Sign in to follow this  
Sharmakee

maxkamadha oo yimid buurhakabe

Recommended Posts

Mas’uuliyiin ka tirsan golaha maxkamadaha oo galabta ka khudbeeyey magaalada Buurhakaba ee gobolka Bay.

October-23 -2006 HornAfrik, Mogadishu, Somalia.

 

Mas’uuliyiin ka tirsan golaha maxkamadaha ayaa galabta ka qudbeeyey magaalada Buurhakaba kaddib markii ciidamada maxkamadaha ay maanta la wareegeen iyadoo ciidamadii dowladda si nabad ah xalay degmadaas uga tageen.

 

Qeybaha bulshada ee ku dhaqan degmada Buurhakaba ee gobolka Bay ayaa maanta isugu soo baxay bartamaha magaaladaas iyagoo si weyn u dhageysanayey qudbad ay halkaas ka jeediyeen mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan maxaakiimta Islaamka oo maanta la wareegay gacan ku heynta degmadaas kaddib markii xalay ay isaga baxeen ciidamada dowladda.

 

Mas’uuliyinta la hadashay dadweynaha waxaa ka mid ah Sh. C/raxman Janaqow guddoomiye ku xigeenka golaha fulinta maxaakiimta Islaamka, madaxa ammaanka Sh. Yuusuf Maxamed Siyaad “Indha cadde†guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga Sh. Mukhtaar Roobow Abuu-mansuur, Guddoomiyaha maxkamada Al-bayaan Maxamed Ibraahim Bilaal iyo guddoomiye ku xigeenka Sh/dhaxe ee golaha maxaakiimta Macalin Xaashi Maxamuud.

 

Mas’uuliyiinta maxaakiimta ayaa dhamaantood cambaareeyey dowladda Itoobiya iyagoo ku eedeeyey inay ku hubeyso qeyba ka mida gobolada dalka hogaamiye kooxeedyadii laga ceyriyey magaalada Muqdisho si ay dib ugu qabsadaan si xoogan islamarkaana ay u soo galaan goobihii laga kaxeeyey.

 

Sidoo kale mas’uuliyiinta ayaa cambaareeyey dowladda fedraalka ee Soomaaliya oo ay ku eedeeyeen inay dhibaato ka wado degmada Buurhakaba oo ay ku sugan yihiin sida ay yiraahdeen taageerayaasha maxaakiimta Islaamka.

 

Guddoomiye ku xigeenka golaha fulinta ayaa u sheegay dowladda fedraalka KMG ah in aaney dalka ku xukumi karin awood Tigree ah.

 

Sh. C/raxman Janaqow guddoomiye ku xigeenka golaha fulinta maxaakiimta ayaa sidoo kale digniin u jeediyey dowladda Itoobiya isagoo sheegay haddii ay ka baaqsan weydo faragalinta arrimaha Soomaaliya ay la kulmi doonto cawaaqib xumo.

 

Waa markii ugu horeysay oo Sh. C/raxman Janaqow uu qudbad ka jeediyey degmada Buurhakaba ee gobolka Bay isagoo ku booriyey dadweynaha degmadaas inay soo dhaweeyaan maxaakiimta islaamka oo ay la shaqeeyaan.

 

Degmada Buurhakaba waxa maanta ka dhacay laba banaabax oo mid lagu taageerayey maxaakimta Islaamka soo gelitaanka ay degmadaas soo galeen midna lagu taageerayey ka bixitaanka ciidamada dowladda KMG ah ka baxeen degmada.

 

Maanta ayaa markii ay tageen maxaakiimta Islaamka ayaa burburiyey laba goobood oo hore u dhiseen maamulka gobolka oo loogu talagalay inay ka qudbeeyaan Ra’isal wasaaraha xukuumada KMG ah Cali Maxamed Geeddi iyo ku xigeenkiisa Xuseen Ceydiid kaddib markii ciidamada dowladda ay halkaas la wareegeen.

 

La wareegitaanka maxaakiimta degmada Buurhakaba ayaa ka dambeeyey kaddib markii xalay ay halkaas isaga baxeen ciidamada dowladda KMG ah iyadoo aan la ogeyn ujeedada ka bixitaankooda, balse war saxaafadeed ka soo baxay wasaarada warfaafinta dowladda KMG ayey dowladda ku sheegtay in markii hore halkaas u tageen inay soo celiyaan ammaanka degmada Buurhakaba islamarkaana ay maamulka degmadaas isku afgarteen in ammaanka wax ka qabtaan iyadoo dowladda caddeysay in meel walba oo dalka ka mid ah o dhibaato ka jirta ay tagi doonaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this