Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Kaftandhable: Kooxaha isku aadan

Recommended Posts

Ciid wanaagsan. Qoraalka hoos ku qoran adigoo murageysan ayuu haddana qosol hoosaad kaa keenayaa. Ila aqriya. It is just too much depressing waxa ka dhacaayo dalkeena not to crack a smile. Xoolo ayaa noqonay runtii.

_________________

 

Isku aadka dagaalka Muqdisho oo la soo bandhigey

 

Tan iyo markii ay bilowdeen dagaalada ka socda Koonfurta Soomaaliya ee u dhexeeya Ciidamada Itoobiya iyo Dowladda Federaalka oo dhinac ah iyo kooxaha ka soo horjeeda ayaa waxa uu soo maray marxalado kala duwan, inkastoo dadweynuhu ay si aad ah uga walwalsan yihiin dagaaladaasi, ayna ku waraareen haddana waxaad moodaa in xiliyadaan dambe ay isku aadka dagaalka soo fahmayaan, waxaana maqlaysaa koox dad ah oo sheekeysanaya lehna “Isku aadku waa sidee, oo caawa yaa kulmaya”, waxayna dadka oo waayo'aragnimadooda dhanka dagaalada soo noqnoqday ee Muqdisho ka faa’iideysanaya saadaaliyaan sida ay kulamadu u dhacayaan oo ay dhinacyadu isugu aadayaan. mid ayaa la soo boodaya oo dhahaya “Caawa kulan adag ayaa jira”, qaarba durbadiiba ka naxa balse yaa isku aadan baa loogu celiyey, “Isku aadku Caawa waxa uu noqonayaa Midowga Maxaakiimta vs Itoobiya”, inta madaxa gacmaha la saaro ayaa la wada qirayaa in uu kulankaasi yahay mid culus, balse qaar kale ayaa qaba in ay kulankaasi daawan karaan iyagoo ula jeeda in ay ka fog yihiin garoonka ay ka dhaceyso cayaartaasi, balse dadweynaha u dhow garoonka cayaartu ka dhaceyso ma ahan kuwa daawanaya cayaartaasi taa bedelkeedase waxay ku mashquulsanyihiin sidii ay uga gamban lahaayeen Hardanka Garoonka.

 

Qaababka isku aadku u dhaco ayaa dadka oo in badan goob joog u ah, waxayna ku saleeyeen in ay sidaan kulamadu u dhici karaan.

 

Ugaandha vs Alshabaab

Midowga Maxkamadaha vs Itoobiya

Ugaandha vs Raaskambooni

TFG vs Jabhadda Islaamiya

Ugaandha Vs Midowga Maxaakiimta

Alshabaab vs Itoobiya

Raaskambooni vs TFG

TFG vs Midowga Maxaakiimta

Alshabaab vs TFG

Raaskambooni Vs Itoobiya

Burundi vs ...

 

Kulamadaan waa Kulamo aad u dhibaato badan oo aan lahayn wax waqti ah balse waa ku soo boodo, taasina waxaa aad uga walwalsan shacabka oo iyagu inta badan doonaya in ay isku aadka la socdaan si ay uga tabaabusheestaan.

 

Inta badan kooxahaan way is wada arkeen marka laga reebo Burundi, oo iyadu mar qura jug culus la gaarsiiyey, waxayna ku jirtaa difaac.

 

Kulamadii ugu dambeeyey haddii aan wax ka sheegno, waxay dhex mareen Alshabaab vs Ugaandha, waxa uuna kulankaasi ahaa mid adag oo sababay in ay dadweyne fara badani garoonka ka baxaan si ay kaga fakadaan hardanka labada kooxdood, markii uu dhamaaday kulankaasi ayay dadweynuhu waxay isla dhex mareen “Wellee xalay kulan dhacay, qaarkood waxay leeyihiin waxa uu ku dhamaaday barbardhac halka kuwo kalana ay leeyihiin waxaa 1-0 ku bediyey Alshabaab, waxa uuna kulankaani ka dhacay Guriga Ugaandha, waxaana Ugaandha looga fadhiyaa in ay Guriga Alshabaab aado, balse Kabtankooda ayaa yiri “Anagu ma tagi karno Guriga Alshabaab” waxaana la weydiiyey sababta waxa uuna ku jawaabay “No Comment." Balse markiiba waxaa la isweydiiyey kulanka xiga, mid dadweynaha ka mid ah ayaa qiyaasaya kulanka xigga, waxa uuna yiri “Caawa waxaa wada kulmaya Midowga Maxaakiimta vs Itoobiya”.

 

Wax la wada sugo waxaa laga war helay isla garoonka Ugaandha iyadoo la isku herdinayo, lafaha ayaana la iska jebiyay, waxa uuna ahaa kulankii ugu adkaa oo xasuusta dadka ka go'in, waxaana cayaartii markii ay dhamaatay la isla dhex maray labada kooxood ee xalay cayaartay waxayna dadka qaar sheegeen in kulankii xalay dhex maray Uganda Vs Midowga Maxaakiimta, balse waxaa dib laga ogaaday in xalay Ugaandha ay la cayaartay koox cusub oo lagu magacaabo Raaskambooni, waxayna dadku isweydiiyaan kooxdaan cusub, mid ka mid ah dadkii ayaa soo booday oo yiri “Waan aqaan kooxdaan oo Seria C ayay ahayd”, mid kale ayaa ugu jawaabay “Haddii Seria C ahayd kolleyba xalay waxay noqotay Seria A, dabyar ma shideyn waxayna dooneysaa in ay hogaamiso Horyaalka”. [
:D
]

 

Kooxda Raaskambooni waxay haddana foodda isdareen koox ka socotay TFG oo horyaalka uga jirtay kaalmaha hoose, waxay shacabku sheegeen in kulankaasi ahaa mid 1-0 ku badisay kooxda Raaskambooni, inkastoo TFG-da markii ay dambe ay cayaartooy ka heleen Itoobiya waxaana la isweydaarsaday darbado kulkulul oo ay waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ah.

 

Kooxda Ugaandha ayaa iyadu ka walwalsan Cayaartooy la’aan haysa kadib markii laga xiray garoonkii ay cayaartooydu uga soo degi jirtay, waxayna codsaneysaa in kulamada dib loogu dhigo, hase yeeshee Kooxda Alshabaab ayaa diidan dib u dhigistaas, waxayna ku doodeysaa in kulamada la joogteeyo.

 

Inkastoo isku aadku sidaa yahay, oo shacabku fahmeen haddana waxay ku wareersan yihiin xiliga la cayaarayo, iyadoo codsanaya in ay isku-aadka loogu daro waqtigiisa si ay u dabaabusheestaan oo aysan dhibaato ka soo gaarin

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this