha af hayeen wasaaradda ariimaha ee Maryakanka ayaa dowladda Maraykanka waxay soo dhowaynaysaa shirkii dib-u-heshiisiinta ee Axaddi la soo dhaafay, July15,2007, ka furmay magaallada Muqdisho, waxyana dowladda Maraykanka tilmaantay inay filayso in shirku ku talaabsado toddobaaddada soo socda horumar cad oo la taaban karo.

 

 

 

Qoraalkan ayaa lagu sheegay in dowladda Marykanku dhiiri gelinayso sida cad ee uu madax-weyne C/llaahi Yuusuf u sheegay in shirkan looga hadli doono arrimaha siyaasadda, sida awood qaybsiga iyo iyo wax qabadka xilliga kala guurka ah sida uu qorayo cahdiga ku-meel-gaarka ah ee federal-ka waa sida hadalka loo yiriyee, iyo waliba in xukuumadda Federal-ka ee ku-meel-gaarka ah ay dadrdar gelin doonto wixii ka soo baxa shirka dib-u-heshiisiinta,

 

 

 

 

 

Qoraalka ayaa ugu baaqay in dhammaan qaybaha muhiimka ah ee Soomaalida ay si buuxda uga qayb qaataan shirkan iyadoo ujeeddadu tahay wax dhisid iyo in fursaddan ay u isticmaalaan Jid-khariidadeed (Roadmap) xasuusin u noqda hanaanka xilligan kala guurka inuu horseedo doorashada 2009ka.

 

 

 

Sidoo kale ayaa qoraalku ugu baaqay xukuumadda qaranka, guddiga dib-u-heshiisiinta, iyo dowladda federal-ka ku-meel-gaarka ah in abuuraan jawi ay kaga soo qayb geli karaan dhamaan qaybah muhiimka ah ee ay haboontahay inay shirka dib u heshiisiinta ah ka qayb galaan oo gacan ka geysanaya sidii xal siyaasadeed loogu dhamayn lahaa arrimaha Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Uganda oo rajo ka muujiyey shirka dib u heshiisiinta Soomaalida

 

Mogadishu 21, July 07 ( Sh.M.Network)- Madaweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa rajo wanagsan ka muujiyey wada hadalka nabada ee Soomaalida ee socda, isagoo sheegay in wada hadalkaasi uu xal u keenayo colaad mudada dheer soo taagnaa, sida ay qortay wakaalada wararka ee Xinhua .

 

 

 

Yoweri Museveni, Madaxweynaha Uganda

Museveni ayaa u sheegay raga wararka fidiya isagoo jooga caasimada Kampala in qeybaha dagaalamaya ay kaga faa’iideysan karaan inay la yimaadaan xal adag oo loo helo colaada dhibaatada gelisay dadka Somalia.

 

"Habka horey loogu dhaqaaqi karo waa iyadoo shirka nabada la si wado, waxa ay heli doonaan xal looga gudbo mushkilada,” ayuu yiri Museveni isagoo intaa ku daray in xaalada Somalia ay iminka caadi ku soo laabanayso inkastoo rabshado ay ka jiraan caasimada Somalia

 

Shirka oo ujeedadiisu ay tahay in lagu heshiisiiyo kooxaha is khilaafsan ee caqabada ku ah in Soomaliya ay caadi ku soo laabato ayaa Axadii hakad galay markii kooxo aan la garaneyn ay hoobiyaal ku weerareen meel ku dhow goobta uu shirka ka dhacayey.

 

Museveni ayaa xusay in ciidamada Ethiopia ee gacanta ku siiyey dowlada KMG inay dalka ka saaraan maxaakimtii Islaamiga, aan xiligan la saari Karin inkastoo buu yiri Midowga Afrika uu ku guuldareystay in dalka Somalia ay geeyaan ciidamadii ay balan qaadeen.

 

Waxa uu hadana yiri “Ethiopian-ka waa inay isaga baxaan Somalia sababtoo ah Soomaalida waxa ay u arkaan cadow soo jireen, dhibaatada keliya ee arrintan ayaa ah in wadamada kale ee African ka aanay weli ciidamadooda geeyn Somalia oo ciidamada Ugandana aanay keligooda halkaa joogi Karin sababtoo ah iyagoo aad u tiro yar, howsha ay ka badan tahay,”

 

Madaxweynaha Uganda waxa uu intaa ku daray oo uu ku Adkeystay in sababtaasi ay tahay in mida keenaysa in ciidamada Ethiopia ay sii joogaan Somalia.

 

Waxa uu soo dhoweeyey ciidamada Uganda ee la keenay dalka isba-badelka badan ee Somalia isagoo sheegay in xaalada ka jirta Muqdishu ay u muuqato mid caadi ku soo laabanayso.

 

"howshooda aad bay u wanaagsaneyd, waxaana uu sheegay inay ku fara-adeygaan amaanka garoonka diyaaradaha, dekada iyo madaxtooyada iyo meelaha kale ee loo xilsaaray, hadii howshaasi si wanagsan loo qabto waxay keenaysaa in Somalia ay aduunka ku furanto oo dowlada KMG-na ay hesho daqli,” ayuu yiri Musaveni.

 

Ilaa sideed kun oo askari oo xoogan oo ka socda Midowga Africa ayaa loo baahan yahay si ay xasilooni ugu soo dabaalaan dalka ay dagaalada kala gooyeen ee Somalia, laakiin kala bar ciidmadaasi ayaa la balan qaaday.

 

Uganda ayaa ilaa hadda ah dalka keliya ee Somalia u diray kun iyo shan boqol oo askari oo nabad ilaaliyaal ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Uganda oo tageeratay shirka Muqqdisho

22 Jul 22, 2007 - 6:15:29 AM

 

Dowlada wadanka Uganda ayaa shaaca ka qaaday inay tageero hiil iyo hooba u fidinayso Shirka dib u hishiisiinta Beelaha Somalia ee dhawaan ka furmay magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia.

 

Hadalakan ayaa waxaa shaaca ka qaaday Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni oo war fidiyenada kula hadlayay magalada Kampala ee casimada u ah dalka Uganda.

 

Museveni ayaa tibaaxay in Shirka lagu heshiisiinayo Beelaha Somalia uu yahay xalka kaliya ee u furan Somalia ee nabad waarta lagu dhalin karo loona baahan yahay in dhammaan kooxaha is diidan ee Somalia ay ka soo qayb galaan si loo tuurxaan bixiyo wax yaabaha laysku hayo ee dhaliyay dagaalada Somalia isla markaana lagu dhayo Shirka boogaha colaadda oo ay Somalidu kala tabanayso.

 

Museveni ayaa yiri" Somalia waa dal ay daa shaden dagalo iyo is qab qabsi siyasaded oo dhaliyay dagaalo ay ku hoobteen kumanaan Somali-ah waxaana loo baahan yahay in xiligan ay wadamada Geeska Africa ay u istaagaan gacan qabadka DF Somalia oo ah tan sharciga ah ee la aqoonsanayahay"

 

Waxa uuna ugu baaqay wadamada Africa ee horay u balan qaaday in ay Soomaaliya ciidamo u soo dirayan aya soo dedejiyan ciidamadooda si loo sii amba qaado shaqada hay'adaha Federaalka Somalia.

 

Wadmada Africa ayaa horay u balan qaaday ciidamo gaaraya 8000-ku oo Askari oo aan ilaa iyo hada soo gaarin Somalia marka laga reebo 1600-Aska ka socota Uganda.

 

Cabdi Fatax Axmad,GO

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this