Jabhad Posted November 23, 2006 Diyaaradda African oo ganacsato ay qaad kusoo qarsadeen oo Maanta lagu ganaaxay 7.000 oo doollar. Muqdisho, 23-November-06 ( Qaadisiya.com) Ciidamada Golaha Maxaakimta Islaamiga Soomaaliyeed ee ilaalada ka ah Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ayaa gacanta kudhigay qaad fara badan oo lagu keenay diyaaradda African Airway oo ganacsato ay kusoo rarteen qaad fara badan. Daawo Sawirada qaadkii la qabtay iyo sida loogu soo keydiyay Boorsooyinka. Qaadka oo laga soo buuxiyay Boorsooyin waaweyn iyo marooyin waaweyn ayaa baaritaan kadib laga helay iyadoo qaadkaasina ganacsatadii laheyd durba la waayay. Kadib markii la waayay ganacsatadii qaadka laheyd ayaa waxaa gacanta lagu dhigay kabtankii diyaaradda iyo guud ahaan shaqaalihii Diyaaraddaasi, waxaana ugu dambeyntii garoonka yimid Mas'uuliyiinta Shirkadda Xafiiskooda Muqdisho. Wada hadal kadib waxaa lagu ganaaxay Mas'uuliyiinta Diyaaradda African Airways lacag gaareysa USD $7.000 waxaana sidoo kale lagu amray in dib dambe aysan u soo qaadi Karin diyaaraddaasi wax qaad ah haddii lagu arkana lagu ciqaabi doono maadaama ay ogsoon yihiin in Soomaaliya laga mamnuucay qaadka. Qaadka ayaa ugu dambeyntii go'aankiisa waxaa gaaray Mas'uuliyiinta Golaha Maxaakimta iyadoo caawa lagu gubayo Magaalada Muqdisho. Ma ahan markii ugu horeysay oo Ganacsatadii qaadka ay kusoo qariyaan Diyaaraadaha Muqdisho soo gaaraya, waxaana ugu dambeyntii Shirkadaha diyaaradaha looga digay in ay keenaan ama ay soo qaadaan wax qaad ah ama cid sidata qaat taasi oo ay kujoojin karaan iyagoo macaamiishooda ku wargeliya in qaadka uu diyaaradooda mamnuuc ka yahay. Quote Share this post Link to post Share on other sites
RedSea Posted November 23, 2006 Don't say you weren't warn that Qad is illegal. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jabhad Posted November 23, 2006 The cat-and-mouse game between the ICU and the Khad smugglers continuees Jaale Red Sea. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted November 23, 2006 Busted..........ceeb baa ka dhacday. Toloow ma waxay is lahaayeen wadaaddadaan wax walba waa la marsiin karaa oo ma tababarna? Waxaa ku xiga ayaan filayaa in haweyn mar dhow jaad looga dhigo iney uur leeyihiin camal.@lol Quote Share this post Link to post Share on other sites
Allamagan Posted November 24, 2006 I love the jaad to be banned for good. It is killing our society today, however that method employed by UIC iant working and we all know that, they should have used different strategies than that. Hasty decision and would soon backfire on them. Quote Share this post Link to post Share on other sites