Gar-haye Posted May 12, 2008 3 askari oo ka tirsan Maamulka G/Sh.hoose oo ay Ciidamada Itoobiya ku dileen deegaanka Leego Beerdhiga 12.05.2008 21:03 Ciidamo Itoobiyaan ah oo maanta gelinkii hore dagaal ku qabsaday inta u dhaxaysa deegaanka Leego iyo Buur-hakaba isla markaana khasaaroyin laxaad leh loogu gaystay lagana gubay 3 ka mid ah gaadiidkii ay wateen ayaa Tuulada Leego ku dilay 3 ka mid ah askarta DKMG ah ee la shaqaysa gumasyiga Itoobiya oo ku sugnaa bar koontarool oo hoos tagta Maamulka G/Sh.hoose. Ciidamada gumaysiga oo wata maydad iyo dhaawcyo fara badan ayaa la sheegay in ay ku soo hagaageen bar koontarool oo ay ku sugnaayeen askar ka tirsan dawladda ayaga oo caradii kula dhacay isla markaana toogatay 3 askari oo goobta ku sugnayd. Maydadka askartan ay maanta dileen Ciidamada gumaysigu ayaa waxaa laga soo qaaday goobtii lagu toogtay, dadkii shacabka ahaa ee ku sugnaa deegaanka Leego ayaa la sheegay in ay firxadeen casi ay ka qabaan Ciidamada gumaysiga oo aan kala soocayn dadka oo idil, waxaana la xaqiijiyay in ay jiraan dhalin yaro deegaanka ah oo ay itoobiyaanku qafaasheen. Maaha markii ugu horaysay oo ay Ciidamada gumaysiga Itoobiya dilaan askar ka tirsan dawladda ama dad shacab ah waxayna Deegaanka Yaaq-barwene todobaad ka hor ku gawraceen 9 qof oo rayid ah oo ay ka mid ahaayeen haween xilli sidaan oo kale weerar noocan ah loo gaystay waxaana caado u noqotay in hadii khasaaro ka soo gaarto dharbaaxooyinka Mujaahidiinta ay cidda ugu dhaw oo soomaali ah carada kula dhacaan xataa askarta dawladda oo ayaga ka barbar dagaalama. Majiraan ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka G/Sh.hoose iyo dawladda KMG ah ee la shaqaysa gumaysiga oo ku aadan falkan ay Itoobiyaanku ku laayeen askartan ka tirsan Ciidamada G/Sh.hoose. www.Beerdhiga.com "xabashi iyo dameeraba odaa oo daw ayeey ruugaan". mah mahda bilaash loma odhan. kuwa somalida kalee u xiniinya wayn oo isku sheega tfga, wataas axmaaro adinkaba digta diga idin dartay. ku ciqli qata. if this is not example of ethiopians hatred and indiscrimanate shedding of somali blood than i don't know what is. they kill the depodhilif as well as the dagalyahan and the innocent. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Geel_jire Posted May 12, 2008 ^ a few weeks ago they were torturing them now they are killing them ... they are doing the resistances job for them ....... ha is dhameeyaan hal xabo kama soo hadho ! Quote Share this post Link to post Share on other sites