Sign in to follow this  
General Duke

Hargaysa: Tensions high, Ethiopian Minister to mediate + huge anti Riyaale demo's

Recommended Posts

Wasiir Etoobiyaan ah oo tagey Somaliland

19 Aug 19, 2009 - 6:07:06 AM

 

Wasiiru Dawlaha arrimaha dibeda Itoobiya Dr.Tekeda Allemu ayaa maanta 19 August, 2009 duhurkii ka soo degay garoonka diyaradaha ee magaalada Hargeysa.

 

Wasiirka aya awaxaa garonka diyaardaha Hargeysa ku soo dhaweeyay Wasiiro ka tirsan Somaliland, Mudanayaal iyo dadweyne kale oo u badnaa xisbiga UDUB.

 

War kooban oo ay soo saartay Wasaarada arrimaha Dibedda Somaliland oo uu ku saxiixan yahay Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Md.C/laahi Maxamed Ducaale ayaa lagu sheegay in weftiga Itoobiya ay joogi doonaan magaalada Hargeysa mudo saddex cisho ah iyaga oo mudadasi kulamo gooni gooni ah la yeelan doona M/weyne Riyaale, hogaamiyayaasha axsaabta mucaaridka ah, shir-gudoonada labada gole iyo gudida doorashooyinka Somaliland.

 

Waxa kale oo warka lagu sheegay in ay sidoo kale xogogaal u noqon doonan xaalada guud ee Somaliland, balse laguma xusin warsaxafdeedkaan in ay qayb ka yihiin sidii loo damin lahaa khilaafka siyasadeed ee haatan ka dhextgan hay''adaha dowliga kaasi oo ka dhashay laalistii diwaan gelinta cod bixiyayaasha.

 

Dhanka kale waxa maalintii shalay lagaga dhawaaqay magaalada Hargeysa liis ay ku qoran yihiin shaqsiyad magac ku leh Somaliland oo isugu jira Abwaano, fananiin, ganacsato, aqoonyahan iyo waliba suxufiyiin waxan lagu sheegay ujeedadooda ugu weyn in ay kasoo shaqeeyaan sidii la isugu soo dhawayn lahaa dhinacyada isku haya siyaasada Somaliland oo haatan kala jooga meelo aad u kala fog, waxa sidoo kale haatan dhow mudadii ay balantu ahayd in ay dhacdo doorashada Madaxtooyada.

 

Dowladda Ethiopia ayaa xiriir dhow la leh maamulada Somaliland iyo Puntland kuwaasoo ay la qaybsato xuduud dheer.

 

Maxamed Jamaal, Garowe Online

Hargeysa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dadweynaha Hargeysa oo mudaaharaad ugu baaqay in uu iscasilo Riyaale

 

Dibad bax balaaran oo ay soo qaban qaabiyeen labada xisbi ee Mucaaradka ku ah maamulka Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland ayaa maanta waxaa uu ka dhacay Magaalada Hargeysa xarunta gobolka Waqooyi galbeed.

 

Dibad baxani oo ahaa mid rabshado balaaran watay ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Xisbiyada Ucid iyo Kulmiye oo iyagu siweyn uga soo horjeeda xisbiga Udub ee isagu talada Maamulkaasi haya isla markaana uu horkacayo Madaxweynaha maamulkaasi Mr Riyaale.

 

Wasiirkii hore ee wasaarada deegaanka maamulkaasi fuaad aadan Cade oo ka mid ahaa dadkii banana baxayaasha ahaa ayaa sheegay in banaanbaxa uu ahaa mid siweyn ay u kacsaneyd dadkii banan baxayaasha ahaa shacuurtooda, ayna siweyn uga soo horjeedeen madaxweynaha Maamulka Soomaaliland iyo Aimaha Doorashooyinka maamulkaasi.

 

Dadkii banana baxayay ayaa waxay xireen wadooyinka waaweyn ee Magaalada Hargeysa waxaana ay ku dhawaaqayeen ereyo lidi ku ah madaxweynaha maamulkaasi kuwasi oo ay ka mid ahaayeen(dooni meyno dibiga naaxay) doonimeyno daarro iibsade) iyagoo kor u lulayay boorar ay ku xardhanaayeen qoraalo iyana ka soo horjeeda madaxweyne riyaale.

 

Mudaaharaadyadan oo ahaa kuwo horay ay u iclaamiyeen xisbiyada mucaaradka maamulkaasi oo lagu waday in uu shalay dhaco ayaa maanta si toos ah u dhacay waxaana ay mudaahadaadyadan ujeedadoodu yihiin kuwo loogu baaqayo madaxweynaha gobolkaasi in uu xilka uu hayo isaga dego.

 

Si kastaba ha ahaatee labada Masuul ee iyagu hogaamiya labada xisbi ee mucaaradka ayaa iyaguna ka dhexmuuqday dadkaasi mudaaharaadka sameynayay iyagoo gobo fagaare ah hdalo uga jeediyay.

 

Majiraan wax warar ah oo ka soobaxay maamulka iyo masuuliyiinta haatan ee xilka Maamulkaasi haya, waxaase halkoodii ka sii soconaya mudaaharaadyadii ay sameynayeen dadweynaha Hargeysa.

 

Cali Dhagjar

SBC International Buuhoodle.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this